Sare u kaca heerka biyaha webiga Shabeelle oo dhex mara Beledweyne ayaa ku fatahay magaalada oo barakiciyey kumanaan kun, baabi’yey dalagyada curyaamiyeyna isu-socodka. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) ayaa hawlgeliyey kooxahooda doonta si ay u badbaadiyaan dadka, qoysaskana ugu daadgureeyaan dhulka taagga ah. Ururka Bisha Cas wuxuu si dhow ula shaqaynaya Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas(ICRC) si 4,000 qoys oo fatahaadu ku saameeyay Beledweyne loo gaarsiiyo teendhooyin,maryo kaneeco,dermooyin iyo sidoo kale kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo. Loorarka ciida lagu shubo ayaa laga qaybiyey qaybo ka mid ah dalka meelahaas oo la filaayo in ay ka dhacdo fatahaad.

In ka badan 55,000 qoys oo ku nool magaalada Beledweyne ayaa barakacey fatahaad aad u weyn oo ku dhacday magaalada awgeed. ©SRCS

 

Kooxaha doonyaha ee Ururka Bisha Cas waxay sii wadaan baadi goobka loogu jiro daadgureynta dhibbanayaasha fatahaada iyo maydadka magaalada. Xaaladdu way xun tahay, dadka qaarkii weli lama hayo. Ururka Bisha Cas wuxuu si dhow ula shaqayneya ICRC si qoysaska ku barakacay fatahaada loo gaarsiiyo teendhooyin,maryo kaneeco iyo maacuun. ©SRCS

 

Kooxaha Ururka Bisha Cas oo gurmad u fidinaya dadka degaanka oo fatahaadu saameysay. ©SRCS

 

Ururka Bisha Cas wuxuu Beledweyne ku leeyahay in ka badan 50 mutadawiciin oo ka jawaabaya fatahaadaha. Qaar ka mid ah mutadawiciinta ayaa ka shaqeeya xeryaha si kor loogu qaado fayo-dhowrka loogana hortago in ay dilaacaan cuduro sida shuban biyoodka ba’an. ©SRCS

 

Ururka Bisha Cas wuxuu biyaha fatahaada ka soo saaray toddobo qof oo meyd ah, waxayna doon ku daadgureeyeen 137 qof. Si looga hortago in uu dilaaco cudur kaas oo kobcaya xaaladaan oo kale ayaa qaar ka mid ah mutadawiciinta xeryaha gudahooda ka wada dhiirigelinta fayo-dhowrka. ©SRCS

 

Inta badan dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa hoy la’aan noqday iyada oo fatahaaduna ay baabi’say beeraha, waddooyinka iyo guryaha ku yaal degaanka. Isbitaalka weyn ee degaanka ayaa loo xiray fatahaada awgeed, dad badanna waxay gaari la’yihiin xarunta caafimaadka Ururka Bisha Cas ee degaanka. Kooxaha goobta ka shaqeeya ayaa waxay dhiirigelinayaan farrimaha fayo-dhowrka iyo qaybinta kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo. ©SRCS