Maanta waa Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee 2021, iyadoo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) uu ku biirayo dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas u dabaaldageeda. Tani waa fursad lagu xuso, laguna aqoonsado geesinimada iyo balanqaadka tabaruceyaasha iyo xubnaha kooxda ee kala jooga daafaha dunida.

Sannad kasta, urrurka Bisha Cas waxa uu u adeegaa in ka badan saddex milyan oo qof isaga oo fuliyo barnaamijyo kala duwan oo ballaaran oo loogu talagalay baahiyaha bulshooyinka ku nool dalka oo idil. Urrurka Bisha Cas waxa uu dadka ka caawiyaa inay u diyaar garoobaan, la qabsadaan, kana soo kabtaan aafooyinka iyo dhibaatooyinka, iyada oo loo marayo Maareynta Musiibada iyo u Adkaysiga bulshada, Soo Celinta Xiriirinta Qoyska (RFL), iyo Adeegyada Gargaarka Degdegga ah.

Hoos waxaad ka heli kartaa wareysi lala yeeshay Maxamed Yerrow, oo ah Maareeyaha Gargaarka iyo Daryeelka Degdegga ee isbitaalka ka hor ee SRCS-da oo ka warbixinayo numberka 446 ee gargaarka degdegga ee Soomaaliya. Wuxuu kaloo ka hadlayaa caqabadaha iyo cabsida ka imaanaysa ka mid ahaanshaha qaybta gargaarka deg-degga ah ee Muqdisho.