Nayroobi (ICRC) – Ilaa iyo 80 bukaan oo dhaawacyo qaba ayaa u baahnaayeen gargaar caafimaad ka dib labadii qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21-kii Agoosto. Isbitaalka Jaamacadda iyo Xarunta Caafimaadka Gaalkacyo labaduba waxay jawaab ka bixiyeen xaaladda deg degga ah ayagoo daaweeyey dadka dhaawaca ah.

Labada qarax waxay ka dhaceen meel ku dhow illinka golaha deegaanka.Qaraxa labaad wuxuu dhacay goor dadku ay ku mashquulsanyihiin caawinta dhaawacyada. Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhinteen weerarada.

Qaraxyadu waxay dhismaha isbitaalka u geysteen bur bur weyn waxayna carqaladeeyeen hawlihiisa. ©ICRC/Peter Lick

Qaraxyadu waxay dhismaha isbitaalka u geysteen bur bur weyn waxayna carqaladeeyeen hawlihiisa. ©ICRC/Peter Lick

Afar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Jaamacadda Gaalkacyo oo ku yaalo meel ku dhow halka ay ka dhacayeen qaraxyada ayaa ku dhaawacameen. Waxaa intaas dheer, qaraxyadu waxay dhismaha isbitaalka u geysteen bur bur weyn waxayna carqaladeeyeen hawlihiisa. In badan bukaanada hore u jiifay isbitaalka iyo inta badan dhibbanayaasha qaraxyada ayaa waxay noqotay in loo wareejiyo Xarunta Caafimaadka Gaalkacyo.

Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) waxay si deg deg ah Isbitaalka Jaamacadda iyo Xarunta Caafimaadka Gaalkacyo labadaba ugu dirtay sahay caafimaad si loogu caawiyo kuwa dhaawacmay. Sahayda caafimaad ICRC bixisay waxay ka mid ahaayeen 15 bareele, 2 xirmo ee daawada dhaawaca hubka oo ku jirto daawo iyo qalab si loogu fuliyo qaliin iyo in lagu daweeyo bukaano gaaraya ilaa 100 oo la dhigay isbitaalka, ICRC waxay kaloo bixisay kareemooyin si loogu daweeyo qubashada, iyo qalab xaaladda tararrka wax ka tara. Intaa waxaa dheer, ICRC Waxay bixisay teendhooyin loogu talagalay bukaanada isbitaalka la seexinaayo si isbitaalka uu u wato hawl- maalmeedkiisa.

Peter Lick, ergay ka tirsan ICRC oo maalmo yar ka dib qaraxyada booqday goobta wuxuu xaaladda ku sifeeyey mid aad looga walaaco. “Tani waa musiibo aad u daran”, waxaa yiri Peter. “Bukaanada, shaqaalaha caafimaadka iyo dhismayaasha caafimaadka waa in laga ilaaliya rabshadaha inta lagu guda jiro iska-horimaadka hubeysan”.

Wax badan ka akhriso ICRC-da iyo dhawrista daryeelka caafimaadka

images