Waqti taariikhi u ah sharci-yaqaannada Soomaaliyeed, ayaa Jaamacadda Muqdisho waxa ay ku guuleysatay kamadanbeysta Tartanka Soomaaliyeed Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (IHL) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho 11-ka Sebteembar 2024. Ka dib tartan adag oo dhinaca sharciga ah, ayaa kooxda Jaamacadda Muqdisho waxay ka adkaadeen dhiggooda ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo xaqiijiyay booskooda ay Soomaaliya ku matali doonaan tartanka IHL-ka ee All Africa ee lagu qaban doono magaalada Nairobi Bishan Nofeembar.

Hoolka maxkamadda ayaa waxaa buuxiyay yididdiilo iyada oo labada kooxood ee isugu soo haray kamadanbaysta ay soo bandhigeen doodahooda afka ah, iyada oo mid kastaba la tacaalayay kiis dhib badan oo khiyaali ah oo loogu talogalay in lagu tijaabiyo aqoontooda ku aadan sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada. Jaamacadda Muqdisho ayaa qaadatay doorka xeer ilaalinta, halka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay soo bandhigtay difaac xamaasad leh. Dooduhu waxa ay ahaayeen kuwo aad u adag, halka jawaab celintu ay aheyd mid aad u kulul, iyo garsooreyaasha, oo ahaa guddi khubaro sharci ah, oo sida muuqatay aad ula dhacay fahamka qotoda dheer oo ay labada kooxoo soo bandhigeen.

“Waxaan si aan daal laheyn u shaqeyneynay muddo laba bilood ah annaga oo isku diyaarineyna tartankan. Runtii mararka qaar aad ayey u adkeyd, laakiin ugu danbeyn, waan guuleysanay, farxadeydana lama soo koobi karo,” ayey tiri Samira Yusuf Adam, oo ah arday mataleysay Jaamacadda Muqdisho.

Dhacdo taariikhi u ah Soomaaliya

Tartanka sanadkan ayaa ahaa mid aad muhiim u ah—ma aheyn kaliya in markii u horeysay si toos ah loo qabtay, laakiin waxa uu ku soo beegmay sanadguuradii 75aad ee Axdiyada Janeefa, oo ah heshiisyada ugu muhiimsan ee IHL-ka, kuwaa oo dhammaan dowladaha, oo ay Soomaaliya ku jirto, ay waajib ku tahay in ay ixtiraamaan.

Ka hor inta aan la gaarin kamadanbeysta, shan jaamacadood oo ka kala socda Soomaaliya oo dhan ayaa soo gudbiyay tusaaleyaal dacwo iyo difaac isugu jira oo qoraal ah, iyada oo labada kooxood ee ugu sarreeya oo kala ah— Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed —ay u gudbeen bandhigga tooska ah. Ujeedka tartanku waxa uu ahaa mid cad: in kor loo qaado xiisaha IHL-ka iyo in Soomaalida la siiyo fursad gaar ah ay kula falgali karaan ardeyda la midka ah ee ka kala socda qaaradda Afrika oo dhan.

Labdii sano ee la soo dhaafay, Tartanka IHL-ka Soomaaliya ayaa loo qabanayay hab dhinaca Khadka internet-ka ah arintan oo ay sababeen dhibaatooyin dhinaca amniga ah iyo caqabado farsamo. Iyada oo ay culeysyadaasi jiraan, ayey Jaamacadda Muqdisho ku guuleysatay tartanka sanadkii 2023 iyada oo Soomaaliya ku matashay tartanka IHL-ka ee All Afrika, halkaa oo mid ka mid kooxdooda, oo lagu magacaabo Maxamed Faarax, lagua baal mariyay qofkii ugu haldalka wanaagsanaa wareegyada horudhaca ah. Sandkii 2022, Jaamacadda Hargeysa ayaa ku guuleysatay tartanka, iyada oo loo asteeyay bilowga dhacdo astaan u noqotay kalandarka sharci ee Soomaaliya.

Aqoonsiga Wanaagga

Samira Yusuf Adam, Jaamacadda Muqdisho

Markii howshii la dhammeeyay garsooreyaashiina ay isku dardareen dhibcahooda, waxaa muuqatay in ay labada dhinacba dadaal muujiyeen. Jaamacadda Muqdisho, oo tartanka ku guuleysatay sandkii 2023 ayaa markale xaqiijisay guul halka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si sharaf leh u aqbashay in ay booska labaad ku dhammeystaan. Samira Yusuf Adam, oo ah mid ka mid ah xubnaha kooxda Jaamacadda Muqdisho, ayaa loo aqoonsaday in ay soo bandhigtay doodihii afka middii ug wanaagsaneyd maalinta.

