Map

Nayroobi (ICRC)- Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha ee Soomaaliyeed waxay hadda bariis, digir iyo badar  u qeybinaayaan ku dhowaad 60,000 qof oo waxyeelo ka soo gaartay abaar reebtay daciifnimo oo ka dhacday waqooyiga Soomaliya.

ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay cunto qeybintu bilaabeen Abriil 7deed sababta oo ah xaalada oo ka sii xumaaneysay qoysaska la tacaalaya xaaladaha abaaraha. Roobabka xilliga Deyrta oo ka hooseeyey sidii la rabay ayaa xaalada ka dhigtay mid xumaata sababatayna in qiimaha xoolaha hoos u dhac ku yimaado. Tani waxay keentay in hoos u dhaco dakhliga qoyska ku sugan deeganada abaartu ku dhuftay.

“Dhibaatooyinkan waxay sii kordhiyeen nuglaantii awalba haysatay dadka ku nool gobol dagaal,” sidaa waxaa yiri Raich Curcó, madaxa ergada ICRC Soomaaliya. “Nasiib xumo, tani ma ahan wax cusub ama waax aan caadi aheyn. Abaartu waa tusalaha uhu dambeyey oo meerto ah cajiibna ah. Waxaan rajeyna in faragelintaydu ay caawimikarto qaar ka mid ah bulshooyinka waxyeelada gaartay ee sidhii rashinkaas ee abaarta kuu moodhaan.”

Bariiska digirta, badarka iyo saliida wax lagu karsado oo laga qeybiyey agagaarka Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag waxaa la filaaya in ay gaarto hal bil, iyagoo si fiican ku gaarayaroobabka Gu’ga oo la filaayo inta u dhaxeyso bilaha Abriil iyo Juun.

Soomaaliya waxay sanad kasta la kulanta xilliyo qalalan, marka ay qalalaan meelaha biyaha laga helo ceelashana inta badan ay noqdaan isha keliya ee laga helo biyaha. Inta badan, dadka deegaanka waxay ku qasbanyihiin in ay lacag bixiyaan si ay u isticmaalaan ceelasha, iyagoo wada isticmaalaya dhammaan kheyraadkii koobanaa ee qoysaska.

“Sanadkan xilliga jilaalka wuxuu ahaa mid aad u adag,” sidaa waxaa yiri Fernando Resta, madaxa mashaariicda biyaha ICRC Soomaaliya. “Hadda biyaha ceelasha aad bay qaal u yihiin. Cunto qeybinteena waxay ka dhigantahay in qoysaskan  lacag yar ay ku bixin doonaan cuntada saa darteed waxay awoodi karaan in biyo soo iibsadaan.”

Dadka deeganka oo raashin ka qaadanaaya xarun raashin qeybin oo ku taalo Xolxol, Gobolka Sool, Soomaaliya

Dadka deeganka oo raashin ka qaadanaaya xarun raashin qeybin oo ku taalo Xolxol, Gobolka Sool, Soomaaliya.

 

Hooyooyin ku sugan barta cunto qeybinta ee gobolka abaartu ku dhufatay ee Sool ayaa raashin ka helay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Tan iyo sanadkii 2014kii, ICRC waxay gobolada abaartu saameysay ka dhistay  11 ceel, 15 berkado, 10 ceel-gacmeedyo iyo 5 warood oo lagu keydsado biyaha roobka.Sanadkii 2015kii, dad gaaraya 7,800 ayaa wadar ahaan helay 23,000 tallaalka geedka timirta si ay ugu xoojiyaan ganacsiga beerta.

Wixii macluumaad dheeri ah, fadlan la xiriir:

Pedram Yazdi, Nayroobi: +254 700 888 131

Jason Straziuso, Nayroobi +254 733 622 026

 

images