Tuulada yar oo miyi ah kuna taalo meel u dhow Beletweyne, Soomaaliya ayaa qoysaska ku tiirsanyihiin mashruuc iskaashato si ay u beeryaan hadana u goostaan haruur iyo sisin iyagoo isticmaalaya qalab beereed ay leedahay bulshada. Wadaagida kheyraadaka muhimka ah waa hab nololeedka dalka.

Muddo 20 sano ah Cabdulaahi Cusmaan shaqo joogto ah ma haysan ka gadaal dagaalkii sokeeye Soomaaliya 1992dii. Maanta oo taageero ka helay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) wuxuu haya sheeko taa ka duwan. Ninkan 55 sano jirka ah wuxuu ku biiray iskaashato beeraley oo u suurtagelisay in uu wax ku taro qoyskiisa.

Tuulada Bacaad oo ah meesha Cabdullaahi ku noolyahay ayaa aqal dhaqameed ka sameysan sarab iyo caws ku dhex yaalaan beero ku yaaliin galey iyo haruur. Inta badan qoysaska deggan halkaas waxay ku noolyihiin qaab beeraley iyo xoolo raacato. Qorraxda marka ay soo baxdo waxaa la maqlaa dhawaaqyada geela iyo ariga oo si tartiib ah ugu socda dhanka webiga.

Si kastaba, aabaha saddex caruur ayaa galay nolol tii hore ka geddisan. Dagaalkii sokeeye ka hor, Cabdullaahi wuxuu ahaa qof xasilan oo deggan oo qodanaayey beer ku taalay magaalada Jowhar. Nolosha ayaa ka sii xumaatay isagoo ka soo tagey noloshiisa xasilooneyd uu ku haystay Jowhar soona degay tuulada Bacaad colaada awgeed.

Qoyska ayaa isku dayey in ay caawiyaan

Iyadoo dakhli joogto ah aan jirin, Cabdullaahi wuxuu taageero ka raadsaday adeeradiisa oo tabakaayo ku leh tuulada.

“Guriga waa in kula laabto wax, sida hadda nasiibka u helay waqtiyadii hore uma aan helin,” ayuu yiri.

Adeeradiis ayaa yaqaaneen ka shaqeysashada deegaanka, waxay mar kale ku caawiyeen in dib u helo hab-nololeed madaxbannaan. Waxay bareen koox dad ah kuwaas oo qorsheynaayey in ay wadaagaan dhul beereed yar waxayna wacad ku mareen in ay ku caawiyaan sidii u heli lahaa kharajka diiwaangelinta.

Cabdullaahi Cusmaan oo goosanaaya beertiisa haruurka oo ku taalo Bacaad, Soomaaliya. Lacagta ka soo gasho haruurka iyo sisinta ayaa hadda awood u siineysa cunto seddex jeer maalintii. ©ICRC/Miraj Mohamud

Cabdullaahi Cusmaan oo goosanaaya beertiisa haruurka oo ku taalo Bacaad, Soomaaliya. Lacagta ka soo gasho haruurka iyo sisinta ayaa hadda awood u siineysa cunto seddex jeer maalintii. ©ICRC/Miraj Mohamud

 

Bulshooyinka Soomaaliyeed ayaa muddo dheer isticmaalayey Iskaashatooyinkan oo kale, gaar ahaan tuulooyinka yar yar sida Bacaad oo dedkeedu ay ka yar yihiin kun.

“Waxaan u mahad celinaaya adeeradey. Waxay igu caawiyeen in aan helo USD 120 oo ah lacagta xubinnimada saa darteed waxaan ka mid noqon karaa dadka wax ku leh dhul beereedka yar,” sidaa ayuu yiri.

Caqabada iskaashatada

Xaaladaha cimilada gobolka ayaa ku habboon beerashada, laakiinse iskaashatada 115ka qof ka kooban waxay dhib kala kulmeen carro geddiska. Tuulada ma ayan laheyn cagaf-cagafyo mid laga soo kireysto magaalada Bacaad u dhow ee Beletweyne saacaddii waa $50.

“Awood uma aanan laheyn in aan bixino lacagtaas bedelkeedi waxaan go’aansanay in gacanta aan ku carro geddisano, tani waxay nagu qaadata waqti iyo tamar. Waxay aheyd wax lagu daalo,” Cabdullaahi ayaa sharxay.

Cabdullaahi oo fidinaaya wax soo saarkiisa haruurka ah si ay u khalasho ka hor inta aan suuqgeyn dib looga aruurin. ©ICRC/Miraj Mohamud

Cabdullaahi oo fidinaaya wax soo saarkiisa haruurka ah si ay u khalasho ka hor inta aan suuqgeyn dib looga aruurin. ©ICRC/Miraj Mohamud

 

Bishii Abriil 2015kii Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay 16 ururo iskaashato middiiba ku taageereen hal cagaf.

Ururka iskaashatada Bacaad waxay ka mid aheyd kuwa qaatay. Intaa waxaa dheer, iskaashatadu waxay kaloo heleen tababar la siiyey beeraleyda oo ku saabsan ganacsiga, qorsheynta, xog uruurinta iyo dejinta hadafka.

Ka dib markii tababarka ay qaateen, Ururka Iskaashatada Bacaad waxay sameeyeen guddi ka kooban shan xubnood si kooxda ugu dejiyaan xeerar iyo qawaaniin. Lacagta diiwaangelinta xubinnimada waxaa laga dhigay $ 20 oo ay la jirto lacagta sannadlaha oo ah $100 taas oo geleysaa kharajka socda ee iskaashatada.

Maanta Cabdullaahi wuxuu iibiya haruur iyo sisin wuxuuna awooda cunto saddex jeer maalintii. Goosashadiisa ugu dambeysay Jannaayo 2016 wuxuu soo saaray 20 jawaan oo haruur ah iyo 10 kale oo sisin ah.

“Tababarka wax badan ayaa ka faa’iday. Hadda qorshaha aan u dejiyey dhakhliga yar waa in aan iibsado dhul dheeraad ah oo tacbado insha Allah waxaan u guuraya magaalo oo wiilkeyga dugsi aan geyn karo,” sidaas ayuu yiri.

Dusan Vokotic, oo mas’uul ka ah Barnaamijka Sugnaanta Dhaqaalaha ICRC-da Soomaaliya wuxuu ku rajo weynyahay in bulshooyinka si sii kordheysa ay u noqonaayaan kuwo isku filan.

“Taageerada iskaashatooyinka deeganka lagu siinaayo qalab beereedka iyo tababarka beeraleyda wuxuu awood u siin doonaa in ay kordhiyaan wax soo saarkooda,” waxaa yiri Vukotic.

Sannadkii 2015kii ICRC waxay in ka badan 38,000 qof oo ku sugan Soomaaliya ku caawintay qeybinta cagaf-cagafyo iyo qalab beereed.

 

images