In ka badan lix bilood ayaa laga jooga tan iyo markii Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ay go’aan adag ka qaadatay in ay yareyso hawlaheeda Soomaaliya ka dib markii mid ka mid ah shaqaalaheeda la dilay mid kalana la afduubtay muddo hal bil kaliya. Maxaa dhacay markii ICRC ay bilowday in ay hoos u dhigto barnaamijyadeeda Soomaaliya?

Madaxa ergada ICRC, Simon Peter Brooks, ayaa sharaxaya.

  1. ICRC ma ka tagtay Soomaaliya?

Iyadoo 11 xafiis ay ku leedahay dalka, Soomaaliya ayaa weli ah mid ka mid ah hawlgalada ugu weyn ee ICRC ka wado caalamka. Ka dib markii aan gaarnay go’aanka adag oo hoos u dhigga hawlaha ah ayaa waxaan sii wadnay in aan sahay caafimaad ugu deeqno afar isbitaal kuwaas oo kala ah Madiina and Keysaney oo ku yaala Muqdisho, Isbitaalka Kismaayo iyo Isbitaalka Baydhabo iyo in aan taageerno Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Iyada oo lala kaashanaayo SRCS, bishii Disembar, ICRC waxay gargaar deg deg ah gaarsiisay in ka badan 123,000 qof oo gudaha ugu barakacay Kismaayo, Baydhabo, Muqdisho,Garoowe iyo Boosaaso. ICRC waxay sidoo kale deeqo lacag caddaan ah siisay 18,000 qof oo ay ku barakaceen dagaal beeleed oo ku sugnaa degmada Laas Caanood (Gobolka Sool).

2. Waa maxay sababta ICRC u go’aansatay in ay yareyso hawlaheeda Soomaaliya?

Anaga oo ku sugan Soomaaliya sanaadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa sanad si aad ah noogu adag. ShaqaaIaheena ayaa waxaa soo gaaray laba weerar oo naxdin leh. Bishii Maarso, Cabdulxaafid oo ahaa sarkaaleena warbaahinta oo ka shaqaynaayey Muqdisho ayaa lagu dilay weerar bambaano meel ka baxsan xafiisyadayada. Bil kadib, Sonja, oo kalkaaliso caafimaad ah, ayaa laga afduubay xarumaheena Muqdisho. Waxaan dareennay in aan u baahannahay in aan hoos u dhigno dhaqdhaqaaqyadeena si aan si mas’uuliyadi ay ku jirto u qiimayno nabadgelyadeena iyo aqbalaaddeena waddanka, dhammaan iyada oo loo maraayo ballaanqaad ballaaran ee sii wadidda in loo adeego dadka Soomaaliyeed ilaa iyo inta la noo baahan yahay.

3. Waa kuwee hawlgalada ay ku jiraan hakadka?

Hawlihii laga waday xabsiyada ayaa hakad ku jira. Si loo yareeyo khatarta aan hordhigayno shaqaalaheena sidii horay uma dhaqdhaqaaqaan inta badan oo dalka oo dhan ugu dhaqdhaqaaqi jireen. Shaqada aan hadda qabanno waxaa badanaa maamula asxaabteena shaqaalaha oo dalka u dhashay oo fadhiya 11-ka xafiis aan ku leenahay dalka, halka tiro yar shaqaale ah oo fadhigoodu yahay Nairobi ay sameeyaan safaro Soomaaliya lagu tagaayo hadana laga soo laabanaayo si ay ula kulmaan dadka taas oo qayb ka ah dadaalkayaga si aan u qiimayno ammaankeena iyo aqbalaadeena waddanka.

4. Ma ogtahay waxa ku dhacay Sonja?

Sonja waxay si kalkaaliso caafimaad ugu shaqaynaysay qaar ka mid ah dadka ugu nugul Soomaaliya markii laga afduubanaayey xafiiskeena 10 bilood ka hor. Waxaan sameyneynaa wax kasta oo aan awoodno si aan gurigeeda si nabad ah u geyno iyo waxaan mar kale ku baaqayna sii deynteeda deg deg ah oo shuruud la’aan ah.

SImon Peter Brooks, Madaxa Ergada ICRCda ee Soomaaliya

5. Maxay ICRC ka qaadanaysaa si ay si buuxda dib ugu soo celiso hawsheeda Soomaaliya?

Anaga oo ku sugan Soomaaliya inooma ahan hawlqabasho sida caadiga ah. Sonja lama sii deynin. Isla mar ahaantaana, waxaan wadahadallo la leenahay mas’uuliyiinta, hoggaamiyeyaasha qabiilada, bulshooyinka, iyo xubnaha ka tirsan kooxaha hubaysan si aan u xaqiijinno in si wanaagsan la noogu aqoonsado in aan nahay urur bani’aadamnimo oo madaxbannaan, dhexdhexaad ah oo aan eexan.

ICRC waxay u taagan tahay in ay u adeegto dhibbanayaasha dagaalada hubaysan iyo rabshadaha oo gebi ahaanba ku saleysan baahida. Anagu xiriir nagama dhaxeeyo qaybaha ku lugta leh colaadda ama xukuumadda. Khadadka xiriirkayagu way furan yihiin waxaanna soo dhoweynaa wixii jawaab celin dhanka telefoonka lambarkeena lacag la’aanta ah 373 ama email ahaan.

ICRC waxay Soomaaliya ku leedahay taariikh dheer oo soo jirtay muddo ka badan 35 sano oo ay ka jawaab celinaysay colaadda iyo gargaarka bani’aadamnimada. Waxaanu caawinnaa dhibbanayaasha colaadaha hubaysan iyo dhibaatooyinka cimilada oo ay ku jiraan dadka barakacay, maxaabiista, iyo kuwa u baahan daryeel caafimaad. Sanadkii la soo dhaafay, waxaanu dad gaaraya 370,000 qof siinnay cunto, alaabta guriga, iyo lacag caddaan ah markii ay taagnaayeen xaaladaha deg degga ahaa. Si aad in ka badan ka ogaato hawlaha ICRC ka wado Soomaaliya, fadlan akhri xaqiiqooyinkeena iyo tirooyinkeena ee ugu dambeeya.