Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay yareyneysaa hawlgaladeeda ay ka wadday Soomaaliya ka dib walaacyo ku saabsan ammaanka iyo guud ahaan aqbalaadda hay’adda ee goobta shaqada. Bishii Marso, mid ka mid ah shaqaalaheeda ayaa ku geeriyooday qarax bam oo ka dhacay xafiiska hay’adda ee magaalada Muqisho hortiisa. Bil ka dib, xubin kale oo ka tirsan shaqaalaha ayaa laga afduubtay caasimadda. Dhacdooyinka isku xigxigay ayaa u horseeday hay’adda in ay yareyso hawlaha ay ka wadday dalka. Laakiin tani maxaa loola jeedaa? Madaxa ergada ICRC Simon Brooks ayaa tallaabada caddeynaya.

 

  1. Waa maxay sababta ay ICRC hoos ugu dhigayso hawlaheeda Soomaaliya?

Bishii Maarso, Cabdulxaafid ayaa waxaa lagu dilay xafiiskeena hortiisa iyo horaantii bishii Maajo, Sonja, oo aheyd kalkaaliso caafimaad, ayaa laga afduubtay dhismayaasheena, labaduba waa Muqdisho gudaheeda. Labadaan dhacdo ayaa nagu kaliftay in aan hakino. Waa in aan isweydiinno su’aallo muhiim ah oo ku saabsan aqbalaadda iyo ixtiraamka ICRC-da Soomaaliya.Tani waa sababta aan u sameynay go’aanka adag ee aan u yareynaayo hawlaheena Soomaaliya.

  1. Hawlahee baad yareynaysaan iyo maxaa saldhig u ah?

    SImon Peter Brooks, Madaxa Ergada ICRCda ee soomaaliya

Waxaanu sii wadi doonnaa taagerada Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo sidoo kale sahayda daawo ee afarta isbitaal oo aan taageeraynay-Madiina iyo Keysaney oo ku yaala Muqdisho, isbitaalka Kismaayo iyo isbitaalka Baydhabo. Hawlgalada waxqabadka deg degga ah oo ay ku jiraan raashin qaybinta, biyaha, kormeerka xabsiyada, taageerada hab-nooleedka, taas oo ka mid ah lacagta caddaanka ah ayaa la hakin doonaa ilaa iyo wargelin dheeraad oo dambe. Tallaabadaani waxay noo oggolaanayaan in aan sii wadno xakameynta rafaadka dhibbanayaasha annaga oo xaddideyna khatarta ay wajahayaan shaqaalaheena.

  1. Maxay yihiin shuruudihiina aad ku soo laabanaysaan oo aad si buuxda dib ugu bilaabaysaan hawlgalada?

Waa muhiim in la fahmo in weerar kasta oo shaqaalaheena loo gaysto wuxuu halis gelinayaa awooddeena aan ku gaari karno dadka aan u adeegno – kuwa dhibaataysan oo si ba’an ugu baahan gargaarka bani’aadamnimada. Awooddeena aan ku qaban karno shaqadeena Soomaaliya waxay ku saleysan tahay damaanad-qaad amni oo adag. Haddii aanan heli karin amni aan ku shaqayno, markaa ma gaari karno dhibbanayaasha. Kaliya waxaanu si buuxda dib ugu bilaabi karnaa hawlgalada marka aan helno xaqiiq dhanka ammaanka ah iyo ixtiraamka shaqaalaheena ku sugan goobta shaqada.

  1. Maxay tahay arrinta Sonja?

Waxaan dooneynaa in aan war-cad ka helno xaaladda Sonja. Waxay ku dhowdahay seddex bilood tan iyo markii nalaga soo watay, afduubkeedana wuxuu su’aal gelinaya aqbalaaddeena iyo amnigeena. Annaga oo sii wadno dadaalladeena diiradda ku saarayno xaqiijinta sii deynteeda, waxaan ku baaqeynaa sii deyn deg deg ah oo shuruud la’aan ah.

  1. Maxay kula tahay dadka Soomaaliyeed kuwaas oo sida aadka u daran ugu baahan gargaar?

Go’aankaan waa mid aad u adag waana mid la gaaray iyadoo laga xun yahay. Loogama jeedo in lagu ciqaabo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani’aadamnimada. Maya, ma ahan. Waa keli si aan u fahamno oo aan meesha ka saarno dhibaatooyinka iyo caqabadaha aan wajahayno, in aan xaqiijinno in si ammaan ah ku shaqeyn karno. Badbaadada shaqaalaheena ayaa ah mudnaanta koowaad, haddii aan ammaan ku shaqeyn karin awoodda aan u leenahay in aan wax u qabanno kuwa u baahan gargaarkeena ayaa dhib soo gaaraya.

Waxaan ku boorinaya akhristayaasha bloggeena in ay fahmaan in ICRC ay tahay hay’ad bani’aadamnimo oo madax bannaan ah. Shuraako lama aha dhinacyada ku lug leh colaadda ama dawladaha. Waxay doon-dooneysaa in ay u adeegto dadka u baahan caawimaad waxayna wax ugu qabataa si eexasho la’aan ah. Khadadkeena isgaarsiinta iyo xiriirka waxay sii ahaanayaan kuwo furan, waxaanna mar walba daneyneynaa jawaab celin dhanka telefoonka ah ee lambarkeena lacag la’aanta 373 ama email ahaan. Waxaa naga go’an dhowridda iyo caawinta dadka Soomaaliyeed.

 

ICRC Soomaaliya waxay ku leedahay taariikh dheer oo gaareysa in ka badan 35 sano oo jawaab celinta colaadaha iyo gargaarka bani’aadamnimada. Waxaanu caawinnaa dhibbanayaasha dagaalka iyo masiibooyinka cimilada oo ay ku jiraan dadka barakacay, maxaabiista iyo kuwa u baahan daryeelka caafimaadka. Sannadkii la soo dhaafay, iyadoo Soomaaliya ay la halgamaysay abaar wax-yeeleyn leh, ICRC waxay gargaar bani’aadamnimo u fidisay in ka badan 2.6 milyan oo dad ah.