Nairobi (ICRC)— Booqashooyinka daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo tallaalka  ayaa si aad ah hoos ugu dhacay Soomaaliya iyada oo ay jirto faafitaanka  COVID-19, taas oo sare u qaadeysa walaacyada  laga qabo in cudurrada sida caabuqa neef-mareenka, jadeecada, shuban biyoodka ba’an (AWD) iyo sidoo kale nafaqo-xumada aan la daweyneynin, dhammaan iyadoo daadadkuna tobanaan kun oo dad ah ku qasbay in ay guryahooda ka barakacaan. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay  toddobo jeer  diiwaangelisay  xaalaado badan oo shuban-biyoodka ba’an looga shakisan yahay in ka badan inta ay suurtagal ah  xaaladaha COVID-19 ee labadii bilood  la soo dhaafay, iyadoo hoosta ka xariiqaya khatar jirto  haddii dilaaca cudur- xilliyeed la dayaco.

“Dagaalka ka dhanka ah COVID-19 wuxuu culeys dheeri ah saaray ilaha- dhaqaale ee daryeelka caafimaadka wuxuuna isla waqtigaas daciifinayaa awooddeena aan kaga jawaab-celinayno  halisaha  badan ee dhanka caafimaadka ,” sidaa waxa tiri Ana Maria Guzman, isku- duwaha caafimaadka  ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan sidoo kale aragnaa hoos u dhac ku yimid booqashooyinka xarumaha caafimaadka intii lagu jiray cudurka saf-marka ah kaas oo si aad ah uga walaac ku haya  dhimasho laga hortagi kari lahaa ee ka dhalata cudurrada sida duumada ama dhibaatooyinka xilliga dhalmada ayaa waxay dili  karaan naf ka badan tan COVID-19-ku sababo.”

Booqashooyinka  daryeelka caafimaadka oo ay carruurta  da’doodu ka yar tahay shan sano jir iyo haweenka uurka leh ay ku tagaan xarumaha caafimaadka  Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa hoos uga soo dhacday in ka badan  boqolkiiba 50 qiyaastii 181,000 oo la talin caafimaad  toddobadii bilo od ee ugu horaysay sanadkii 2019 ku dhawaad ​​83,000 isla muddadaas ee sanadkan. Carruurta laga tallaalay ka hortagga gawracatada, cagaarshowga- B, teetanada iyo xiiq-dheerta ayaa hoos uga soo dhacay boqolkiiba 77 sanadkii 2019 oo noqotay boqolkiiba 56 bishii Juun ee 2020, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Isla mar ahaantaana, aalad la-socosho cudur oo bulshada kaalin firfircoon ku leh oo ay soo saareen ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaalyeed (SRCS)ayaa bishii Juun ayaa lagu ogaaday toddobo jeer in ka badan xaalado looga shakisan yahay shuban-biyoodka ba’an marka loo eego COVID-19-ka. In ka badan 65,000 booqashooyin, kooxdu waxay diiwaangelisay 161 xaaladood oo looga shakisan yahay COVID-19 iyo in ka badan 1,100 xaaladood oo looga shakisan yahay shuban-biyoodka ba’an. Degaannada Kismaayo ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay shan iyo labaatan xaaladood oo jadeecado looga shakisan yahay.

“Waxa durba ugu aragnay aaladdeena ilaalinteed ee bulshada kaalinta ku leh  waa waxa khatar  jirta  haddii dhammaan ilaheena dhaqaale xoogga ku saarno la dagaallanka COVID-19 oo aan dayacno dilaaca cuduro-xilliyeedka sida shuban-biyoodka ba’an iyo ololeyaasha tallaalka ee looga hortagaayo jadeecada iyo cudurrada kale ee laga hortegi karo,” ayey tiri Guzman.

Sanadkan, roob-xilliyeedka Xagaaga ayaa celcelis ahaan aad u badnaa, iyagoo sababay fatahaad baahsan, burbur guryo iyo dalagyo. Intii u dhaxeysay bilihii Maajo iyo Luulyo 2020, in ka badan 190,000 qof oo ku nool degaanada wabiga maro ayaa waxaa saameyn ku yeeshay daadad ka dhashay roobabka  iyo fatahaada wabiga, halka in ka badan 650,000 oo qof lagu qasbay in ay guryahooda isaga baxaan daadadka dartood ilaa bilowgii sanadka. Biyo nadiif ah oo la cabo iyo cuntada labaduba waxay noqdeen kuwo xaddidan, taas oo qoysaska gelisay khatar nafaqo-darro iyo cudurrada biyaha ka dhasha.

“Fatahaadaha ayaa dadka ku khasbay in ay tagaan xeryaha barakacayaasha halkaas oo ay ku yaryihiin  biyo nadiif ah, nadaafadda ama cuntada,” ayay tiri Xabiiba Axmed oo ah kalkaaliso caafimaad oo ka tirsan UrurkaBisha Cas kana shaqeysa xarun caafimaad oo ku taal Balcad. “Waxaan aragnaa xaalado shuban-biyoodka ba’an oo kordhaya iyada oo bukaannada badankood ay ka imaanayaan tuulooyin ku yaala daafaha degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ku khasbanaadeen in ay masaafo dheer soo socdaan si ay u soo gaaraan xarunteenna caafimaadka.”

