In ka badan 300,000 caruur oo ku sugan Soomaaliya ayaa haysa nafaqo-dari oo ay ku jiraan 60,000 da’dooda ka hooseyso shanta sano oo xaaladooda tahay mid adag una baahan cunto ku daweyn deg deg ah.Xarunta keliya ee quudinta ku taalo Kismaayo oo ah magaalo leh deked oo ku taalo koofurta Soomaaliya ayaa buux-dhaafiyey tiro caaruur ah oo barnaamijkeeda cunto ku daweynta ka raadsanaaya gargaar.

Four-year-old Osman Jaafar is suffering from kwashiorkor, a nutritional disorder that has caused a flaky rash all over his body giving his skin a rusty colour and textrure. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Cusmaan Jacfar oo afar sano jir ah wuxuu la il daranyahay kwashiorkor oo ah xanuun ka dhasha nafaqo-dari kaa oo sababay in jirkiisa oo dhan ka soo baxaan finan qolof leh, midabka maqaarkiisana noqday mid muuqaal iyo taabasho ahaanba u eg mid daxaloobay. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Cusmaan Ja’far oo afar sano jir ah ayaa nashaad la’aan dhinac jiifa hooyadiis. Bishii Febraayo ayaa soo gaaray xarunta isagoo la il daran Kwashiorkor oo ah nafaqa dari ka dhalata cuntada oo ka maqnaata brotiin. Taas waxaa ka dhalatay in jirkiisa oo dhan ku soo baxaan finan qolof leh, midabka maqaarkiisa iyo taabasho ahaanba wuxuu noqday mid muuqaal ahaan u eg mid daxaloobay. Nasiib wanaag qiyaasaha nafaqo maalmeedka la siinaayo ayaa  jirkiisa qaadanaaya waxaana la filaaya in uu si buuxda u soo kabsado.

Hooyadiis oo la yiraahdo Madiina Maxamed Amiin ayaa waqtigeeda intiisa badan ku bixisaa in wiilkeeda dhinka midig ay ka joogto. Waxay u suurtagashay in ay keydiso US$10 si ay ugu daboosho safarka kaga timid degmada Jamaame qiyaastii 75 km. Seygeeda waa uu  soo haray si uu u daryeelyo afarta caruur ee kale.

Qoyska Cusmaan waxay degganyihiin hareeraha Webiga Jubba ee Jamaame waa meel u nugul fatahaada taas oo xilli roobaadka carqaladeynaya hab-nololeedka bulshooyinka ku nool dhulka webiyada. Iyadoo la tixraacayo diiwaanka xarunta xanaanada deg degga ku dhowaad boqolkiiba 60 caruurta waxaa la keenay intii u dhaxeysay bilaha Janaayo iyo Febraayo sida Cusmaan oo kale oo bulshadaas ka yimid.

Two-year-old Abdi Ibrahim at the Kismayo nutrition centre. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Cabdi Ibraahim oo laba sano jira oo jooga xarunta nafaqeynta Kismaayo. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Dhanka midig wejiga wiilka laba sano jirka ah ee Cabdi Ibraahim waxaa daboolay faashado si meesha ugu hayaan tuubada quudinta ee dhanka sanka.

Wiilka oo xarunta la keenay dabayaaqadii bishii Febraayo ka gadaal laba- maalin socod ah wuxuu isagoo tabar-daran ku jiifa dhabta hooyadiis wuxuuna u muuqda mid nabad ah iyadoo ku hareereysan calool xumo. Cabdi xitaa wuxuu la il daranyahay Kwashiorkor laakiin xaaladiisa waxaa u sii wehliya dhiig yari iyo rabitaanka cuntada oo ka go’ay.

Si kajan ah oo xoogaa naxariis daro ku jirto, run ahaantii Cabdi miisaankiisu waa xad-dhaaf oo sabab u ah bararka oo ah xaalad ka turjumeysa dareere aruursamay kaa oo keenay bararka jirkiisa. Wuxuu goobta yimid isagoo culeyskiisu yahay 7 kg, kalkaaliyaasha caafimaadkana waxay rajo wanaagsan ka qabaan in uu miisaankiis hoos ugu dhici doono 6kg oo ah culeyskiisa ugu fiican.

Cabdi wuxuu ka mid yahay sided caruur oo hooyadiisa Baaba Xuseen degmada Kanjaron kala soo safray 9 km si daaweyn ugu helo xarunta. Cabdi waa mid ka mid ah sideed caruur. Qoysku waxaa hoggaamiya qaab nololeedka reer guuraaga ah sida caadiga ah quud ahaan waxay ku tiirsanyihiin xoolaha. Si kastaba ha ahaatee hadda xoolahooda waa caato wayna caafimaad daranyihiin sababta oo ah abaarta oo ku soo noqnoqatay Gobolka Jubbada Hoose qoyskana wuxuu miciin biday in ay ku noolaadaan cunto galey iyo biyo ah.

