Cudurka coronavirus wuxuu saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka malaayiin dad ah. Hadana, kumanaan qoys oo kala lumay kuna kala firidhay colaado, rabshado, haajirid iyo musiibooyin ayaa wali raadinaya kuwa ay jecel yihiin. Iyadoo lagu jiro dhibaatada dhexdeeda, ayaa haweeney da ‘yar oo lagu magacaabo Sahra Warsame oo ku nool tuulo la yiraahdo Cabdulqaadir oo ku taal Somaliland xiriir la sameysay eedadeed ka dib 18 sano oo ay kala maqnaayeen.
18-kii sano ee la soo dhaafay, eedadeed Luula Maxamed waxay ku nooleyd magaalada Jidda ee Sacuudi Carabiya. Luula waxay la xiriirtay xafiiska Dib-u- soo Celinta Xiriirka Qoyska (RFL) ee Ururka Bisha Cas(SRCS) oo ku yaala Seylac si ay gacan uga geystaan raadinta ninkeed iyo caruurta ay eedada u tahay.
“Waxaan ka imid Jidda waxaana lambarkan i siiyay muhaajir Itoobiyaan ah oo aad horay ugu caawiseen gudaha magaalada Seylac. Ma iga caawin kartaan sidii aan u heli lahaa qoyskayga la la’yahay” ayay tiri.
Kooxo ka socda xafiiska Ururka ee Seylac ayaa bilaabay raadinta ka dib markii Luula ay siisay magaca ninkeeda. Nasiib darro, waxay ogaadeen inuu lix sano ka hor ku dhintay tuuladooda Cabdulqaadir. Mid ka mid ah carruurta Sahra Warsame ayaa weli halkaas ku nool oo la kulmay kooxda. Waxaa la weydiiyay haddii ay taqaan haweenay la yiraahdo Luula waxayna bilowday in ay oyso.
“Ma aanan ogeyn in Luula ay dhimatay iyo in ay nooshahay. Waxaan moodayay inaan weligey aan arki doonin maadaama noogu war-dambaysay 18 sano” Sahra ayaa tiri iyada oo oyneysa.
Labada qof waxay ku xiriireen wicitaan taleefan oo ay bixisay kooxda Bisha Cas. Lambarro taleefan ayaa la is-weydaarsaday si loo sii wado joogteynta xiriirka.
“Waxaan qoyskeyga ka maqnaa muddo 18 sano ah ilaa iyo colaadii Soomaaliya” Luula ayaa raacisay.
Iyadoo loo maraayo shabakadda Dib-u-soo Celinta Xiriirka Qoyska, ICRC iyo SRCS waxay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dadka loolana xiriirin lahaa eheladooda, iyo dib-u-mideynta qoysaskii ku kala lumay masiibooyinka, haajaraada, iska-horimaadyada hubaysan iyo qaababka kale ee rabshadaha ah.