Xaawa waa Sarkaal sare  Caafimaadka iyo  Sarkaalka  Nafaqada goobta  shaqada ee ICRC Soomaaliya ayaa lagu abaal mariyey Bilada Florence Nightingale 2015. Aqoonsiga wuxuu hoosta ka xariiqaya ka qebqaadashadeeda  dhibanayaasha colaada hubeysan  iyo masiibooyinka rabaaniga ah 25 kii sano ee la soo shaqeyneysay Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas.

Florence Nightingale award

Xaawa 55 sano jir, waxay ICRC ku biirtay sannadkii 2003dii. Hore waxay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) ugu soo shaqeysay sarkaal Caafimaad  heer Qaran ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) oo ay ku biirtay sannadkii 1991dii  dhicitaankii dawladii Siyaad Barre. Qeymaheeda ugu weyn waa waaya aragnimada ay hodanka ku tahay  kagana  shaqeyneyso jawi adag oo firfircoon Soomaaliya.

Bilada Florence Nightingale waa tan ugu sareyso si gaar ah kalkaaliso u hesho, waxay maamustaa geesinimo gaar iyo jeclaansho iyo xiiso u hayn dhanka dhibanayaasha colaada hubeysan  iyo masiibooyinka rabaaniga. Bilada waxay kaloo aqoonsataa adeegyada lagu dayan karo ama hal abuur leh iyo hormuudnimo dhanka caafimaadka bulshada ama waxbarashada kalkaalinta.

Xaflad lagu qabtay Xarunta Ururka Bisha Cas ee Soomalliyeed, Muqdisho, Soomaaliya Isniin,  01 Juun 2015 ayaa Xaawa Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, Dr. Axmed   ku guddoonsiiyey abaalmarinta.

Dhammaan ergada ICRC Soomaaliya waxay Xaawa ugu  hambalyeynayaan aqoonsiga u qalanto waana ku faraxsanahay  in ay mid ahaato kooxdeena.

Xaawa Siyaad Muuse   (bidix) oo Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomalliyeed Dr. Axmed   ka guddoomeysa abaalmarinta Florence Nightingale aqoonsiga adeegeeda ee dhaqdhaqaaqa

Xaawa Siyaad Muuse (bidix) oo Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomalliyeed Dr. Axmed ka guddoomeysa abaalmarinta Florence Nightingale aqoonsiga adeegeeda ee dhaqdhaqaaqa © ICRC/Mohamed Yerow