“Tartankan guul kaliya kuma saabsana,” ayey tiri Katherine Weir, oo ah La taliyaha dhanka Sharciga ee ICRC ahna mid ka mid ah garsooreyaasha dhacdada. “Waxa uu ku saabsanyahay kobcinta xiisaha IHL-ka. Labada kooxoodba waxa ay soo bandhigeen hibo sarreysa, waxa ayna ku kalsoonaayeen in ay sii wadi doonaan in ay ka soo dhalaalaan xirfadahooda dhanka sharciga ah.”

Waxa ay intaa ku dartay, “…waxaan guul u rajenenaa Jaamacadda Muqdisho iyaga oo isku diyaarinaya tartanka All Africa.”

Maxaa Xiga

Maadaama ay ku guuleysatay tartanka IHL-ka Soomaaliya, Jaamacadda Muqdisho waxa ay isku diyaarin doontaa Tartanka IHL-ka All Afrika oo Nairobi lagu qaban doono, halkaa oo ay kula tartami doonaan ardeyda ugu sarreysa sharciga oo ka kala socda qaaradda. ICRC waxa ay dabooli doontaa kharashaadka safarka iyo deegaanka ee kooxda, iyada oo hubin doonta in ay taageere ku filan helaan marka ay wajahayaan tijaabadooda xigta.

“Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya ku matalno Tartanka All Africa, waxaana rajeyneynaa in uu dalkeenu nagu faani doono,” ayey tiri Samira Yusuf Adam.

Both universities had 20 students each take part in an IHL training provided by the ICRC and have also received additional texts to support the teaching of IHL, ensuring that the competition is only one step in their journey in learning about humanitarian law.

Labada jaamacadoodba 20 ardey ayaa midkiiba horay uga qeyb qaadatay tababarka IHL oo ay bixisay ICRC iyaga oo sidoo kalena helay buugaag dheeri ah oo lagu taageerayo barista IHL-ka, iyada oo la hubinayo in tartanku uu yahay oo kaliya hal tallaabo oo ah safarkooda ku aadan barashada sharciga bini’aadamnimada.

IHL-ka Soomaaliya oo Mustaqbal Ifaya Leh

Gabagabada tartanka sanadkan ayaa waxa uu raad ku reebay qaab dhismeedka sharciga Soomaaliya. Kama hadleyno ardeyda tartantay oo kaliya, laakiin waxaan ka hadleynaa fariinta guud—oo ah in jiil cusub oo sharci-yaqaano Soomaaliyeed ah uu soo baxayo, kuwaa oo leh aqoonta iyo xiisaha ay u hayaan in ay taageeraan ilaalinta dadka rayidka ah iyo in dhowraan xeerarka colaadda hubeysan.

Markii dhacdada la soo gabagabeeyay, xamaasaddii ayaa wali hawada ku sii jirtay. Guusha Jaamacadda Muqdisho waa ay ka weyntahay kaliya guul kooxdooda u soo hoyatay—waa guul ay Soomaaliya leedahay sidoo kalena waa astaan rajo ka muujineysa waxa soo socda.

La soco Jaamacadda Muqdisho ayaa isku diyaarineysa tartanka All Afrika oo lagu qaban doo Nairobi, iyada oo hadana qaadaneysa waqti ay ugu dabbaaldegto arintan muhiimka ah ee u soo hoyatay waxbarashda sharciga Soomaaliya iyo IHL-ka.

Tirooyinka

3

Kani waxa uu ahaa qeybtii sadexaad ee Tartanka IHL-ka Soomaaliya, kuna asteysan kamdanbeysta si toos ah loo qabtay.

75 

Munaasabadda ayaa ku soo beegantay sanadguuradii 75aad ee Axdiyada Janeefa, oo ahaa aasaaska sharciga caalamiga ah ee bini`aadamnimadada, sidoo kalena loo yaqaano xeerka colaadda hubeysan. Sanadka 2024 ayaa ku asteysan sanadguuradii 160aad ee ka soo wareegtay Axdigii ugu horreeyay ee Janeefa ee soo baxay sanadkii 1864.

1962

Sanadkii ay Soomaaliya aqbashay Axdiyada Janeefa, iyada oo go`aansatay in ay ilaalineyso xeerarka colaadda hubeysan.

 

War saxaafadeedka Tartanka IHL-ka Soomaaliya ee sanadka 2024