Dhulka Soomaaliya oo ay abaaro, ayax iyo cimilo aan la saadaalin karin khatar ku yihiin hab-nololeedyada, ayaa hal dalag waxa uu u adkaystay tijaabada waqtiga: waana geedka timirta. Ku dhawaad ​​toban sano ka dib kumannaan tallaal oo geed timireed ah oo loo qeybiyay iskaashatooyin iyo beeraley, bulshadu waxay ku sii tiirsan tahay dalaggan adkeysiga leh.

“Tayada geed  timireedka ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen ma ahayn mid tayadoodu wanaagsan tahay, waxaana geedkiiba ka soo go’a 20 ilaa 30kg. Waxa aan hadda haysano ayaa aad iyo aad uga wanaagsan, ” ayuu yiri Maxamuud Cabdi, oo ah beeraley ka soo jeeda tuulada Karin ee gobolka Bari, isaga oo ka hadlaya isbeddellada tan iyo markii tallaalka geed timireedka uu helay ku dhawaad ​​toban sano ka hor.

Maxamuud Cabdi oo ku sugan beertiisa halkaa oo uu ku beero geedaha timirta.

Bishii Nofembar 2015, Guddiga Caalamiga  ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa 42,000 oo ah tallaalka geed timireedka u qaybiyay bulshooyinka beeraleyda ah– ee ku nool gobollada Sanaag, Nugaal, Bari, Mudug iyo Sool. Beeraleyda sida Maxamuud oo kale waxay arkeen wax soo saarkooda oo aad u kordhay, hab-nololeedkooduna uu is bedalay.

Colaado aan kala joogsi lahayn iyo musiibooyinka cimilada ee soo noqnoqda – abaaro iyo daadad – qoysaska reer miyiga ah oo ku tiirsan dalagyada iyo xoolaha ayaa ka mid ah kuwa ay sida daran dhibaatadu ugu dhacday. Marka laga soo tago mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Soomaaliya, dalka waxaa halakeeyay fatahaada El-Nino dhammaadkii sanadkii hore. Roobabka Gu’ga ee sanadkan oo da’ayay bilihii Abriil ilaa Juun ayaa sidoo kale sababay fatahaado ka dhacay qeybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ku barakaceen kumanaan qoys. Hase yeeshee, colaadda ayaa weli ah  kan koowaad ee sababa barakaca sida ay qabto Shabakadda Dhawrista  & La-socodka Dadka dib-u-soo- laabanaya, shabakadaas oo la socota dhaq-dhaqaaqa dadweynaha dalka. Caqabadahan is-dul saaran  ayaa beeraleyda ku riixay in ay dib uga fikiraan hab-dhaqankooda wax-beeridda iyaga oo abuuray isbedal ku wajahan dalagyada u adkaysta cimilada iyo ilo tamareed la cusboonaysiin karo – waraabka ku shaqeeya cadceedda – si ay ula qabsadaan una adkaystaan.

Maadaama ay tahay miro maxalli ah, timirta waxaa la cadeeyey in ay si la yaab leh ugu dulqaadan karto dhibaatooyinka ka dhasha cimilada sida duulaanka ayaxa, kuwaas oo cadeeyey inay yihiin dhacdooyin  si guud uga dhaca  Soomaaliya

“Markii uu ayaxu yimid, wax walba way cuneen, geed timireedka mooyaane.” Maxamuud ayaa yiri,

“Waxay cuneen oo kaliya caleemaha, laakiin geedaha miro ayey dhalayeen. Geedaha liinta iyo dalagyadii kale ayaa gabi ahaanba la baabi’iay.”

Beerashada timirta ayaa sidoo kale si ahmiyad leh ugu soo kordhaya dal wali la daalaa dhacaya hubanti la’aan cunto. Iyadoo la tixraacayo  Heerka Kala-saarista Sugnaanta Cuntada ee Isku-dhafan (IPC), 3.6 milyan oo qof (19% dadweynaha) ayaa hadda la kulmaya heerar qallafsan oo gaajo ah oo dalka ka jirta. Tiro la filayo in ay kor u kacdo ilaa 4.4 milyan inta u dhaxaysa hadda iyo Diseembar, iyada oo la saadaaliyay in roobabka Deyrta ay ka yaraayeen celceliska.

“Waxay na siinaysaa rajo ah in aan aragno sida barnaamijyadaniay uga caawiyeen beeraleyda in ay horumaraan,” ayuu yiri Samer Jarjouhi, Madaxa Barnaamijyada & Ka- hortagga ICRC-da Soomaaliya, isagoo ka tarjumaya horumarka tobankii sano ee la soo dhaafay.

“Tiknoolajiyada sida dalagyada u adkeysan kara abaaraha, iyo beeraha oo lagu waraabiyo biyo laga soo saaray tamarta cadceedda, kaliya ma wanaajin wax soo saarka dalagga, laakiin waxay awood u siiyeen bulshada Soomaaliyeed in ay la qabsadaan oo ay xitaa guulaystaan, in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin badan oo soo food saara.”

Si ay u kordhiyaan wax soo saarka dalagyadooda, beeralaydu waxay u wareegeen waraabka loo adeegsado tamarta cadceeda.

Cumar oo ah aabe 16 carruur leh kuna nool deegaan beereedka Barookhle ee gobolka Bari ayaa ku celceliyay dareenkan.

“Geedaha timirta ayaa ka qiimo badan wax-soo saarka kale, sida geelu uu qiimo ahaan uga sarreeyo ariga. Way ka faa’ido badan yihiin dalagyada kale, iyada oo laga helo dakhli sare, “ayuu sheegay.

“Mararka qaar ma jiraan wax la goosto sababo la xiriira cudurro, sida wixii sanadkan ku dhacay qaraha macaan. Geedaha timirtu waxay sii noolaan karaan sanado,” Cabaas ayaa si dareen leh u raaciyay hadalkiisa.

Iyada oo dalka uu wajahayo hubanti la’aan cunto oo sii kordhaysa iyo xaaladaha cimilada oo aan wanaagsanayn, geedo timireedka waxaa laga helaa xasilooni, xal waqti dheer ah si loo joogteeyo hab-nololeedyada, dakhlina u soo saaraan qoysaska. Guusha laga gaarey barnaamijkan geed timireedka ayaa  wuxuu keenaya  qorshe xal waara ah, dhaqamada beer tacbashada adkeysi leh oo u adkeysan kara xataa xaaladaha ugu adag.