Su’aal
Sanadihi ugu dambeeyay dawladaha caalamku waxay wajahayeen khatar muuqata oo uga imaanaysay shakhsiyaad iyo kooxo hubeysan oo aan dawli ahayn kuwaas oo maciin bideyfalal argaggixiso. Iyada oo laga falcelinayo arintaas, dawladaha iyo ururada caalamiga ah waxay si kororsiimo leh u diyaariyeen shuruuc ama tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka argaggixiso…
Guddiga caalamiga ah ee Laanqayrta (ICRC) waxay cambaaraynaysaa falalka argaggixiso iyada oo aan loo eegaynin cida samaysay falkaas in ay qayb ka tahay colaadaha hubaysan iyo in kale. Sidaas si lamid ah ICRC waxay ka welwelsan tahay natiijooyinka bani’aadamnimo ee ka dhalan kara hawlgalada la dagaalanka argaggixisada.ICRC waxaa welwel galiyay fikradaha khaldan ee had iyo jeer laga haysto ama laga aaminsanyahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada taasoo ah in aan lagu dabakhi Karin ama qaab la badalay loogu dabakhi karo shaksiyaadka iyo kooxaha loo aqoonsaday in ay argaggixiso yihiin iyaga iyo qoysaskooda. sidoo kale ICRC waxay ka welwelsan tahay xaqiiqada ah in xeerka ciqaabtu uu danbi ka dhigayo nooc walba oo taageero ah oo loo fidiyo shakhsiyaadka ama kooxaha argaggixisada ah arintas oo hor istaagtay in si eex la’aan ah gargaar loogu fidiyo kuwa ay dhibaatooyinku soo gaadhaan.” (waxaa laga soo xigtay warbixinta haayada ICRC 2019 oo ku saabsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo caqabadaha colaadaha hubaysan ee casriga ah).
Si taxaddar leh u falanqee oo uga hadal caqabadaha ka hor yimid sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada (IHL) xiliyada ay socdaan hawlgalada looga hortagayo argaggixisada.