Roobab culus oo da’ay xilli robaadka aya fatahaada ballaaran ka dhaliyay qaybo badan oo dalka ka mid ah. Webiyada deganada Balcad iyo Marka ayaa odaa jabsaday tasoo sababtay waxyeelo baaxad weyn oo soo gaadhay guryihii iyo dhul beereedkii. Fatahaadaha aya ku qasbay boqolaal kun oo qoys oo barakacayaal ah inay raadiyaan guryo cusub. Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa safka kore kaga jirtay caawinta qoysaskaa barakacay siida bixinta gaadiid aamin ah, jawaaanada ciida lagu shubo, Kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo  iyo cunno. Waxyaabaha sida teendhooyin iyo googashaa jifkaa ayaa laa gaarsiiyay 2000 oo qoys oo ku nool xeerayaha barakacayaasha. Xirmooyinka nadaafadda iyo macluumaad lo guutalagalay in lugu yareeyo halista shuban biyoodka ba’an aya la garsiiyay qoysaska.

“Kuwani waa daadkeenna, walaalaheena iyo gabdhaheena, waa inaan caawinaa inta lagu jiro xilliyadan adag. Waxaan ku caawinay inay ka soo qaataan guryahooda waxii alaabo ah oo u soo haray iyo in aan u raadinoo dariiqooyin aan ugu geynno dhulka taaga ah”-Adaan Axmed Eman, mutadawaac SRCS, Afgooye.

Ururka Bisha Cas ee soomaaliyeed ayaa qaybiyay jawaanada ciida lagu shubo oo in ka badan 94,000 oo qof si ay naftooda iyo beerahooda uga celiyaan fatahaadaha. Xaaladaha deg degga ah ee fatahaadaha jawaanada ciida lagu shubo waxay ka celiyaan fatahaada in ay baabi’iso beerahaa sidoo kale waxay abuuraan wadiiqooyin dadku adeegsadaan.©SRCS.

 

Roobab culus oo ka da’ay gobolada Hirshabelle iyo koonfur Galbeed ayaa burburiyey beerahii iyo dalagyadii. Bulshooyinka ku nool deegaannadaas ayaa ah kuwa ugu daran ee ay ku dhufteen fatahaada daran taaso keentay barakaca boqolaal kun oo qof.©SRCS.

 

Kooxahaa Urrurka Bisha Cas ee soomaaliyeed waxax sii wadaan caawinta dhibbanayaasha fatahaadaha ee ku nool degmooyinka Jowhar, Balcad iyo Afgooye. Qoysaskan ayaa laga daadgureeyaa waxaana lagu qaadaa doomo maxalli ah si ay u gaaraan dhulka taaga ah. Si loo caawiyo dadka barakacay, Urrurka Bisha Cas ee soomaaliyeed (SRCS) oo ay weheliso Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay gaarsiiyeen qoysaska teendhooyin iyo maryo kaneeco.©SRCS.

 

Qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha waxay gaadiid ahan u adeegsanayaan gaariga gacanta. Mutadawiciinta Urrurka Bisha Cas ee soomaaliyeed (SRCS) waxay ku caawiyaan bulshooyinkaan in ay u qaadaan alaabtooda si ay dhul aamin ah ugu geeyaan.©SRCS.

 

Fatahaadihii cuslaa aawadood ayaa inta badan bulshooyinka ku nool Jowhar iyo Balcad waxay ka barakeceen guryahooda. Mutadawac u shaqeeya Ururka Bisha Cas ee soomaaliyeed (SRCS) oo haweeney ka caawinaya boorsadeeda dharka.©SRCS.

 

Kooxahaa waxay adeegsanayaan makarafoon si ay sare ugu qaadaan ku dhaqanka nadaafadda wanagsan ee meelaha suuqyada iyo xeryaha barakacayaasha. Si bulshooyinku u helaan biyo nadiif ah oo oo la cabi karo, Urrurka Bisha Cas ee soomaaliyeed (SRCS) ayaa gaarsiiyeen kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo si biyaha lagu nadiifiyo.©SRCS.

 

Xooluhu waa waxaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Qoys Xoolahooda ku wada doon degmada Balcad.©SRCS.