ICRCga

Iyadoo  la asaasay sannadkii 1863, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay ka hawl gashaa caalamkoo idil, kaalmeysana  dadka waxyeelada ka soo gaartay colaada hubeysan iyo qalalaasaha kale  waxay horumarisaa sharciyada dhawraya dhibanayaasha. Waa hay’ad madaxbannaan oo dhexdhexaad ah waajibaadkeeda shaqana ka soo jeeda axdiyada Jenefa ee 1949.

 

Waajibaadka shaqo ee ICRC

Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) waa urur aan eexan, madaxbanaan dhexdhexaad ah kaasoo hawshiisu aadminimo kaliya tahay in uu dhowro nolosha iyo sharafta dhibanayaasha dagaalada iyo xaaladaha kale ee qalalaase iyo in uu gargaar siiyo dhibanayaasha colaadaha.

…aan eexan, madaxbanaan dhexdhexaad ah kaasoo hawshiisu

ICRC-da waxay kaloo ku dadaasha in ay ka hortagto dhibaatada iyadoo horumarineysa xoojineysana xeerka aadminimada iyo mabaad’ida caalamiga ee aadminimada.

 

Ergada ICRC-da Soomaaliya

ICRC waxay markii ugu horeysay hawsheeda Soomaaliya ka bilowday sannadkii 1977dii markaas oo  dagaal ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxay  joogteysay joogitaankeeda  Soomaaliya, iyadoo ka  jawaabeysaa baahiyaha dhibanayaasha colaada, badanaana sii xumeysay aafooyinka rabaaniga  ah. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waa lamaanaha  muhimka ah hawlgalada ICRC Soomaliya. Iyadoo la addeegsaneya shabakada ballaaran ee SRCS waddanka   oo dhan, ayaa ICRC iyadoo la kaashaneysa bulshada deegaanka ka shaqeysaa in ay hagaajiso adeegga daryeelka caafimaadka asaasiga iyo daaweynta dadk ku dhaawacma hubka. Waxay kaloo taageero deg deg ah siiyaan kuwa sida aadka u nugul, waxay xoojisaa habnololeedka isla markaana soo celisaa xiriirka qoysaska colaada kala geysay.

ICRC-du waxay kaloo wadahada la gasha dhammaan qeybaha colaada u dhaxeyso kana hadleysa arrimaha aadminimo iyo xeerarka loo adeegsan karo habdhaqanka colaada.  Iyadoo ku taagan dhexdhexaadnimadeeda, eexasho la’aanteeda iyo mabaad’ida madaxbanaanimada ayey  dhiirigelisaa xushmeynta Xeerka Caalamiga ee Aadminimo (IHL) waxayna dhammaan qeybaha xusuusisaa waajidka ka saran in ay xaqiijiyaan badbaadinta kuwa aan colaada ka qeyqaadan.


XIRIIRADA

Email: somaliablog@icrc.org

Xafiiska Nayroobi: 

Ngecha Road, off Lower Kabete
NAYROOBI

Telefoon: +254 722 512 725 / +254 780 404 043 / +254 709 132 000

Xafiiska Muqdisho: 
Bula Hubay Quarters,
MUQDISHO

Telefoon: +2521-217099/ +2521-858376/+2521-855152