Iyada oo kooxaheenu ay u dhaqaaqeen sidii ay u dhammeystiri lahaayeen diiwaangalinta qoysaska dhibaateysan ee ka cabanayay xilliga jiilaalka ee dheeraaday, qoysas kale ayaa waxaa ku habsaday roobab mahiigaan ah oo halakeeyay guud ahaan Soomaaliya. Nasiib darro, arinta ah in ay daadadku badalaan abaaraha ma ahan wax ku cusub dalka iyada oo isbadalladan qallafsan ee xagga cimillada ah ay noqdeen wax iska caadi ah. Roobabka oo soo daaha, iyagii oo aan si fiican u di’in iyo abaarta oo daba dheeraata ayaa noqday astaamo lagu garto kalandarka sanadka oo carqaladeeya hab-nololeedka- dalagga iyo dhaqashada xoolaha- ee qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Intaa waxaa ka sii daran, arrimahan soo noqnoqda ayaa ka dhigaya soo kabashada mid aanan macquul aheyn qoysaska inta badan ku danbeeya in ay barakacaan.

Xaqiiqdii inta jeer oo ay dhacaan musiibooyinka cimillada la xirriira ayaa si xowli ah u kordahay.

Sida laga soo xigtay warbixinnada bani’aadamnimada, in ka badan 30 qataraha la xiriira cimillada ah, oo ay ku jiraan abaaro iyo daadad, ayaa dhacay ilaa sanadkii 1990. Arintan oo ka dhigan koror sadex laab ah marka loo bar-bardhigo dhacdooyinka la midka ah ee la soo maray intii u dhaxeysay sanadihii 1970 ilaa 1990.

Dhibaatooyinkan cimillada ee isbadalaya waxa ay muujinayaan in uu wadanku safka hore kaga jiro isbadalka cimillada. In kasta oo ay arintani tahay dhibaato caalami ah ayeysan dadka si isku mid ah u saameynin. Bulshooyinka ugu saboolsan uguna taagta daran, oo ay ku jiraan 2.9 malyan ee Soomaaliya ku barakacay, ayaa halis weyn ku jira, maadaama awwoodda ay dhibaatada kula qabsan karaan ay horeyba u liidatay. Dad ku naf waayay, oo ay ku jiraan caruur, qoysas ku baarkacay iyo guryo ku burburay ayaa ka mid ahaa xaaladaha deg-degga ah ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ay soo arkeen, markii ugu danbeyntii roobabkii ay da’een bisha May. Hoos waxaa ku yaalla qaar kamid sawirradda ka jawaabidda la sameeyay.