Bambka biyaha oo gabooba daxaleystay ayaa wuxuu yaala bartamaha tuulada Xidda. Sanooyin lama isticmaalin aan ka aheyn shimbiro buul ka sameystay. Xaalada bur burka waxay astaan u tahay kaabayaasha biyaha oo meesha ka jira sii xumaaday sababta oo ah sannooyin colaad sii jirtay iyo dayacaad .Nasiib wanaag, ceel meesha u dhow oo la qoday sanadkii la soo dhaafay ayaa baahiyaha biyaha siiya 2,000 qof oo ku nool tuuladan ku taalo Puntland, waqooyiga Soomaaliya.

Inta aan la qodin ceelka, biyaha wuu yaraa gaar ahaan xilliyada jiilaalka goortaas oo dadka deegaanka ay ku khasbanaayeen in 50 liitar biyo ah ay ku iibsdadaan $1 waana qiime aan awoodin qoysas badan oo halkaan joogaan. Kuwa aan iibsan karin biyaha waa in ay socod dheer u galaan ilaa 10 kiiloomitir si ay u gaaraan meesha ugu dhow ee biyo laga helo.

Colaad ayaa burburisay kaabayaasha

“Colaad daba dheeraata ayaa badanaa carqaladeysa bixinta adeegyada muhimka ah sida biyaha, dadka jilicsan sida xoolo raacatada iyo xoolahooda ayaa badanaa waxay noqdaan dhibbanayaasha ugu horeeya,” sidaa waxaa yiri Fernando Resta oo ah Isku-duwaha Biyaha iyo Deegaanka ICRC-da Soomaaliya. “Abaaro xilligooda dheeraaday iyo xaalado kale ee cimilo adag ayaa saameynta ka dhigi kartaa mid aad u xun.”

Mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa oo Soomaaliya ku dhufatay ayaa u dhaxeysay 2009kii iyo 2011kii oo ay saameysay 1.5 milyan qof ah.Boqolaal kun oo dad iyo xoolo ayaa ku dhinteen sababtuna tahay musiibada.

Waqtigaas, Fowsiya Maxamed hooyo leh sagal caruur waxa keliya ay sameyn kartay ayaa aheyd in qoyskeeda ka guuraan Boosaaso una guuraan Xidda si arigeeda oo ah isha keliya ay ka helaan dakhli ugu hesho daaq cusub iyo biyo.Laakinse abaarta ayaaba mar hore qalajisay ilaha laga helo biyaha ee Xidda waxayna la kulantay laba daran midkood dooro. In ka badan 20 warood oo hore loogu isticmaali jiray gobolka Puntland ayaa joojiyeen in ay sii shaqeeyaan dayactir la’aan awgeed.

Biyo yaraantu waxay ka dhigantahay in arigeeda iyo geeleeda caafimaadkooda sii xanaaneyn karin si ay ugu iibsato qiime fiican.

“Xoolaha daciifka ah lama iibin karo badanaa waa ay iska dhintaan,” Fowsiya iyadoo tarmuus midabo leh shaah kulul ugu shubeysa nin oday ah ayaa sidaa tiri. Inta badan xoolaheeda waxay u iibgeysay suuq ku yaala deegaanka lacagtana waxay u isticmaashay in ay ka furato makhaayad oo ay tiri in ay awooday in si raaxo leh u maareyso.

Fowsiya Maxamed oo makhaayadeeda bannaanka ku taalo ugu adeegeysa macaamiisheeda Xidda, Puntland, Soomaaliya. © ICRC/Miraj Mohamud

Fowsiya Maxamed oo makhaayadeeda bannaanka ku taalo ugu adeegeysa macaamiisheeda Xidda, Puntland, Soomaaliya. © ICRC/Miraj Mohamud

 

Biyo loogu talagaly dadka iyo xoolaha

Iyadoo la ogaaday in tuulada ay wajahday biyo la’aan aad u daran, koox ka socota ICRC ayaa gobolka booqatay si ay u eegaan waxa la qaban karo. Fernando Resta ka kib mar la hadlay   odayaasha bulshada ayaa sheegay in go’aan mideysan lagu gaarey in la qodo ceel.

Helida biyo nadiif ah oo la cabo ayaa bulshooyinka ku ah caqabad weyn qeybo badan Soomaaliya oo oomane ah. ICRC waxay dayactirka goobaha biyaha laga helo u aragta in uu yahay dariiq muhim ah oo lagu caawimi karo dadka si ay ugu adkaadaan saameynta colaada sii kordheysay, xaaladaha cimilada qalafsan iyo dhaqdhaqaaqa kooban ganacsatada sababna ay u tahay xaaladaha ammaanka oo sii xumaanayey.

IMG_1392

Sanadkii 2015 ICRC waxay dhammeystirtay ceelka Xidda. Waxay kaloo saddex ceel ka qoday gobolka Puntland waqooyiga Soomaaliya, saameynta wanaagsan ayaa durba dareemeen dadka deegaanka.

Fowsiya waxay leedahay helitaanka biyaha oo kordhay ayaa u suurtageliyey in maalgelin badan ay geliso makhaayadeeda maadaama wixii hadda ka dambeeya aan lacag ku bixineyn biyaha. Warka wanaagsan ee la xiriira ayaa ah in wiilkeeda curadka ah ay Jaamacad si fiican loo yaqaan ugu dirtay Garoowe.

Ibraahim Cusmaan waa xoolaley deegaanka ka tirsan wuxuu rajo fiican ka qabaa in xaalada dhaqaalaha uu si hagaagi doono. “Maadaama biyo badan halkaan ku haysano oo aan lacag ku bixineynin ayaa go’aansaday in xoolo badan iibsado si aan u kororsado xoolaheyga. Hadda arigeyga wuu caafimaad qabaa,” sidaas waxaa yiri Ibraahim oo ceelka yimid si u waraabsado arigiisa.

Xoolaha, sida badan geela door muhim ah ayaa ka cayaara dhaqaalaha qaranka Soomaaliyeed. Macluumaad ay bixisay Ururka Cuntada iyo Beeraha waxay muujineysa in sanadkii la soo dhaafay dalka uu dhoofiyey 4.9 milyan ari iyo ido, 295,000 lo’ iyo 72,000 geel oo 40% ku biiriyeen Dakhliga Wax-soosaarka Waddanka.

Ibraahim Cusmaan waxaa wejigiisa ka muuqda dhoolla caddayn xilli warysi la lahaa ICRC. ©ICRC/Miraj Mohamud

Ibraahim Cusmaan waxaa wejigiisa ka muuqda dhoolla caddayn xilli warysi la lahaa ICRC. ©ICRC/Miraj Mohamud

 

Ku caawimaaya baahiyaha biyaha ee gobolada

Tan iyo sanadkii 2015kii ICRC waxay caawintay dad gaaraya 240,000 oo ku sugan Soomaaliya iyadoo gobolada aan ka jirin dhismayaasha biyaha u dhistay iyo u dayactirtay ceelal si ay u helaan biyo ammaan ah oo nadiif ah.

Marka ay timaado caalamka, ICRC waxay dalalka dhismayaasha biyaha iyo adeegyada ay burburuyeen dagaalada iyo khilaafaadka kaga shaqeysa in ay u fududeyso helitaanka biyo ammaan ah. Tusaale Suuriya 16 milyan oo dad ah ayaa la siiyey biyo la cabo oo ammaan ah nadiifna ah halka Koofurta Suudaan 400,000 qof lagu xiriiriyey biyo ammaan ah oo la cabo.

 

images