Maanta waa Maalinta Adduunka ee Laanqayrta Cas   iyo Bisha Cas oo la qabto 8-da Maajo, waa xaflad sanadle ah oo la xusaayo tabarruca Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas. Soomaaliya waa dal burburiyey tobanaan sano oo socday dagaal sokeeye. Waxay bixisaa fursad ka turjumeysa taariikh iskaashi dhow oo ka dhaxeeya Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo wadaagaan taageerida dadka ay saameyeen iska horimaadyada hubeysan iyo waxyeelada qalafsan ee cimilada.

Iyadoo taageero ka heleyso ICRC-da, SRCS waxay dhowaan dhammeysay dayactirka xafiiskeeda laanta Xuddur, Gobolka Bakool.

Furitaanka dhismaha dib loo habeeyey oo dhacday 4-ta Maajo 2016 waxay muujineysa fursad kuwa hawsha isla wada in gobolka dib ugu hanteen boos aadminimo goobtaas oo muddo dheer aheyd meel la geli Karin.

Wada shaqeynta labada dhinacba waxtar u leh oo u dhaxeyso ICRC iyo SRCS waxay ka soo bilaabaneysa todobaatameeyadii oo ku saleysan mabaad’ida asaasiga ah isku mid ah kaa oo haga habka aan u waajahno aadminimada.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay ku faraxsantahay u dhawaanshaha ay la leedahay bulshooyinka meel kasta Soomaaliya ay ka joogaan, iyadoo ay leedahay shabakad ballaaran 19 laamoood  iyo ku dhowaad 130 laamo hoosaad  guud ahaan dalka iyo in ka badan 4,600 mutadawiciin. Tani waxay muhim u tahay fahamka baahiyaha qoysaska nugul iyo xaqiijinta waxqabad waafaqsan waqtiga.

dr-yusuf-mohamed-hassan pp

Madaxweynaha SRCS, Yuusuf Xasan Maxamed

“Aan u sii dhowaano bulshada si aan ugu guuleysano teegeeradooda iyo aqbalaadooda, sidaa waxaa yiri madaxweynaha SRCS, Mudane Yuusuf Xasan Maxamed intii lagu guda jiray xafladdii furitaanka Laanta SRCS Xuddur.” Wuxuuna raaciyey, “Laanta Xuddur waa mid ka mid ah tusaalooyinka   mashaariicda la taaban karo oo la hirgeliyey iyadoo taageero laga helay ICRC.”

ICRC waxay la timid waayo-aragnimo caalami ah iyo khibrad soo jirtay 150 sano tallaabo bani’aadamnimo. Waxayna ka mid yihiin taageero maadi ah iyo mid tababar si loo taageero dadka dhibaatada saameysay.

Mawduuca sanadkan ee Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas: ‘Qof Kasta Ayaan U Joognaa Goob Kasta’ waxay muujineysaa caawinteena la- hawlgalayaal dhaqdhaqaa ahaan ka jawaabida dhibaatooyinka Soomaaliya iyo dunida hawl taas oo ah arrin aad uga baaxad weyn hawl kasta aadminimo.

 

Hadalka Madaxweynaha SRCS ee Maalinta Adduunka Laanqayrta Cas Bisha Cas

Akhri tacliiqa buuxa ee Madaxweynaha SRCS Yuusuf Xasan Maxamed intii lagu guda jiray xafladii furitaanka xafiiska SRCS laanta Xuddur 4-tii Maajo 2016

 

Logo_EFE_Typo_baseline_Movement_GB

 

images