Dhaawacyada dadka  soo gaara xilliyada colaada waxay keeni karaan naafonimo daran ama geeri haddii aan lala tacaalin waqtiga loo baahanayaahay.Gargaar deg deg oo tayeysan oo islamarkiiba goobta  laga sameeyo waxay xilliyada deg dega sameyn karaan farqi u dhaxeeya nolol iyo geeri.

Soomaaliya meelaha xarumaha caafimaadka ay ku yaryihiin ama ay kala fogyihiin, gar gaarka deg degga gaar ahaan marka jawaabta hore la bixinaayo waa muhim goortaas   oo qabanaaya  hawl  wax ku ool ah oo deg deg ah taa oo yareyn karta  dhaawaca sidaas darteedna hagaajinaaya fursadaha badbaadista.

Dhowaan, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay tababar ku saabsan gar gaarka deg degga  siisyey mutadawiciin laga kala keenay 20 tuulo oo ka tirsan gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya si loo hagaajiyo wax ka qabashada caafimaadka xilliyada deg degga oo goobta caadi ka ah.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyadoo ku taagan dhexdhexaadnimadeeda iyo madaxbannaanimadeeda ayaa qabatay tababarka 5ta maalin ah oo lagu baranaayey casharo ku saabsan jajabka,  kontroolo dhiigbaxa, gubashada, sumowga iyo qaadida dhaawaca.

Tababarka Gargaarka deg degga waa gundhigga caalamiga  ee Dhaqdhaqaaqyada  Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas. Mutadawiciin ka kala socda kooxo kala duwan ayna ka mid yihiin bulshada, dawladda iyo xoogaga mucaaradka ayaa ka qeyb qaatay.

Tusaale ahaan, gudaha Afkhanistaan Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay tababar aasaaska Gargaarka deg degga iyo wax u qabasho gargaar caafimaad oo ku meel gaar ah siisay shakhsiyaad ka kala tirsan Ciidamada Ammaanka Qaranka ee Afkhanistaan iyo Kooxaha Hubeysan ee Mucaaradka. Hawshaan waxay raad ku leedahay Axdiga koowaad ee Geneva, oo la saxiixay 150 sano ka hor, kaa oo ilaalinaaya ku dhaawacma iyo kuwa xanuunsan xilliyada colaada.

Gudaha Soomaaliya, tababarka wuxuu bulshada ku caawimaaya in si haboon ula tacaalaan xilliyada deg degga.

“Waxaa naga go ’an in aan sii wadno iskaashigeena aan ku fidineyno awoodaheena ka jawaabida xaalada deg degga. Waxaan rumeysanahay mutadawiciinta ka kala yimid bulshada in si weyn u hagaajin doonaan ka jawaabida xaalada deg degga,” sidaa waxaa yiri Gail Corbett, madaxa ICRC Soomaaliya ee maamulka isbitaalada.

ICRC waxay joogteysay joogitaankeeda Soomaaliya tan iyo todobaatameeyadii si dhowna ula shaqeyneysay SRCS si loo hagaajiyo bixinta daryeel caafimaad eexasho laheyn wax ku oolnna ah ee waqtiyada iska horimaadka hubeysaniyoxaaladaha kale ee deg degga. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay dalka oo dhan ku leedahay 19 laamo iyo 150 laamo hoosaad.

Tababarka waxaa ka qeyb qaatay dad oo laga kala keenay 12 tuulo kala geddisan ee Gobolka Galgaduud. Ka qeyb galayaasha tababarka waxay noqonaayaan kuwa ugu horreeya ee ka socda bulshada oo jawaab ka bixiya haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah. ©ICRC/Bishar Osman

Tababarka waxaa ka qeyb qaatay dad oo laga kala keenay 12 tuulo kala geddisan ee Gobolka Galgaduud. Ka qeyb galayaasha tababarka waxay noqonaayaan kuwa ugu horreeya ee ka socda bulshada oo jawaab ka bixiya haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah. ©ICRC/Bishar Osman

 

images