Caabuqa faafa ee Covid-19 ayaa sababay ganacsiyo fara badan in ay ku dhawaadaan in ay xirmaan, taas oo u keentay ganacsato badan daqli la’aan. Qoysaska ay dumarku hogaamiyaan ayaa wajahaya dhibaatooyin nuucaas oo kale ah maadaama badankoodu leeyihiin ganacsiyo yar yar sida dukaamo yar yar, maqaayado, dukaamada cuntada, dukaamada dharka iyo bacadleyaal.

Qiimaha cuntada iyo badeecadaha kale ayaa sare u kacay cududurka faafa awgiis, taas oo saameyn ku yeelatay helitaanka badeecadaha iyo dhameystirka alaabta iyo xaddiga iibinta. Dukaanleyda ayaa qaaday tallaabooyin taxadar leh sida ka fogaanshaha iibinta amaahda iyo dib u keenidda alaabta oo ay xadideen.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ku taageera qoysaska uu daqligoodu hooseeyo in ay billaabaan, dib u bilaabaan, ama ay ballaariyaan ganacsiyada yar yar ee horay u jiray oo gacan ka geysan kara daqliga qoyska sidoo kalena dhalin kara hab nololeed wanaagsan oo sii jiri kara.

Tababarka xirfadaha ganacsiga ayaa sidoo kale la bixiyaa si loo hagaajiyo maareynta ganacsiga. Si loo hubiyo isdhexgalka saxda ah inta lagu jiro tababarka, ka qeybgalayaasha waxaa loo qeybiyaa hadba meesha ay joogaan iyo nuuca ganacsigooda. Qarashaadka iyo qiimaha, xirfadaha suuq geynta, diiwaan galinta xisaabta, iyo maareynta ganacsiga aasaasiga ah ayaa ka mid ahaa mowduucyada la soo qaatay inta lagu jiray koorsada.

Tababarka ka dib, ayaa ganacsatada midkiiba la siiyay 500 oo doolarka Mareykanka ah oo kaash ah si looga caawiyo horumarinta ganacsigooda. Ilaa sanadkii 2021ka, in ka badan 200 oo haween ah ayaa lagu caawiyay sidii ay u horumarin lahaayeen ganacsigooda.

Sideed ganacsi oo ay haween hogaamiyaan oo ku yaalla Xamar Weyne, magaalada Muqdiho.

Gancsiyada dharka iyo harqaanka

Xamar Weyne, oo leh suuq aad u mashquul badan oo ay ka buuxaan tafaariiqleyda iibinaya cuntada, dharka iyo alaabta la isku qurxiyo, ayaa ah degmada ugu qadiimisan magaalada Muqdisho. Asli Salaad Faarax oo ah 56 jir oo iibin jirtay dharka huudheyda ah ayaa hadda iibisa dhar cusub.

“Waxa aan dukaan ku leeyahay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdishu. Waxa aan ahay hooyo heysata 10 caruur ah anigoo isla markaana ah qofka qoyskeyga u shaqeeya” ayey tiri.

Waxa ay iibisaa dharka dumarka, ragga iyo caruurta. Waxa ay aad mashquul u noqotaa xilliyada damaashaadka sida Ciidda iyo aroosyada markaas oo ay dadku koox koox isu raacaan si ay dhar u soo iibsadaan.

Maryan Abuukar Xaji ayaa ah harqaanlaha kaliya ee dumarka ah ee degmada Xamar Weyne oo si gaar ag uga shaqeysa naqshadeynta iyo tolidda dharka dumarka. Dharka Somaalida badankood waa kuwa si gaar ah loo farsameeyay taa oo harqaanleyaasha ka dhigeysa kuwo aad dalabkoodu u badanyahay.

“Macaamiisheydu haween ayey u badan yihiin. Aniga ayey ii imaadaan maxaa yeelay waxa ay u riyaaqsanyihiin in ay qof dumar ah oo iyaga la mid ah ay cabirka ka qaado,” sidaas ayey sharraxday.

Dukaamada yar yar

Dukaamada cuntada, oo iibiya cunto, alaabo kale, iyo alaabta nadaafadda guryaha, ayaa ku badan degmada Xamar Weyne.

Maryan Maxamed Yuusuf ayaa ah milkiilaha mid ka mid ah dukaamada halkaa ku yaalla. Waxa ay iibisaa cabitaanada fudud, caleenta shaaha, sokor, nanac, caano, bariis, saabuun iyo badeeco kale.

Ceebla Muqtaar Guhaad ayaa maamuleysay dukaankeeda 30kii sano ee la soo dhaafay. Dukaankeeda ayey ka furtay meelo badan oo Muqdisho ka mid ah mudadaas sanadaha badan ah. Dukaanka ayaa hadda ku yaalla meel aad muhiim u ah, isaga oo ay joogto u imaadaan tiro badan oo macaamiil ah.

Biibitooyinka iyo maqaayadaha

Maqaayadaha iyo meelaha lagu cunteeyo ayaa waxaa saameyn ku yeeshay caqabadaha Covid-19, iyada oo la xusi karo xadidnaanta asxaabta iyo qoysaska wax wada cunaya.

Duniyo Maxamed Axmed, oo 36 ah, ayaa maqaayad ku laheyd Muqdisho todobadii sano ee la soo dhaafay, halkaa oo ay ku diyaariso cuntooyinka fudud ee Soomaalida iyo cuntada caadiga ah.

Faaduma Maxamed Cabdiraxmaan waxa aya sameysaa sambuuka iyo mash-mashka(waa macmacaan ka sameysan bur iyo sokar). Ganacsigan waxa ay ku jirtay muddo 30 sano ah hadda.

Maalin kasta 6:00 a.m., ayey furtaa maqaayadeeda si ay wax u kariso. Subaxda hore iyo galabtii saacadaha danbe ayaa ah sacadeheeda ugu fiican, maadaama ay soomaalida macmacaanka ku cabaan Shaah – koob shaaha oo kulul oo dhir leh.

“waxa aan sameeyaa mashmashka magaalada ugu wanaagsan” ayey tiri.

Wadooyinka Xamar Weyne, Xaawa Ibraahim Cali ayaa ku iibisa lows. Waa hooyada toban caruur ah iyada oo sidoo kale korisa afar caruur ah oo uu walaalkeed dhalay.

Burkiyeer

Cillaanka ayaa muddo dheer ahaa hab ay jecelyihiin dumarka Soomaaliyeed in ay u qurxiyaan gacmahooda iyo lugahooda munaasabadaha gaarka ah sida aroosyada, Ciidaha, iyo isku imaatinka kale ee bulshada.

Faaduma Axmed, oo ah 22 jir, ayaa ah milkiilaha meel la isku qurxiyo oo gaar ahaan ka shaqeysa hagaajinta timaha iyo cillaan saarka.

“Aad ayaa ugu farxaa marka aan arko macaamiisheyda oo ka baxaya dukaankeyga iyaga dhoollacadeynaya quruxna dareemaya,” ayey tiri.

Wixii sheekooyin dheeraad ah ee ku saabsan booqashada websaydhka ICRC.