ICRC Jenefa/Nairobi- Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Jarmalka oo ay la shaqaynaysay Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa laga afduubtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaan aad uga walaacsannahay amniga shaqaalahayaga,” ayuu yiri Daniel O’Malley oo ah ku xigeenka madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya. “Waa kalkaaliso caafimaad oo maalin kasta ka shaqaynaysay sidii ay u badbaadin laheyd nolosha una hormariso caafimaadka qaar ka mid ah dadka ugu nugul Soomaaliya.”

Afduubku wuxuu dhacay habeen Arbaco ah 8-da fiidnimo ee waqtiga maxalliga markii rag hubaysan ay soo galeen xarunta ICRC ee Muqdisho.ICRC waxay xiriiro la sameysay mas’uuliyiin kala duwan si ay isugu daydo una xaqiijiso sii deynteeda.Marxaladan hadda la joogo ma habboona in la bixiyo macluumaad dheeraad ah.

“Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah laga sii daayo,” ayuu yiri  O’Malley.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir

Anna Nelson, ICRC Washington DC, +1 202 255 2715
Crystal Wells, ICRC Nairobi, +254 716 897 265
Krista Armstrong, ICRC Geneva, +41 79 217 32 87