Muqdisho (ICRC) – Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa magaalada Muqdisho ku xusay sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay Axdiyadii Jineefa ee 1949-kii, iyada oo dib-u- xaqiijinaysa saameynta naf-badbaadinta ah ee sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada (IHL). Marka la ixtiraamo, Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada kaliya ma badbaadiyo nolosha laakiin sidoo kale wuxuu ilaalshaa karaamada bani’aadamka, waa fariinta diiridda lagu saaray munaasabadda, taas oo kulmisay siyaasad-dejiyeyaasha, aqoonyahannada, iyo saraakiisha ICRC-da si ay uga tarjunto taariikhda la wadaagay ee Soomaaliya eedhiirigelinta sharciyada colaadda hubaysan.

“Tobaneeyo sano, Laanqayrta Cas iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay isgarab taag u muujinayeen dadka Soomaaliyeed –laga soo bilaabo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Dagaalkii Ogaadeeniya ee 1980-meeyadii, Dagaalkii Sokeeye iyo kuwo badan ugu dambeeyey oo colaado kala duwan ahaa oo dalka ka dhacay,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya. “Waxay taariikhda dalka u ahaayeen xilliyo rabshado ah oo xanuun badan. Waa marka dhexdhexaadnimada iyo eex-la’aanta hawlaha bani’aadamnimada ay noqdaann lama huraan. Waa xilliyadan oo kale marka xurmada loo hayo Axdiyada Jineefa iyo xeerka colaadaha hubeysan ay aad muhiim u tahay.”

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee Afrika ah ee ansixiyay Axdiyada Jineefa, iyada oo qayb ka noqotay heshiisyadii 1962-dii, wax yar ka dib markii ay xornimada qaadatay. Axdiyada iyo IHL-ku guud ahaan waxay nidaamiyaan hab-dhaqanka colaadaha hubaysan si loo xaddido dhimashada iyo burburka dagaalka u geysto aadanaha.Xeerarka ku jira Axdiyada Jineefa waxay dhowrayaan kuwa dhaawaca ah iyo xubnaha buka ee xoogagga hubaysan, maxaabiista dagaalka iyo dadka rayidka ah ee colaadu qabsato iyaga oo xaqiijiinaya ixtiraamka sharafta aadanaha xitaa xilliga ugu xun ee dagaalka.

Inkasta oo Soomaaliya aysan wali ansixin Heshiisyada Kaabaya Axdiyada Jineefa, haddana waxay muujisay rabitaankeeda ah in ay saxiixdo.

“Sannad-guuradan waxay xilli xasaasi ah u tahay Soomaaliya si ay dib ugu xaqiijiso sida ay uga go’an tahay dhowridda dadka rayidka ah xilliyada colaadaha hubeysan,” ayay tiri Katherine Weir, la-taliyaha dhanka sharciga ee ICRC-da Soomaaliya.

Axdiyada Jineefa  ee la qaatay 1949-kii ayaa muddo hore si caalami ah loo ansixiyay taas oo muujinaysa in caalamku isku raacsan yahay baahida loo qabo xeerarka dagaalka si loo yareeyo saameynta xun ee uu ku leeyahay aadanaha. Waxay aasaas u yihiin IHL-ka , kaas oo aan dhowreyn keliya kuwa aan ka qayb qaadanaynin colaadaha laakiin sidoo kale maamula hab-dhaqanka colaadaha hubaysan oo xaddidaya aaladaha iyo hababka dagaalka.

Annagoo ilaalinayna Axdiyada Jineefa iyo IHL-ka, waxaan hubineynaa in xitaa waqtiyada dhibaatadu jirto, qof walba, xitaa qof cadow ah loo arko in uu yahay qof bani’aadam ah, oo xitaa dagaalladuna ay xad leeyihiin.

 

Wax badan ka ogow sannad-guurada 75-aad ee Axdiyada Jineefa – “Xeerarka kaliya ee aan dhammaanteen isku raacsanahay”

Sanadihii ay ICRC Soomaaliya Joogtay

 

Wixii macluumaad dheeri ah, la xiriir fadlan:

Abdikarim Mohamed, ICRC Nairobi, + 254 770 171 756 (English & Somali)

Fadumo Ali Jama, ICRC Mogadishu, +252 611 006 330 (English & Somali)

Email somaliablog@icrc.org or visit our website: www.icrc.org

To preview and download the latest ICRC video footage in broadcast quality, go to www.icrcvideonewsroom.org