In kastoo ay jirto dhibaatada xaaladeeda, Xabiiba waxay is bartaa farsamooyinka dhar tolida si ay ugu biiriso dakhligeeda. ©ICRC/Anisa Dahir

Xabiiba Maxamed ma xasuusan karto markii ugu dambeysay oo ay seexato iyadoo aan ku welwelin maalinta xigta sidii ay ku quudin laheyd shanteeda carruur iyo seygeeda.

26-sano jirtu waxay ka soo guurtay gurigeeda  ku yaalo miyiga Saakow, Gobolka Jubbada Dhexe waxayna degtay xero barakac oo ku taalo Dhoobely ee xuduudka iyadoo rajeyneyso in meesha ay ka heli doonto fursad ay ku taageerto qoyskeeda.

“Waxay aheyd in guryaheena aan ka soo tagno si aan u raadsano cunto iyo fursado shaqo ka dib markii aan weynay in ka badan 70 neef oo xoolo ah abaarta daraadeed,” Xabiiba ayaa tiri.

Inta badan qeybaha Jubbada Hoose oo ay ku jirto tuulada Dhoobley waxay soo martay abaar ka dib dhowr xilli isku xiga oo roob yari jirtay. Arrintan waxay keentay gaajo daran, biyo yaraan iyo xoolaha oo sugnaanta dhaqaalaha qoyska qeyb muhiim u ah in ay dhaafaan. Abaartu waxay keentay in dadka degaanka Dhoobley iyo tuulooyinka ku hareereysan ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo badan iyagoo cunto u raadsanaya qoysaskooda iyo xoolahooda kuwa badbaadayna u raadsanaya daaq.

Xabiiba waxay mid ka mid ah sacaheeda ku iibisay $25 si qoyskeeda ula guurto Dhoobley. Tan iyo sannadkii la soo dhaafay seygeeda wuxuu ka cabanaaya dhibaatooyin caafimaad waana sariir-yaal oo iyada ka dhigay in ay noqoto qofka keliya oo reerka masruufo.

Xabiiba waxay xerada u guurtay qiyaas laba bilood hadda ka hor. Maalinta ay wanaagsantahay waxay kasbataa ku dhowaad $3 iyadoo qoysaska magaalada u sameyso shaqooyinka laga qabto guryaha. In kastoo tani ay ku caawineyso in cunto miiska la saaro, kuma filna.

Abaarta daran Soomaaliya ka jirto awgeed dadka gudaha ku barakacay maalmo waxba ma cunaan. ICRC waxay cunto u qeybisay 18,000 qof oo ku sugan Dhoobley, Jubbada Hoose. © ICRC/Anisa Dahir

“Waxaa jirta maalmo aniga iyo qoyskeyga aan waxba cunin keliya aan ku noolaano shaah madow,” Xabiiba ayaa tiri. “Kama rajo dhigaayo, waxaan bilaabaya dhar tolida rajada ah in aan awoodi doono in aan isticmaalo xirfadaha si dhaqaale ahaan qoyskeyga ugu taageero.”

Qoyskeeda waxay cunto qeybin dhowaan ay fuliyeen Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ka heley cunto – bariis, digir iyo saliida wax lagu karsado.

Tan iyo bishii Janaayo, ICRC iyo SRCS waxay cunto u qeybiyeen ku dhowaad 30,000 qoys oo ay abaartu saameysay guud ahaan Soomaaliya. Wadar ahaan, in ka badan 1.3 malyan qof oo ku sugan Soomaaliya waxay ka faa’ideysteen ka jawaab celinta abaarta ee ICRC sanadkan oo ay ku jirto gargaarka cuntada iyo lacagta caddaanka ah, bixinta alaabta qoyska lagama maarmaanka u ah, adeegyada caafimaadka iyo u hagaajinta helitaanka biyaha.