ICRC waxay Soomaaliya ku leedahay taariikh dheer oo soo jirtay muddo ka badan 35 sano oo ay ka jawaab celinaysay colaadda iyo gargaarka bani’aadamnimada. Waxay sii wadi doontaa in ay caawiso dadka isugu darsameen dhibaatooyinka colaadaha hubaysan oo daba dheeraaday iyo dhibaatooyinka cimilada qallafsan sida abaaraha iyo daadadka.

Sanadkii 2018-kii, ICRC waxay ku khasbanaatay in ay yareyso qaar ka mid ah hawlaha gargaarka ka dib markii ay soo baxeen walaacyo dhanka ammaanka iyo aqbalaadda guud ee hay’adda ee goobaha ay ka shaqayso. ICRC waxay si dhow ula shaqeysaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) si ay uga jawaabto baahiyaha bani’aadamnimada iyada oo bixiso sahay cunto oo degdeg ah, ilaha laga helo biyo nadiif ah oo la cabi karo, abuur, qalabka beeraha iyo tallaalka xoolaha.

Somali

English