Faaduma iyo qoyskeeda waxay sannad hor nolol adag ugu noolaayeen xero barakac ee Soomaaliyeed. Caruurteeda inta badan way gaajoonayeen. Dugsiga wuxuu ahaa mid aan la awoodin. Sanad ka dib, wax waliba way is bedeleen.
Faaduma iyo caruurteeda waxay soo mareen waqtiyo adag 2015kii. Waxaa lagu qasbay inay ku tiirsanaadaan raashidka hay’adaha samafalku qaybiyaan maadama ayada ama ninkeeda toona aysan ka helin shaqo xeradooda barakac ee Beledweyne oo ah magaalo ku taala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Xaalada ayaa bilowday inay soo hagaagto Ka dib markii ay heleen xoogaha lacag ah si ay ugu bilowdaan ganacsi yar, Faaduma waxay hadda ka shaqeysaa dukaan yar oo ku yaala xerada dhexdeeda kaasoo ay ku gaddo caano, sonkor, caleenta shaaha iyo waxyaabo kale. Iyadoo ay ka soo gasho 30 doolar isku celcelis maalintii, waxay heshaa wax ku filan inuu kaafiya baahiyoonka aasaasiga ah ee qoyskeeda.
Waraysi lala yeeshay 2015ka, waxay fadhiday aqalkeeda iyadoo kor ka eegaysa caruurteeda ciyaaraya kuwaasoo u ekaa kuwa aan ka warhayn wax ka dhacaya dunida ku hareereysan.
“Waxaan imid halkan waayo waxaan ka soo cararay dagaalka halkaasoo kala kulmay gaajo iyo dhibaatooyin.,” ayey tiri xilligaas, iyadoo codkeedana qiiro ka muuqatay. Waxay tiri hadday ganacsi yar ka sameyn kari lahayd lacag, suuragal ayey noqon lahayd inay xerada ka tagto.
Faaduma waxay ka mid ahayd koox ka kooban 875 haween uur leh ama naas nuujinaya kuwaasoo ku noolaa xerooyinka barakacayaasha oo helay 280 USD si ay u bilaabaan dhaqdhaqaaq daqli soo saarid ah. ICRCdu waxay ogaatay in haweenku ay u baahan yihiin taageero si ay u daboolaan baahi maalmeedka qoyska.
Fakarka keenay barnaamijka tageerada ee daqliga waxuu ahaa in lagu saacido qoysaska u nugul nafaqo darradda, oo ah dhibaato Soomaaliya ka taagan taasoo si weyn ugu faaftay xeryaha barakacayaasha.
Sanad ka dib: Seddex waqti raashin iyo carruurta oo iskuul dhigta
Faaduma, $280 waxay siisay gacan qabasho aad loogu baahnaa. Sanad ka dib, rabitaankeedii ahaa inay biisho qoyskeeda wuu is bixiyay.
“Wax badan ayaa is bedelay ilaa iyo markaas. Iyadoo ka duwan sidii hore, hadda waan awoodnaa inaan cunno seddexda waqti maalintii. Labo ka mid ah ilmaheyga iskuulkay bay dhigtaan. Waxaan iminka ahay qof isku tiirsan waana ku faraxsanahay faa’idada yar ee aan sameeyo maalintii,” waxaa sidaa tiri Faadumo oo weli niyadda ugu jirto inay maalin uun ka guurto xerada oo ay weli degan tahay.
Maalintan Caalamiga ee Haweenka, safarka Faaduma ee isku-filnaashaha waa fursad lagu muujinayo horumarka muuqda ee ay sameynayaan haweenka iyadoo kale ah inkastoo ay jiraan caqabado ay la kulmayaan.
Taageerada daqliga waa midka kaliya xoojin leh. Guusha Faaduma waxay tijaabo u tahay dhabar adeyggeeda, ka go’naanteeda joogtada ah ee qoyskeeda iyo hawl-karnimadeeda shaqo.
Xaqiiqooyin muhiim ah ee Soomaaliya
- Soomaaliya waxay weli tahay mid ka mid ah xaaladaha aadanamimo ugu xun dunida . Toboneeyo sanno oo colaado hubaysan oo daba dheeraadey oo ay wehliyaan masiibooyin cimilada oo soo noqnoqda ayaa ka dhigay malaayin inay barakacaan, kuwaaso u badan caruur iyo haween. ICRCda waxay ka shaqeyneysaa inay ka yareyso dhibaatada dhibanayaashaaas.
- Ku dhowaad 305,000 caruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sanno ayaa nafaqo-darro haysa, iyadoo 58,300 ka mid ah ay xaaladooda nafaqo-darro ay aad u liidata, marko loo eego tirooyinka laga soo xigto samafalayaasha.
- Sanadka 2015kii, 5,235 haween iyo caruur ayaa ka faa’ideystay barnaamijka nafaqeynta iyo quudinta dheeriga ah ee xarumaha caafimaadka ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ee Soomaaliya.
- Ku dhowaad 155,000 la tashiyo, 35% ka mid ah tirada guud ee wadatashayida , waxaa lala yeeshay haween ay da’doodu ka weyn tahay 15 sanno ee ku sugnaa xarumaha caafimaad Bisha Cas ee lagu daryeello hooyadda iyo dhallaanka iyo bukaan socotadda.