Xaaladaha colaada hubeysan iyo xaaladaha kele ee qalalaase  iyo masiibooyinka waxay sababaan dhibaato balaaran oo ka gedisan mida aan ka aragno dusha sare. Bartamaha argagaxa iyo cabsida ayaa xubnaha qoyska  daqiiqado gudahood ku kala lumi karaan. Fowdada iyo qaska awgeed, baafinta kuwa la jecelyahay waxay noqon kartaa mid dhib badan waxayna horseedi karaan sanooyin murugo iyo hubanti la’aanta ku saabsan qaddarka ku dhacay kuwa la jecelyahay.

Gudaha Soomaaliya, ICRC  oo iskaashanaayaan Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay isku dayayaan in ay dib u dhisaan xiriirka u dhaxeeya qaraabada colaada kala geysay. Xaalada waddanka waa mid jilicsan dadaalada dadka laga helaayo iyo in dib loola kulansiiyo qaysaskooda waa ay sosoctaa.

Ka cararka colaada hubeysan ee Yaman

Dhowaan, baahida adeegan muhimka ah waa ay korortay   iyado oo dagaalada Yaman ay sii korortay. Tan iyo bilowgii colaada Yaman bishii Maarso, ku dhowaad 19,000 qof ayaa ammaankooda ugu cararay    xeebaha Soomaaliya. Inta badan dadka yimid waxay joogaan Boosaaso, Gobolka Puntland, qiyaastii 13,000 qof ayaa la sheegaya in ay imaadeen dabayaaqadii Juun.

Seynab, Soomaali dib uga  soo laabatay Yaman ayaa Boosaaso soo gaartay iyada iyo saddexdeeda caruur. Cimilada Kuleylka badan oo  saalantay waxay gaareysaa 40 digrii waxay   dib u xusuusineysaa noloshii ay la qabsadeen   xerada qaxootiga ee Kharaz ku taalo Lahj, Koofur-galbeed Yaman, inaysan jrin

“Waan xusuusta waxaan quraac u diyaarinaayey caruurteyda laakin sidaas in ay noqoto ma aheyn. Xabada iyo qaraxyadu waa ay sii xoogeysteen. Dagaalku wuxuu ka socday albaabkeyni hortiisa. Wax kale ma jirin oo ayan aheyn in aa u cararno nafteyna.”

Bartamaha fowdada waxay lumisay xiriirka seygeeda. Nasiib wanaag, markay soo gaareen Boosaaso mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee   Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ku caawiyey in ay dib u dhisto xiriirka seygeeda.

“Wax war ah kama aan helin ninkeyga ku dhowaad bil. Aad ayaan u welwelay. Codkiisa ayaan telefoonka ka maqlay   waana qaboobay markaan ogaaday in uu noolyahay,” Seynab ayaa sidaa tiri ka gadaal markii ay telefoonka kala hadashay isaga.

Silica hubanti la’aanta ku saabsan qaddarka ku dhacay ninkeeda waa la fududeeyey.

Seynab iyo saddexdeeda caruur oo ay fadhiyaan xero barakac ku taalo Boosaaso

Seynab iyo saddexdeeda caruur oo ay fadhiyaan xero barakac ku taalo Boosaaso. © ICRC/Miraj Mohamud

Axmed Saroug,   mas’uulka isuduwida barnaamijka Dib u Soo Celinta Xiriirka Qoysa (RFL) Soomaaliya ayaa sharxaya ku lug lahaanshaha ICRCda.

“Xaalada Yaman wuxuu leeyahay cawaaqib gaaraya meel ka baxsan   xuduudkeeda. Waxaan ka xunahay   raadka ku yeelaneyso   dadka shacabka ah. Iyadoo ICRC ay isku dayeyso in gudaha Yaman   baahiyaha asaasiga ah gaarsiiso, halkaan Soomaaliyana iyadoo lala kaashanaayoy SRCS waxaan caawinaa  qaxootoga iyo kuwa dib u soo laabanaaya  in dib loola xiro qoysaskooda.”

Wuxuu   ku daray hadalkiisa, “waxay siineysa deganaansho maskada si ay u ogaadaan qaddarka iyo halka ay ku suganyihiin kuwa la jecelyahay.”

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay kaloo kuwa imaanaya siiyaan gargaar daawo, qaar iyaga ka mid ah   muuqaal ahaan waa kuwo xanuunsan   safarka dheer ka dib.

ICRC waxay dhibanayaasha ka soo cararaaya rabshada   Yaman ku caawineysay in ay dib u dhisaan xiriirka qaraabadooda sidoo kale goobeysa in ay cadeyso qaddarka haysto kuwa weli maqan. Laga soo bilaabo dhammaadkii Juun, in ka badan 4000 wicitaan telefoon ayaa loo sameeyey qoysaska goorta ay ka yimaadaan Yaman.

 Qoyska oo lala xiriirayo maxaabiista

Furo warsidaha xabsiyada

Barnaamijka Dib u Soo Celinta Xiriirka Qoyska ee Soomaaliya wuxuu kaloo gaaraa maxaabiista. Booqashooyinka    lagu bixiyo dadka laga qaaday xoriyadooda waa udub dhexaadka hawsha ICRC ka wado daafaha caalamka. Maxaabiistu waa in ay ka faa’idaan daryeel insaaniyad leh tan iyo waqtiga la haysto, qoysaskana waa in ay la socdaan qaddarkooda waana in ay helaan fursad ay kula xiriiri karaan.

Gudaha Soomaaliya, ICRCwaxay maxaabiista ku caawintaa in ay baafiyaan qoysaskooda waxayn kula xiriirayaan isdhaafsiga Farriimaha Laanqeyrta Cas (RCMs). Sannadkii 2014 wadar ahaan 3,590 RCMs ayaa la is dhaafsaday halka 22 maxaabiisna lagu caawiyey in ay baafiyaan meesha ay joogan qoysaskooda.

 

 

 

Ku akhri af Carabi