ICRC

Iyada oo la aasaasay sanadkii 1863, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) wuxuu ka howl galaa dunida oo idil, isaga oo caawiya dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay colaadda hubeysan iyo qalalaasaha kale,  isaga oo horumariya sharciyada dhowraya dhibanayaasha. Waa urur madaxbannaan oo dhexdhexaad ah waajibaadkiisa shaqana waxaa asal u ah axdiyada Jineefa ee 1949.

 

Waajibaadka shaqo ee ICRC

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waa urur aan eexan, madaxbanaan dhexdhexaad ah oo howshiisa bini’aadamnimo ee gaarka ah ay tahay in uu dhowro nolosha iyo sharafta dhibanayaasha colaadda iyo xaaladaha kale ee qalalaase iyo in uu gargaar u fidiyo.

…urur aan eexan, madaxbanaan, oo dhexdhexaad ah

ICRC-du waxay kaloo ku dadaashaa in ay ka hortagto dhibaatada iyadoo horumarineysa xoojineysana xeerka bini’aadamnimada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee bini’aadamnimada.

 

Ergada ICRC-da Soomaaliya

ICRC waxay markii ugu horeysay howsheeda Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1977-dii markaa oo uu  dagaal ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxay Soomaaliya joogtay ilaa markaa, iyada oo ka jawaabeysa baahiyaha dhibanayaasha colaadda, oo ay badanaa uga sii dareen musiibooyinka dabiiciga ah. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waa saaxiibka ugu weyn ee la howlgala ICRC-da Soomaliya. Iyada oo  addeegsaneysa shabakadda ballaaran ee SRCS ee dalka oo dhan, ayaa ICRC oo sidoo kalena kaashaneysa bulshada deegaanka waxay ka shaqeysaa hagaajinta adeegga daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo daaweynta dadk ku dhaawacma hubka. Waxay kaloo taageero deg deg ah siiyaan kuwa sida aadka u nugul, iyaga oo xoojiya habnololeedka isla markaana soo celiya xiriirka qoysaska ay colaaddu kala geysay.

ICRC-du waxay kaloo la hadashaa dhammaan dhinacyada is haya iyada oo kala hadasha arrimaha bini’aadamnimo iyo xeerarka khuseeya habdhaqanka colaadda.  Iyadoo ku taagan mabaadi’deeda dhexdhexaadnimada, eexasho la’aanta, iyo madaxbanaanida, ayey  dhiirigelisaa ixtiraamka Xeerka Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (IHL) iyada oo dhammaan dhinacyada xusuusisa waajibka ka saaran in ay xaqiijiyaan ilaalinta kuwa aan colaadda ka qeybqaadan.


Email: somaliablog@icrc.org

Xafiisyada: 

Xafiiska ICRC Muqdisho
Degmada Wadajir
Xaafadda Buulo-xuubey
mog_mogadiscio@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Hargeisa
Degmada Jig Jiga Yar
Ka soo horjeedka suuqa Cosob
hag_hargeisa@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Kismaayo
Fanoole, ka soo horjeedka
Dhismaha Sadaam 2
kis_kismayo@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Garoowe
Wadada Jimcaale
Xaafadda Halgan, Qeybta A
gar_garowe@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Baydhabo
Dhabarka dambe siinka Somaphone
Wadada Muqdisho-Baydhabo
bad_baidoa@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Jowhar
Wadada airport-ka
Hantiwadaag, laanta 2 ee Baryare
jow_jowhar@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Dhusamareeb  
Wadada Kadiye, Xaafadda Hodan
Dhabarka hoteelka BCQ
dhu_dhusamareb@icrc.org

 

Xafiiska ICRC Nayroobi
Wadada Ngecha Kabete Hoose
S.B 73226-00200, Nayroobi, Kenya
SOK-Nairobi@icrc.org

 

                                                    

Xarunta Xiriirka Bulshada
373

Telefoon: +254 709 132 000
WhatsApp: +254 706 408 908