Waxaaa la adeegsaday doomo si loo gaaro bulshooyin hafiyey biyaha daadka, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay in ka badan 16,000 qoysas ku nool hareerahga Webi Shabeelle waxyeelana ka soo gaartay fatahaada u qeybiyeen cunto, agabka guryaha oo lagama maarmaanka ah.
Xilli roobaadka wuxuu sababay in sare u kaco webiga Shabeelle, kana dhashay fatahaad baahsan kaa oo xaaqay jidaka, go’doomiyeyna bulshooyinka sida daran u ugu dhuftay roobka. Waddooyinka biyaha ka sare maray waxay ICRC iyo SRCS u aheyd caqabad dheeraad ah in wax laga qabtana ay adkeyd.
Alaabta laga keenay doonta waxaa laga qeybiyey lix tuulo oo ku yaalaan gudaha iyo daafaha Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, Shabeelaha Dhexe. Qoyskiiba wuxuu helay 50 kg bariis,25 kg digir,10 litar saliida cuntada lagu karsado, 6.5 kg (buskutka tamarta sare) ee BP 5, xirmo ku jirto alaabta fayadhawrka, maacuun, teendho, maro kaneecooyin, derin, baaldiyo iyo kaniinka biyaha lagu nadiifiyo.
Kooxaha ICRC waxay la socdaan deegaanada Jubba iyo Shabeelle oo weli ka da’aya marna da’marna joogsada iyadoo ay aheyd in xilli roobaadka uu dhammaado.