Xaaladaha jah-wareerka masiibooyinka iyo colaada, xubnaha qoyska way kala go’aan. Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC), Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS)iyo shabakadda Jimciyad-Qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee adduunka oo dhan ayaa isku dayaya in ay helaan dadka hadana dib ula xiriiriyaan qaraabadooda maqan. Adeeggu waa lacag la’aan wuxuuna la mideysanyahay baafinta, adeegyada farriin gudbinta iyo dib-u- mideynta qoyska.

Raad raaca Wajiga

Raad raaca Wajiga waa buug tusiya sawiro oo online ah oo qof walba u ogolaanaya inuu sawirada ka dhex raadiyo qof maqan ama in faahfaahintooda ay dhigaan si qoysaskoodu u ogaadaan in ay ammaan yihiin. Webiste-ka oo laga heli karo Soomaali, waxaa maamula tiro badan oo ah Jimciyad-Qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxayna bartilmaameedsadaan muhaajiriinta ku sugan Yurub.

Raadiyaha

Iyadoo ah mid ka mid ah hababka raadinta xubnaha qoyska, ICRC oo la kaashaneysa BBC waxay akhrineysa magacyada Soomaalida maqan“Shakhsiyaadka Maqan” ee barnaamijka raadiyaha lix jeer toddobaadkii. Tani waxay ku dhacdaa codsiga ay sameeyaan qoysaskooda.

Liis dad ah oo qoysaskooda raadinaya ayaa sidoo kale online ahaan loogu baafiya.

Farriimaha Laanqeyrta Cas

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyadoo isticmaaleysa Farriimaha Laanqeyrta Cas (RCMs) waxay qoysaska ku caawisaa in ay wada xiriiraan. Waa waraaqo furan oo ka kooban foom laba bog ah oo la goyn karo oo qofka qaataha ah haysan karo.Bogga koowaad diraha wuxuu u isticmaala farriintiisa/farrinteeda.Bogga labaadna wuxuu ka koobanyahay jawaabta.Aqoonsiga iyo cinwaanada buuxa ee soo diraha iyo loo diraha waxay ka muuqdaan labada bog. Iyadoo loo maraayo shabakadda ururada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas adduunka oo dhan, Farriimaha Laanqeyrta Cas (RCMs) waxay qaraabada awood u siineysa in wararka shakhsi ahaaneed is dhaafsadaan.