Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey, waxaa dhacay tiro weeraro ka dhan ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka, gaadiidka caafimaadka iyo dhismayaasha ka dhaceen dalal badan sida Afkhanistaan,Suuriya, iyo Yaman kuwani waa tusaale yar. Dhacdooyinka waxay ka dhacayaan wadamada daryeelka caafimaadka uu jilicsanyahay oo la halgamaya in ay daweeyaan tiro dadka waxyeelada ka soo gaartay colaada halkaas ka socoto. Mararka qaarkood, xaalada ayaa waxaa sii xumeeyey xannibaadaha la saarayo shaqaalaha gargaarka ka shaqeeya taa oo ka hor istaageysaa in ay gaaraan dadka iyaga u baahan.

Labadaba weerar iyo cawaaqibyada ka dhalanayaan waa walaac xun. Weeraradu waxay ahaayeen kuwo lagu qaaday shaqaalaha caafimaadka iyo dhismayaasha oo dhowraya sharciga caalamiga ah ee aadminimada raadka uu reebayna noqday dhimasho iyo burbur, wuxuuna carqaladeeyey adeegyada daryeelka caafimaadka aadka muhimka u ah. Dhammaan dadka ku lugta leh howlaha Daryeelka Caafimaadka Khatarta ku Sugan waxaa welwel ku abuuray weeraradan saameynta mudada dheer ku yeelaneyso caafimaadka dadka.

Kuwani ma ahan dhacdooyin mar keliya ay dhacaan. Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas iyadoo u mareysa mashruuca Daryeelka Caafimaadka Khatarta ku Sugan waxay tan iyo bishii Janaayo 2012 xog ka aruurinaayaan 11 dal. Disembar 2014 waxaa la diiwaangeliyey 2,398 kiisas weeraro ka dhan ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka,dhismayaasha iyo baabuurta. Xaaladan welwelka leh waxay muhimada saareysa baahida deg degga loo qabo in la helo tallaabooyin looga hortago rabshado mustaqbalka dhacaan.

Hindisaha Daryeelka Caafimaadka Khatarta ku Sugan oo taageero ka helaya khubaro, iyo xirfadlayaal leh aqoon kala duwan ayna ka mid yihiin laga bilaabo dawladaha, xoogaga hubeysan, hay’adaha gargaarka,ururo-xirfadeedka caalamiga ah iyo adeegyada daryeelka caafimaadka sidoo kale Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxay dejiyeen talooyin wax tar ku fadhiya waxayna sheegeen tallaabooyin wax ku ool ah haddii ay  hirgeliyaan dhammaan kuwa khuseysa ay kordhin laheyd ilaalinta adeegyada daryeelka caafimaadka  colaadaha hubeysan ama xaaladaha kale ee deg degga.

Anagoo ka mid ah xubnaha iyo la howlglayaasha hindisaha waxaan ugu baaqeynaa dawladaha, kuwa hubka sita, hay’adaha gargaarka caalamiga iyo kuwa qaranka iyo ururada caafimaadka in ay taxadar deg deg ah siiyaan talooyinka ka soo dhasheen.

Gaar ahaan waxaan ku boorineynaa dowladaha:

  • in dadaal kasta la sameeyo si loo baaro loona  cambaareeyo weerarada ka dhanka ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka caafimaadka kuwaas oo  ka xad gudbaya sharciga caalamiga ah kana mid ah sharciga caalamiga ah aadminimada;
  • In dib loo eego sharcigooda gudaha iyo fulintiisa si loo hubiyo in uu waafaqsanyahay waajibaadkooda  ku cad sharciga caalamiga ah kana mid sharciga caalamiga ah ee aadminimada;
  • in la hubiyo in ciidamadu si fiican loo tababaray si ay u ogaadaan in ay ku dhaqmaan oo ay ixtiraamaan qaab dhismeedka sharciyeed oo lagu dabaqi karo ilaalinta daryeelka caafimaadka sidoo kale waajibaadka anshaxa ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka;
  • in ay wadashaqeyn la yeeshaan caafimaadka iyo hay’adaha gargaarka si loo hubiyo in shaqaalaha caafimaadka si gaar ah loogu tababaray in ay ogaadaan in ay dabaqi karaan iyo in ay ilaaliyaan waajibaadkooda sharciga iyo anshaxa;
  • in si firfircoon kor loogu qaado wacyiga xoogaga hubeysan iyo guud ahaan dadka ee isticmaalka saxda ah ee astaamaha laanqeyrta cas/bisha cas/ kiristaalka cas;
  • in laga faa’ideysto fursada shirka caalamiga Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas oo soo socda si ay u kordhiyaan ballanqaadkooda hirgelinta talooyinka iyo talaabooyinka lagu ilaalinaayo daryeelka caafimaadka colaadaha hubeysan iyo xaaladaha kale ee deg degga iyo in maanka lagu hayo gudbinta ballanqaadyo gaar ah oo ku saabsan arrintan.

