ICRC waxay sii waday joogitaankeeda Soomaaliya tan iyo todobaatameeyadii iyadoo ka jawaab celineysa baahida dhibbanayaasha colaada hubeysan. Hawhsa ICRC hayso waxaa suurtageliyey wadashaqeynta lala leeyahay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo shabakada shaqadeeda ballaaran gudaha   hubaal ka dhigeysaa dhowaansho dhow lala yeesho bulshada. Dr, Axmed Mohamed Hassan waa Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) tan iyo 1972dii, si fiican ayuu u yaqaana xiriiradaan. Wuxuu waaya aragnimadiisa la shaqeynta ICRC kala hadlay Rita Nyaga.

S. Maxay tahay aragtidaada guud ICRCda Soomaaliya?

Dr. Ahmed Mohamed Hassan, President of the Somalia Red Crescent Society (SRCS).

Dr, Axmed Mohamed Hassan waa Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) © ICRC/Pedram Yazdi

A: Markii ugu horreysay aan ku biiray Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxaan ugu biiray si mutadawcnimo   ah, sannooyin ka dib waxaa la ii doortay Madaxweynaha ururka. Waqtigaas waxaan kaloo ahaa agaasimaha Waaxda Adeegga Daawada   ee Wasaarada Caafimaadka, Xiliyadii labadan hawl ka shaqeynayey waxaan fursad u helay in aan si dhow u derso hawlgalada ICRC qabaneysay xilliyaddii Dagaalkii Ogaadeen (1977-1978). ICRC waxay   taageero aadminimo   siisay tobannaan kumanaan ah oo dhibanayaal ah kana mid yihiin barakacayaasha iyo maxaabiista dagaalka.

Taageero taa la mid ah ayaa la bixiyey sannadkii 1991dii goortaas oo dagaal sokeeye ka qarxay Soomaaliya ilaa iyo haddana   waa ay socota.

Waxaan kororsaday aragti guud oo ah sida ICRC u fuliso hawlaheeda Soomaaliya, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeedna (SRCS) waxay sii waday in  ICRC  kala shaqeyso mashaariic badan oo kala duwan intii lagu guda jiray marxaladihii kala duwanaa ee colaadii waddanka ka jirtay.

S: SRCS waxay taageero ka heshaa meelo kale oo badan. Maxaa ICRC khaas u ah?

J: Waxaan aaminsanahay in ICRC ay tahay lamaanaheena muhimka ah. Xadiga wadashaqeynta ICRC wuxuu soo jiray in ka badan 30 sano, waxaa kaloo wadaagnaa qayim isku mid ah kana mid nahay Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha   Cas. Taariikhdan aan wadaagno ayaa suurtagelisay taageerada ICRC mid khaas ah.

S: Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ma ka hawlgashaa gobolada oo dhan?

J:  Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay waddankoo dhan ku leedahay 19 laamo iyo 150 laamo hoosaad. Tusaale ahaan caafimaadka oo   mashruuceena muhimka ah waxaan leenahay ku dhowaad 90 xarumood oo daryeela hooyada iyo dhallaanka, 44 ka mid ah waxay ku yaalaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si la mid ah ururada kale ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas caalamka ka jira, rasamaalkeena   muhimka inoo ah waa mutadawiciinta kana yimid bulshooyinka aan isku dayeyno in aan taageerno.

S: Maxay yihiin dhibaatooyinka aad la kulantaan marka ay timaado xaaladaha colaada hubeysan iyo sidee baad ula tacaashaan?

J: Caqabada ugu weyn waa joogteynta bixinta adeegyada caafimaadka loo fidiyo dadka sida aadka ah ugu baahanyihiin. Qeybaha ku lugta leh colaada waxay nagu qasbeen in aan xirno qaar ka mid ah xarumaheena daryeelka caafimaadka. Qeybaha ku lugta leh colaada waa in ay fahmaan dowrkeena dhexdhexaadnimo, in aan nahay hay’ad aadminimo oo aan eexan, waana sii wadayna in aan xusuusino maqaamkaan.

S: Adigoo ah madaxweynaha SRCS in ka badan 30 sano, maxaa inta badan sharaf kuu ah?

J: Madaxweynimadeyda SRCS ee 40ka sano waxaa dhaxal ah midnimada ururka intii lagu gudajiray marxaladihii kala duwanaa ee colaadii waddanka ka jirtay. SRCS waxay u adkeysatay qaabka firfircoon ee bii’ada iyadoo la shaqeysay siyaasadeed ee qeybaha kala gedisan. Tani waa arrin xasaasi oo u baahan in la qabsano xaaladaha kala duwan ee gobolada kala gedisan.

S: Maxay tahay khatarta qaabka bii’ada u waxyeeleyn karto hawsha SRCS?

J: Qof ahaan,waxaan awooda in si joogto ah ugu safro Soomaaliya, wax khatar ahna lama  kulmin marka ay tahay nafteyda. Nasiib daro, tiro mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa wax yeelo ka soo gaartay colaada hubeysan. Anaga iyo ICRC waxaan ka shaqeynaa qaab nabadeed hawsha lagu fuliyo. Nidaamkan oo nagu caawiya in aan kordhino awoodeena iyo u diyaargarowga ka jawaab celinta baahiyaha aadminimo ee xasaasiga ah iyo sugnaan la’aana xaaladaha si nabad iyo wax ku ool ah.

S: SRCS wax taageero ah ma ka heshaa Dhaqdhaqaaqyada kale?

J: Haa, hawlaheena waxaa taageero qiimo leh ka helnaa Xiriirka Caalamiga ee ururada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC). Taageeradan iyo kaalmo kale oo ka timaada Jimciyad Qarameedyada ayaa suurtageliya in SRCS mashaariicdeeda gaar ahaan Puntland iyo Somaliland.

Tusale ahaan, Ururka Laanqeyrta Cas ee Norway waxay taageertaa saddex xarumo dhaqan celinta jirka   oo ku   yaalaan   Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hargeysa. Xarumahan waxay bixiyaan daryeel caafimaad dhanka lafaha.

Laanqeyrta Cas ee Jarmalka waxay taageertaa mashaariicda biyha iyo fayadhowrka oo wax ka tarta dhisida adkeysiga bulshada.

Kuwa kale isla hawlgalno waxaa ka mid ah Laanqeyrta Cas Sweden iyo Laanqeyrta Cas ee Finland oo taageero siiya mashaariicda caafimaadka Hooyada   iyo Dhallaanka Puntland iyo Somaliland. Bisha Cas Qadar waxay taageertaa laba xarumo caafimaad ku yaalaan Somaliland halka ICRCna   taageerto kuwo ku kala yaalaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wadahadal lala leeyahay Bisha Cas ee Iiraan ayaa socdaa. Bisha Cas Iiraan caawimaad ku saleysan mar mar   ayaa siisaa SRCS.

Wadashaqeyntan lala leeyahay Dhaqadhaqaaqa waa mid muhim inoo ah iyadoo noo suurtagelineysaa in bulshada gaarsino mustaqbal ifaya.

 

images