Timiro Ali, two years old, lives with her family in one of the 42 displaced camps within Kismayo town. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Timiro Cali waa laba sano jir waxay qoyskeeda kula nooshahay mid ka mid ah 42-da xerooyinka barakaca ah oo ku yaalaan gudaha magaalada Kismaayo. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Timiro waa 2 sano jir waxay qoyskeeda kula nooshahay mid ka mid ah 42-da xerooyinka barakaca ah oo ku yaalaan gudaha iyo daafa magaalada Kismaayo. Xarunta waxaa iyadoo si daran nafaqo dari u hayso ayna qabto qaaxo oo ah cudur keena bakteeriya. Xarunta waxay la joogtaa walaasheed 00 13 sano jir ah Sahra Cali waayo hooyadeed xerad dibadeed ay joogtaa si ay u dabirto todobada caruur kale.

Warka farxadda leh wuxuu yahay in Timiro si tar tiib ah culeyskeedu u kordhaayo tan iyo markii la hoos geeyey barnaamijka cunto ku daweynta. Kalkaaliyaasha caafimaadka waxay ku rajo weynyihiin in mar dhow laga saari doono xarunta.

Iyadoo la tixraacayo warbixinta humanitarian needs overview ee 2016 oo ku saabsan deegaamada dadka gudaha ku barakacay sida meesha ay  Timiro ku nooshahay ayaa ah “mid si joogto ah ugu sarreysa heerarak gurmadka oo ah boqolkiiba 15”

Xarunta xanaanada deg degga ah ee nafaqo-darida Kismaayo ayaa waxaa ka buuxa sheekooyin badan oo kuwo dhib badan ah. Waxaa sii xumaa ayaa waxay  aheyd intii lagu guda jiray bilaha Jannaayo iyo Febraayo xaruntu waxay daaweyneysay 150 caruur la il daran nafaqo dari, tiro ahaana aad ugu badan awooda isbitaalka oo ah 90 sariirood. Intii lagu guda jiray bilahaas, 386 caruur da’dooda ka hooseyso shan sano ayaa la keenay xarunta taana ay horseeday dhibaato buuxdhaaf ah oo aad u xun ayaa kormeeraha guud ee xarunta Bashiir Maxamed xafiisyada shaqaalaha qaarkood u bedelay qolal bukaan jiif.

“Waxaan bilownay in qolka takoorka u bedelno qol caadi ah hadda waa in qol aan ka sameyno xafiisyada qaarkood si aan ula tacaalno dadka la qaabilaayo oo sarreya,’’ sidaa waxaa yiri Maxamed.

One of the tents put up outside the Kismayo stabilization centre to accomodate the high number of patients admitted in the facility. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Mid ka mid ah teendhooyinka laga dhisay dibadda xarunta xanaanada deg degga ee nafaqo darida Kismaayo si loo dejiyo tirade badan bukaanada la keenay xarunta. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Xarunta xanaanada deg degga ah ee nafaqo-darida Kismaayo qeyb ahaan aad ayaa looga tira batay sababta oo ah saddex xarumood kuwan oo kale ah oo ku yaaleen gobolka Jubba waxay xirmeen sanooyinkii dhowaa. Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) taageerada siiso xarunta xanaanada deg degga ah ee nafaqo-darida Kismaayo waxay bilowday 2014kii.

ICRC waxay taageertaa xarun kale xanaanada deg degga ah ee nafaqo darida Baydhabo, gobolka Baay oo la furay Maay 2015kii. Xaalada nafaqo-dari meesha ka jirto ayaa si la mid ah u baán.

Marka laga soo tago dhibaatooyinkooda hooyooyinka iyo xanaano bixiyeyaasha labada xarumood ka taga iyagoo wata talo fiican oo ku saabsan caadooyinka habboon ee quudinta caruurta. Marka laga saaro xarunta, cuntooyinka dheeriga ah sida malmalaatada ka sameysan lawska oo si gaar ah loo diyaariyey(Plumpy’nut) ayaa la siiyaa hooyooyinka. Waxaa intaas sii dheer, qoysaska waxaa la siiya abuur iyo tababar ku saabsan sida loo beero yaanyada, digirta iyo daba-case si ay u joogteeyaan cunto caafimaad leh. ICRC waxay kaloo hooyooyinka siisaa gargaar lacageed oo caddaan ah si ay u helaan dakhligii ka lumay intii ay qaadanaayeen daaweynta. Kharajka safarka ay ku soo gaareen xaunta waa loo celinaaya iyo nooliga dib ugu laabanaayaan guriga waa la siiyaa.

Sanadkii la soo dhaafay, labada xarumood waxay daweeyeen in ka badan 3,000 xaaladood oo ah caruur nafaqo-dari ba’an hayso ayna u wehliyaan xanuuno kale. Hubaal waxaa ah in weli ay jiraan dhul badan hadda in la buuxiyo ay tahay, xarumahan waxay yihiin goobaha muhimka ah oo daryeel muhim ah siiyaan caruurta.

 

images