“Indhaha ma saarin wiilkeyga Cabdi Maxamed Xajji 33 sano hadda”

 Ereyadan Xanuunka badan waxaa tiri Madina Diiriye oo ah 85 jir kuna nool xero qaxooti oo ku taala caasimada Soomaaliyeed ee Muqdisho. Waxay kala lumeen wiilkeeda intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, ilaa iyo hadana indhaha maysan saarin. Wuxuu ahaa curadkii 8 carruur ah oo ay dhashay, wuxuuna ahaa 16 sano jir markii la waayey.

“Wiilkaygu wuxuu ahaa wiil midabkiisu casaan yahay, wuxuuna ka jabnaa iligta hore. Wuxuu ahaa wiil firfircoon oo dhammeeyay dugsiga sare. Wuxuu ka qeybqaatey dabaaldegyo wuxuuna jeclaa jilida masraxa”

Waa arrin xauun ku abuurta marka ay Madina soo xasuusato xasuustaas quruxda badan ee wiilkeeda. Arrinta rajo beelka ah ayaa ah in Madina aanay aheyn qofka kaliya ee ku nool Soomaaliya oo ay ka maqanyihiin kuwii ay jecleeyd, laakiin waxaa jira dad badan oo carruurtooda, hooyooyinkooda, aabayaalkooda, nimankooda, iyo xaasaskooda ay ka maqanyihiin.

“Waxaan ka raadiyay meel kasta 33-dii sano ee la soo dhaafay. Anigu hada waan indha la’ahay waxa iiga sii darayana waa oohinta an maalin walba uu ooyo wiilkeeyga, anigoo is weeydiinaya halku uu ku sugan yahay”

Dad badan ayaa la waayaa inta ay socota colaadu, taasoo oo u keenta qoysaskooda xanuun iyo hubaal la’aan kuwa ay jecelyihiin. Haweenka iyo carruurta ayaa ka kooban saddex meelood meel oo qof oo Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee soomaaliya looga diwaan geliyay in ay yihiin kuwa maqan.

  “Noolal ama Geeri, wax war ah kama hayo halka uu wiilkaygu Sharmake Shubaay ku sugan yahay”

 Xaawa Maxamed ilimada ayay ku tirtirtaa xijaabkeeda cawlan, waxayna dhahdaa hooyooyinka inta badan dhibaato ayey kala kulman dhalmada, naas nuujinta ilaa xanaaneyn buuxda. Way murugootaa marka ay aragto dharkii haray ee uu lahaa wiilkeeda. Sagaal sano oo xanuun badan ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii wiilkeedii Sharmake Shubaay la waayey, laakiin iyadu waa qof si aad ah uu aaminsan rajada.

Sharmake wuxuu ahaa cunuggeedi saddexaad, wuxuuna ahaa cunug faraxaan ah oo jecel inuu wax akhriyo.

“Haddii uu nool yahay waxaan rajeynayaa inaan la kulmo maalin uun, hadii uu dhintayna Ilaahay ha u naxariisto. Waxaan rajeynayaa oo aan Ilaahay ka baryayaa inaan arko mar labaad. Kaliya waxaan ka hayaa isaga 1 sawir kasoo ah markii uu ahaa 7 sano jir, waxaan hubaa inuu waxbadan iska beddelay hada oo aan is arag mudo 9 sano ah. Waxaa laga yaabaa inuu dheeraaday ama inuusan dheeraanin, laakiin ma qiyaasi karo sida uu hadda muuqalkiisa uu egyahay maaddaama aan is arag sanadahaas oo dhan.”

Sharmake waxay kala lumeen qoyskiisa ​​kadib markuu aaday dibada si uu u helo nolol wanaagsan. Qoyskiisa kama aysan helin wax war ah halka uu ku sugan yahay ilaa iyo markaa.

Waxaan ka raadiyay meelkasta gabadhayda Fatxaa Cabdullahi Maxaamud”

 Fatxaa waxay ahayd gabar aad iigu wanaagsan. Mar alla markii aan xusuusto iyada indhaheyga waxaa ka buuxsama ilmo.

Aamina Yaasiin oo ku nooleyd magaalada Hargeisa in kabadan 40 sano, waxay samaysay wax walba intii ay raadineysay gabadheeda 4-tii sano ee lasoo dhaafay. Markii ugu dambeysay, waxay xasuusataa in ay Fatxaa doon uu raacday dalka Masar 2016-kii.

“Markii ugu horaysay ay tegaysay waxay tidhi, waxan aadayaa Masar si aan u arko dhakhtar. Ma aqaan wax kale, waxa kaliya oo aan ogahay waa inay raacday doon. Waa xanuun marka waalidku ilmo ka maqan yahay. Meel walba waad kaa raadineysaa, waxaadna weeydiineeysaa xog kasta oo aad ku heli karto cunuggaaga. Hada ka hor waxaan sameeyay raadin badan iyo baaritaan ”

“Waxaan ahaa 5-sano jir markii aan kala lunay hooyaday Sahra Maxamed”

 Hani Maxamed ayaa ku luntay xafaada Islii, magaalada Nairobi markii ay ahayd 5 sano jir. Waxaa heshay haweeney markii dambe korsatay oo u guurtay magaalada Hargeysa. 17 sano kadib, wax wara kama haayso halka ay ku sugantahay hooyadeed, waxayna isku dayday inay caawimaad hesho si ay u hesho hooyadeed.

“Waxaan haystaa hadda gabar jirta 3 sano, waxaanan dareemayaa cidlo maadaama ay hooyaday ay i garab  taagneeyn. Hadda waxaan ku noolahay magaalada Hargeysa waxaanan jeclaan lahaa inaan ogaado bal in hooyaday nooshahay ”

Waxay ahayd xalaad adag in Hani korto iyada oo aan ogayn halka ay hooyadeed ku sugan tahay.

“Aad ayaan abaal ugu hayaa aayadeey oo i soo korsatay, iina daryeeshay sidii iyado oo i dhashay. Way dhimatay anna waxaan  la noolahay ilmahayga ”

Madiina, Xaawo, Aamina iyo Hani hal shay ayeey isku mid kayihiin, dhammaantood waxay ku rajo weyn yihiin inay ogaadaan masiirka qofkii ay jeclaayeen. Sababaha ugu weyn ee  kala lumida qoysaska ee Soomaaliya waa colaadaha, masiibooyin dabiici ah ama jidadka dheer ee tahriibka. Urrurka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay baadi goobayaan ku dhawaad ​​2,600 oo qof (ilaa Agosto 2020), oo ay ku jiraan 300 oo qof oo la soo sheegay in lagu la’yahay meel ka baxsan Soomaaliya.

Illaa iyo hada sanadkaan, in kasta  COVID-19-ka uu jiray, in ka badan 200 oo qof ayey u diwaan giliyeen  kooxaheenna in la la’yahay. Shaqaadeena baafinta ee Soomaaliya ee anaga iyo Urrurka Bisha Cas ee soomaaliyeed   ayaa hoos u dhacday sanadkan xayiraadaha COVID-19-ka aawgii; si kastaba ha noqotee, aaladaha casriga ah sida bogga internetka ee loo yaqaan Raad raaca Wajiga halkaas oo  ay dadku diiwaangelin karaan qofka ay jecel yihiin oo la la ‘yahay iyo barnaamijka baafinta ee laanta Afka Soomaaaliga ah ee BBC-da, halkaas oo laga baafiyo dadka la la’yahay ayaan weli joogsan.

Boqaasho Raad raaca Wajiga: