Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay caawinaayaan Seynab oo ah Soomaali dib u soo laabtay, waxay dhisayaan xiriirka seygeeda maqan. Sawirka waxaa laga qaaday Boosaaso markii ugu sarreysay colaada Yaman. Sawir: ICRC/Miraj Mohamud

 

Axaddii oo ah 15-ka Maajo waa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qoysaska. Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay la shaqeysaa la hawlgaleyaasha Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas si ay u helaan dadka maqan oo ka lumay colaada,musiibooyinka ama haajirida iyagoo dib loola xiriirinaayo qaraabadooda. Tani waxay ku jirtaa in qoysaska loo xaqiijiyo qaddarka ku dhacay kuwa ay jecelyihiin oo maqan.

RFL_EN_4CPOSBarnaamijka Dib-u-soo celinta Xiriirka Qoyska wuxuu soo kobcayey sannooyinkii la soo dhaafay laga soo bilaabo isweydaari farriimo fudud oo ah Farriimaha Laanqayrta Cas oo u dhaxeysa qoysaska ayaa lagu kordhiyey wicitaano telefoon iyo in badan dhowaanahan waxaa la adeegsadaa hab ku xiran kombiyuutarka.

Iyadoo ay saaciday teknolojiyada, adeegan muhimka ah wuxuu daboolaya dalabaadka ka imaanaya duni la rafaneyso dhibaatooyinka haajirida oo aan horey u dhicin.

Trace the face’ waa aalad ku xiran kombiyuutarka oo ay abuureen dhowr Jimyicad Qarameedyo reer Yurub ah si loogu caawiyo muhaajiriinta in ay helaan xubnahooda qoyskooda ee maqan. Qofkii raadinaaya qof la jecelyahay waxay sawirkooda dhigi karaan website-ka. Muuqaalo sawiro waaweyn ayaa la suray xarumaha muhaajiriinta. Hadda habkan waxaa ku jira facebook-ga.

Adeega ku xiran kombiyuutarka wuxuu suulinaaya xadeynta juquraaji oo muhaajiriintu ay u badantahay in ay la kulmaan marka ay raadinaayaan in ay dib- u- dhisaan xiriirka qoysaskooda. Sannooyinkii la soo dhaafay Soomaaliya waxaa si fiican ugu shaqeeyey barnaamijka maalinlaha ah ee raadiyaha oo magacyada dadka maqan ku baahiya BBC-da Laanta af Soomaaliga.

 

ICRC-da oo si dhow ula shaqeysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay tan iyo sanadkii 1991dii bixineysa adeegyada baafinta. Sannadkii la soo dhaafay, xilligii colaada Yaman meeshii ugu sareysay mareysay adeega waxaa loo fidiyey kuwa ka soo cararayey colaada.

Codsiyo dokumentiyo baafin ah oo qabtay xafiiska Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Kismaayo. Sawir: ICRC/Cabdikarim Maxamed

Codsiyo dokumentiyo baafin ah oo qabtay xafiiska Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Kismaayo. Sawir: ICRC/Cabdikarim Maxamed

 

Intii u dhaxeysay bilaha Janaayo iyo Maarso ee sanadkan, waxaa la isweydaarsaday in ka badan 3,000 farriimaha Laanqayrta Cas iyo 91 qof ayaa si guul leh loo helay. Intii lsla muddadaas waxaa la helay in ka badan 150 codsiyo baafin ah iyo ku dhowaad 1,300 magacyo dad maqan ah ayaa lagu daabacay website-ka Xiriirka Qoyska ee ICRC.

 

images