WALAACYADA XAALADAHA BANI’AADAMNIMADA

  • Xaaladaha shuban biyoodka ba’an ayaa ku sii kordhaya Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Banaadir, Jubbaland iyo Galmudug xitaa maadaama roobabku ay si tartiib tartiib ah u sii yaraadeen. Dilaaca cudurka waxaa sii kordhiyey helitaanka biyo nadiif la cabo oo xaddidan, nadaafadda oo liidata iyo barakaca dadweynaha daadka dartood. Waxaa laga soo warbixiyay xaalado badan oo shuban-biyoodka ba’an in uu ku dhacay carruurta ka yar shan sano jirka ah kuwaas oo si gaar ah ugu nugul cudurka, gaar ahaan haddii nidaamyada difaaca jirkooda ugu darsanto nafaqo-xumo.
  • Bulshooyin badan oo la il- daran cudurka shuban-biyoodka ba’an ayaa ku sugan daafaha magaalooyinka halkaas oo xarumaha daryeelka caafimaadka ay ku yaalliin . Badanaa tani micnaheedu waa in ay qasab ku tahay in ay u safraan masaafo dheer si ay daryeel u raadsadaan.
  • Roobab aad uga badan kuwa caadiga ah ayaa ku khasbay boqolaal kun oo dad ah in ay ka baxaan guryahooda. Roobabku waxay burburiyeen hanti iyo dalagyo. Jowhar ayaa ahayd mid ka mid ah goobihii ay dhibaatadu saameysey, halkaas oo daadadku ay ku dhufteen in ka badan 20 tuulo oo ay qoysaska ku khasbeen in ay gabaad u raadsadaan xero barakac macmal ah oo ku taal garoonka diyaaradaha ee magaalada.
  • Guud ahaan dalka, inta lagu jiro cudurka saf-marka ah ee COVID-19, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo ICRC ayaa waxay arkayaan hoos u dhac khatar ah oo ku yimid booqashooyinka daryeelka caafimaadka ee carruurta iyo haweenka uurka leh oo ah is-beddel walwal leh oo horseedi kara dhimasho laga hortegi kari lahaa iyo arrimo la daaweyn kari lahaa sida duumada, shubanka iyo nafaqo-xumada ama dhibaatooyinka la xiriira dhalmada.

MUHIIMADA HAWL-GALLADA

  • Bishii Juun 2020, Ururka Bisha Cas iyo ICRC waxay aasaaseen hab la-socosho cudur oo bulshada kaalin firfircoon ku leh, kaas oo qiyaastii 100 mutadawiciin oo ku baahsan dalka oo dhan ay booqdaan guryaha qoysaska isla markaana ka warbixiyaan waqtiga dhabta ah khataraha caafimaadka ee ay arkaan. Ilaa bishii Juun 22-eed, in ka badan 65,000 oo qoys ayaa la sahamiyey, iyada oo 161 xaaladood looga shakisan yahay COVID-19, in ka badan 1,100 xaaladood oo looga shakisan yahay shuban-biyoodka ba’an, iyo 25 xaaladood oo looga shakisan yahay jadeeco (keliya lagu arkay Kismaayo) ayaa laga soo warbixyey.
  • Shuban-biyoodka ba’an ee laga shakisan yahay oo ay diiwaan gelisay nidaamka la-socodka cudurka oo bulshada kaalinta ku leh ayaa ka badan heerka degdegga ah ee 60 xaaladood oo looga shakisan yahay shuban-biyood ba’an, taasoo ku kaliftey ICRC-da iyo Wasaaradda Caafimaadka inay wax ka qabtaan.
  • Si looga caawiyo daaweynta shuban-biyoodka ba’an, ICRC waxay xarumaha SRCS siisay cusbada fuuq-celinta iyo kiniiniyada zinc. Si loo joojiyo faafitaanka shuban-biyoodka, meelaha lagu dhaqdo gacmaha ayaa laga sameeyay agagaaraha xarumaha caafimaadka, waxaana la qaybiyey in ka badan 100,000 xabbo oo saabuun ah. Rugaha caafimaadku waxay kaloo heleen koloriin si ay ula socdaan tallaabooyinka looga hortago caabuqa.
  • Ku dhawaad ​​5,000 oo qof ayaa ka qaybgalay fadhiyada dhiirrigelinta caafimaadka ee ka hortagga shuban-biyoodka ba’an, halka macluumaad lagu baahiyey 11 idaacadood dalka oo dhan iyo farriimaha gaaban ee( SMS)  oo la xiriira macluumaadka ka-hortagga shuban-biyoodka ayaa loo diray in ka badan 58,000 oo qof.
  • Tan iyo bishii Janaayo 2020, ku dhawaad ​​260,000 oo qof ayaa xarumaha caafimaadka SRCS oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka heley adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan 12,700 carruur oo da’dooda ka hooseyso shan sano iyo 4,300 haween uur leh iyo kuwa naaska-nuujiya ayaa laga daweeyey nafaqo-xumo.
  • Si looga caawiyo in ay hantidooda iyo dalaggooda ka badbadsadaan daadadka, Ururka Bisha Cas iyo ICRC ayaa waxay bulshooyinka gaarsiyeen in ka badan 94,000 oo jawaannada ciida lagu shubo ah.

  Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah la xiriir:

Anisa Hussein Dahir, Communication Officer, +254 708 797 750, anisah@icrc.org

Crystal Wells, ICRC Africa spokesperson, +254 716 897 265, cwells@icrc.org

Kala soco ICRC-da:  facebook.com/icrc iyo twitter.com/icrc