TAAGEERADA DHANKA SUGNAANTA DHAQAALAHA: KA FAA’IDAY 1,639,388 QOF

 

 

 

 

Hawsha sugnaanta dhaqaalaha ee ICRCda waxay ku dadaaleysaa in ay sugto in qoysaska iyo bulshooyinka ay helaan kharajyadooda muhimka ah misna joogteeyaan ama dib u soo celiyaan habnololeed waara. Mashaariicdan waa laba qeybood oo ballaaran

DARYEELKA CAAFIMAADKA IYO TAAGEERO DAWO: KA FAA’IDAY 421,500

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Taageerada ICRC da bixiso waxaa ka mid ah taakulo daawo iyo qalab tayo leh, dayactirka dhismsayaasha caafimaadka, dhisida awooda shaqaalaha caafimaadka iyo isxilqaamayaasha, bixinta mushaarka iyo kharajyada joogtada ah ee loogu talagalay xarumaha dareelka caafimaadka asaasiga ah iyo isbitaalada.

 

 

 

 

 

BIYAHA IYO DEEGAANKA: KA FAA’IDAY 256,773 QOF

 

 

 

 

 

 

 

Ujeedadu waa in la fududeeyo helida biyo nadiif ah iyo hagaajinta xaaladaha fayadhawrka

 

 

 

 

 

HAWLAHA LA XIRIIRA XABSIYADA: KA FAA’IDAY 4,634 QOF

 

 

 

 

 

 

Ujeeda da ICRC u booqato xabsiyada waa in la xaqiijiyo in maxaabiista loola dhaqmo si ay ku dheehantahay sharaf iyo aadminimo.

 

 

 

 

 

 

DIB U SOO CELINTA XIRIIRKA QOYSKA: KANA FAA’IDAY 67,282 QOF

 

 

 

 

 

Jahawareerka aafooyinka iyo colaada darteed xubnaha qoyska waa ay kala lumi karaan.ICRC,Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo shabakadaha Urur Qarameedyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxay isku dayayaan in ay helaan dadka maqan hadana dib ula xiriiriyaan qaraabadooda.

 

 

 

 

 

DHIIRIGELINTA XEERKA CAALAMIGA EE AADMINIMO IYO MABAAD’IDA AADMINIMO: 295 SARAAKIIL

 

 

 

 

 

 

 

Qasadku waa in kor loo qaado aqoonta xushmeynta Xeerka Caalamiga ah Aadminimo (IHL) iyo mabaad’ida aadminimo.