ICRC waxay Soomaaliya ku leedahay taariikh dheer oo soo jirtay muddo 35 sano oo ah ka jawaab celinta colaada iyo gargaarka bani’aadamnimada ah. Hawlahaan waxaa ka mid ahaa booqashooyinka maxaabiista intii lagu guda jiray dagaalkii Ogaadeen iyo Itoobiya (1977-1978) iyo sidoo kale hawlgalo gargaar ballaaran oo deg deg ah intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dheeraa iyo macluushii la xiriirtay cimilada ee horraantii 1990-meeyadii.  ICRC waxay sii wadi doontaa caawinta dadka dhibaatada ka soo gaartay isku darka khilaafaadka hubaysan oo sii dheeraaday iyo dhibaatooyinka cimilada adag sida abaaraha iyo daadadka. Gaar ahaan xaaladdii dhacday sanadkii 2017-kii halkaas oo abaarta ba’an ay saameysay inta badan dalka oo ka dhalatay dhibaato bani’aadamnimo oo ballaaran. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) sababo u dhowaanshaheeda bulshada daraadeed kaalin weyn ayey ka qaadata barnaamijyada qaarkood sida adeegyada taageerada daryeelka caafimaadka iyo dib-u-soo celinta xiriirka qoysaska kala maqan.

Bilowgii hore abaarta Soomaaliya, ICRC waxay caawisay in ka badan 2.3 milyan oo qof 1.3 milyan oo dadakaas ka mid ah waxay ku caawisay maaliyad, cunto, waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qoyska iyo daaweynta xoolaha.In ka badan 480,000 qof ayaa heley gargaar caafimaad iyo in ka badan 700,000 qof ay helay biyo nadiid ah iyo nadaafad wanaagsan. Kooxaha xabsiyada waxay booqashooyin ku bixiyeen 43 meelood oo xabsiyo ah.

Somali

English