Waxaan ku boorineynaa   xoogagga hubeysan ee dawladaha:

  • in xaalado kasta gaar ahaan xaaladaha coladaha hubeysan ama xaalado kale ee deg degga, ay xushmeeyaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka caafimaadka iyo in bukaanada loo ogolaado in ay helaan daryeel ku filan iyadoo aan loo eegin meesha ay raacsanyihiin ;
  • in dib loo eego xeerarka ciidanka ee howlgelinta iyo dhaqanka howlgalka iyo nidaamka loo fuliyo si loo hubiyo talooyinka iyo tallaabooyinka ilaalinta bixinta daryeelka caafimaadka oo ka mid ah qoraalkan iyo shaqaalaha militariga in ku filan loogu tababaray.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan jileyaasha aan dawliga aheyn:

  • in xaalado kasta gaar ahaan xaaladaha coladaha hubeysan ama xaalado kale ee deg degga , ay xushmeeyaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka caafimaadka iyo in bukaanada loo ogolaado in ay helaan daryeel ku filan iyadoo aan loo eegin meesha ay raacsanyihiin ;

Waxaan ku dhiirigelineynaa hay’adaha gargaarka caalamiga, kuwa qaranka iyo ururada caafimaadka:

  • in ay sii wadaan u doodida ilaalinta tallaabo bani’aadamnimo oo mabd’a ah iyo xushmada loo hayo Mabaadi’da Anshaxa Daryeelka Caafimaadka Waqtiyada Colaada Hubeysan iyo Xaalado Kale Deg Degga ahoo bishii Juun 2015 taageereen ururada daryeelka caafimaadka ee rayidka iyo ciidamada iyo ilaalinta bukaanada, shaqaalaha daryeelka caafimaadka, dhismayaasha, gaadiidka caafimaadka colaada hubeysan ama xaalado kale deg degga ah iyo in ay ku soo biiraan dadaalada socda si ay u bilaabaan howlahooda ku saabsan ujeedayaashaas.
  • Si loo hubiyo in tas-hiilaadka caafimaadka oo ay maamulaan ay qaadayaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si khatarta rabshadaha loogu yareeyo tas-hiilaadka gudaha dhismayaasha.

Ururada saxiixayaasha:

Guddiga Caalamiga ah ee Daawada Ciidamada; Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas; Xiriirka Caalamiga ah ee Ururka Ardeyda Caafimaadka; Xiriirka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Ururada Bisha Cas, Xiriirka Caalamiga ee Isbitaalka; Xiriirka Adduunka ee Tacliinta Caafimaadka; Ururka Caafimaadka Adduunka.

logos

Daryeelka Caafimaadka oo Khatar ku Sugan waa hindisaha Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee Laanqeyrta Cas  iyo Bisha Cas si ay helida, ku bixinta daryeel caafimaad colaada hubeysan ama xaalado kale ee cde degg ah. Hindisan wuxuu ku baaqaya xushmeynta iyo ilaalinta shaqaalaha caafimaadka, dhismayaasha, baabuurta iyo hirgelinta taxane tallooyin ah iyo tallaabooyin wax tar leh si loo ilaaliyo adeegyada daryeelka caafimaadka iyo waajibaadkooda shaqo ee bani’aadamnimo. Qorshahani waxaa taageerey tiro la howlgalayaal ah, shakhsiyaad iyo ururo, xubno ka tirsan Bulshada Khuseysa Daryeelka Caafimaadka oo Khatar ku Sugan

Wixii faahfaahin dheeri ah booqo website-ka Health Care in Danger

images