Isbitaalka Jowhar wuxuu qaabilay tiro sii kordheysa oo bukaan ah ka dib markii Shuban biyood daran ka dillaacay tuulada Jameeco Mubaarak oo ku taalo 10 kiiloomitir bariga Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) wuxuu geeyey mutadawiciin si ay Isbitaalka Jowhar ugu caawiyaan ka jawaabida baahiyaha bukaanada. Halka   aan weli la xaqiijin daacuun ayaa waxaa jiraa walaacyo ku saabsan in xaalada ay ka sii darto.

Isbitaalka wuxuu qaabilay tiro guud 102 xaaladood oo la seexiyey tan iyo bilowgii bishii Oktoobar. Xarunta Caafimaadka waxaa taageera INTERSOS oo ah hay’ad bani’aadamnimo oo Talyaani ah.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay dirtay sideed mutadawiciin si isbitaalka loogu caawiyo dhanka baahida shaqaalaha. Waxay kaloo ku deeqday 10 teendhooyin oo loogu talagalay bukaanada go’doonka lagu hayo, 45 maro kaneeco, 10 baaldiyo iyo 200 xabbo oo milanka fuuqbaxa loogu talagalay. Bukaanada isbitaalka ka baxana waxaa la siiyey kaniinka biyaha lagu nadiifiyo iyo duruus ku saabsan ka hortagga Shuban- biyoodka daran.

2

3

Khubarda cimilada waxay sheegayaan in Bariga Afrika ay wajahi doonto roobabka El Nino dabayaaqada 2015-ka iyo xilli roobaadka Deyrta Gobolada Shabeellooyinka iyo Jubba la filaayo in roobab caadi ka sarreeya ay sababaan fatahaad taa oo kordhin doonto cudurrada ka dhasha biyaha.

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay si firfircoon ugu diyaargaroobayaan in ay ka jawaabaan xaalad  isku bedeli karto xaalado deg deg ah.

4-1

images