Nairobi/Beledweyne, Soomaaliya — Iyada oo ay dadaallada gurmadka iyo ka soo kabsashada fatahaada ay ka sii socdaan Soomaaliya, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) wuxuu cabsi ka qabaa in fatahaadu ay sababi karto inuu dilaaco cudurada dilaaga ah ee duumada, shubanka iyo cudurada kale ee faafa.

“Daadadkani waxay durba gaysteen dhimasho welwelkeena ayaa ah in musiibo kale oo dilaa ah soo socoto,” ayuu yiri Cabdi Cabdullaahi oo hoggaamiya howlgallada Ururka Bisha Cas ee Beledweyne. “Kumanaan kun ayaa ku nool dhulka bannaanka ah waxayna si fudud u qaadi karaan cuduro. Isbitaalka weyn ee degaanka ayaa ku fatahay daadka, dad badanna waxay soo gaari kari la’yihiin xarunteena caafimaadka.”

In ka badan 50 oo mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ayaa ku sugan magaalada Beledweyne ayaga oo ka jawaabaya baahiyaha degdegga ee fatahaada ka kib. Toddobaadkii la soo dhaafay,Ururka Bisha Cas wuxuu biyaha daadadka ka soo saaray toddobo qof oo meyd ah waxayna doon ku daadgureeyeen  137 qof. Xarun caafimaad oo wareegta ayaa sidoo kale la sameeyey si daryeel ugu fidiso dadka u guuraya dhulka taagga ah ee Ceel-Jaalle oo 10 km u jirta magaalada Beledweyne.

“Waxaan ku jirnaa heegan sare,laakiin wax badan ayaa loo baahan doonaa, gaar ahaan biyo nadiif ah iyo nadaafad guud si looga hortago in dadku ay soo ritaan cuduro. Waxaan ku dadaaleynaa in aan sare u qaadno wax-qabadkeena, laakiin daadadku waxay suurtagelin waayeen in gargaarka iyo sahayda caafimaadka Beledweyne lagu geeyo diyaarado, meelaha badankoodna way adag tahay in la gaaro,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas.

Ururka Bisha Cas wuxuu si dhow ula shaqaynaya Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas si ku dhowaad 4,000 qoys oo fatahaadu hoy la’aan ka dhigtay loo gaarsiiyo teendhooyin,maryo kaneeco,maacuun iyo sidoo kale kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo. Loorarka ciida lagu shubo ayaa laga qaybiyey qaybo ka mid ah dalka meelahaas oo la filaayo in ay ka dhacaan fatahaad.

Bishii Oktoobar roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Soomaaliya iyo dhulka taagga ah ee Itoobiya ayaa dhaliyey fatahaad ballaaran. Magaalada Beledweyne oo ku taalo jiinka Webiga Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha sida ba’an u saameysay iyadoo xaafadaha oo dhan biyaha galeen dalagyadana ay baabi’een. Boqolaal kun oo dad ah ayaa horay uga barakacay guryahooda iyadoo roobab kale la filaayo toddobaadyada soo socda.

Firi Sawiiro.

Xiriir:

Abdulkadir Ibrahim Haji “Afi”
Director of Organizational Development and Communication
Somali Red Crescent Society
Tel: +252 615547715 / +254 725687768

Abdikarim Mohamed
Public Relations Officer
International Committee of the Red Cross
Tel: +254 770171756