Sandkan Soomaaliya waxaa la soo wariyey boqolaal dhimasho daacuun. Xaaladahan, ugu yaraan waxaa loo nisbeyn karaa markay ugu yar tahay maqnaanshaha qeyb ka mid ah biyaha iyo kaabayaasha bulaacadaha ka dib tobaneeyo sano dagaal socday.Tusaale ahaan xerada barakacayaasha Dalxiis ee Kismaayo, roobab culus ayaa ka dhashay in uu dilaaco cuduro ayna ku jiraan shuban, daacuun iyo tiifow
Raaqiya Cabdi* waa hooyo leh shan caruur oo ku nool xerada Dalxiis. Banaanka aqalkeeda waxaa ka sameysan loorar jeex jeexmeen iyo wargeysyo la isticmaalay oo dun iyo cirbad la isku kabkabay.Aqalkeeda yar waxaa hor mara bulaacad furan, buur yar qashin ahna wuu ag yaala. Markii roobabka culus bilowdeen waxay ku walaacsaneyd in gurigeeda baabi’ doono, laakiiin bedelkii waxaa yimid caqabad ka sii xun: biyo wasakheysan ayaa labadeeda wiil qaadsiiyey daacuun.
Sayga Raaqiya wuxuu ka shaqeyn jiray Jowhar oo Kismaayo u jirto in ka badan 450 km, marka ma awoodin in uu caawiyo. Nasiib wanaag, qof darawal ka ah gaari xamuul ah ayaa u soo qaaday Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo wiilasheeda ka heleen daaweyn.
Ku dhiiratay isbedel
Ladnaanshaha labadeeda wiil iyo cudurkan oo ku soo noqnoqday bulshadeeda ayaa Raaqiya ku dhiirigeliyey dadka kale oo deggan xerada in ay wax barto oo abaabusho si sare loogu qaado ka warqabka khataraha daacuunka. Waxay tababar ka heshay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), hadda waxay tahay mutadawac toddobaadkiiba asaageeda ku caawiya in dadka kale ku sugan xerada ku wargeliyaan muhimadda ay leedahay joogteynta degaan fayo-dhowr fiican leh.
“Hadaan ogaan lahaa muhimadda ay leedahay gacmo-dhaqashada hobboon,iyo biyaha oo la kar kariyo ka hor inta aan la isticmaalin, maanta waxaan sheegi lahaa sheeko taa ka duwan, waxay aheyd faham laáan waxa tani sababay ,” iyada ayaa sidaan sharaxday.
“Waa in aad nadiifisaan degaankiina, musqushiina (suuligiina) ku nadiifisaan biyo ku filan ka dibna xaqiiji in gacmahaaga iska dhaqdo. Sidaan ayaa ka heleyna nolol caafimaad leh, mana laga yaabo in daacuun nagu dhaco” Raaqiya ayaa ku wargelineysa haweenka ka qeyb qaadanaaya tababarka.
Faragelin
Guddiga Caalamiga Laanqeyrta CAS (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay tababar u fidiyeen 65 qof oo Kismaayo ku nool ujeedadana tahay in sare loo qaado ka warqabka khataraha daacuunka iyo tallaabooyinka ay tahay in la raaco si looga hortago in cudurkan sii faafo. .
Nick Rowe, oo taageeraya barnaamijyada fayo-dhowrka ICRC-da Soomaaliya wuxuu yiri waa wax ku dhiirigelinaya in aad aragto bulshooyin hoggaanka u qabanaysa sare u qaadida ka warqabka khataraha daacuunka.
“Daacuunku waa cudur ku badan Soomaaliya dadkana waxay ku noqon kartaa mid aad ugu adag in daacuunka daawo u helaan iyo cudurada kale biyaha ka dhasho,” sidaas ayuu sharxay. “Bulshooyinka oo lagu caawiyo in ay fahmaan sida looga hortago cudurka daacuunka, ayaa tirada dadka ku dhaca daacuunka si weyn hoos loogu dhigi karaa.Si kastaba ha ahaatee,si loo cirib-tiro cudurka, dadku waxay u baahanyihiin helitaanka biyo ammaan ah iyo tas-hiilaadka fayo-dhowrka habboon. Kuwan la’aantood, dilaacidda cudurka wuu sii soconaaya in uu dad ku dhaco naftna ka qaado.”
Calaamadaha daacuunka waxay bilaabmi karaan sida ugu dhakhsiyaha badan dhowr saacadood ama inta ugu dheer shan maalmood ka dib cudurka marka la qaado.Inta badan, calaamaduhu waa dhexdhexaad, laakiin qiyaas ahaan labaatankii qof cudurka ku dhacay mid ayaa ku dhacaya shuban-biyood daran oo la socdo matag kaas oo si dhakhso ah u horseedi kara heer khatar fuuq bax .Inkastoo dad badan oo qaba cudurka yeelan karaan astaamo yar ama aan yeelaneyn astaamo ayaa weli sii fidin kara cudurka gaar ahaan meelaha tas-hiilaadka nadaafadda guud aan ku filneyn.
ICRC waxay SRCS ku taageertaa qalab iyo tababar ku saabsan fayo-dhowrka, maanta Raaqiya waxay casharadii baratay u isticmaaleysaa in ay barto dadka kale, si looga hortago in daacuunka sii dilaaco
Sidoo kale waxaa talooyin fudud oo ku saabsan fayo-dhowrka fariin qoraaleed ahaan loogu diray dad gaaraya 29,591.