Iyadoo la isku diyaarinayo xaaladaha El Niño ee la filayo in ay sababaan fatahaado ka dhaca webiyada Jubba iyo Shabeelle ee Soomaaliya, ayaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) wuxuu diyaarinayaa 72 ka qeyb-galeyaal ah, oo ay ku jiraan 60 mutadawiciin deegaanka ah. Iyada oo uu taageerayo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), tababarka tooska ah wuxuu xaqiijinayaa in ay ka qeyb-galeyaashu helaan xirfadaha aasaasiga ah ee loo baahanyahay marka laga jawaabayo xaaladaha deg-degga ah ee fatahaadaha. Sanadkii 2023, oo ay xaalado kuwan la mid ah dalka ka dhaceen, kooxaha doomaha ee SRCS waxay door muhiim ah ka cayaareen dadaallada badbaadinta ee goobaha ay fatahaaduhu ka dhacaan.Tababarrada waxaa lagu qabanayaa goobaha ay badanaa fatahaaduhu ka dhacaan, oo ay ku jiraan Baardheere, Jowhar, Beledweyne iyo Kismaayo. Isagoo isugu jiray aragti gudbin iyo hawl tooos ah, ayaa diyaargarowgani wuxuu hubin doonaa in ay kooxuhu diyaar u noqdaan in ay jawaab wax ku ool ah ka bixiyaan haddii ay fatahaado dhacaan. Hoos waxaa ku yaala sawirro la qaaday intii uu tababarku Jowhar ka socday.

Iyada oo uu tababarku ka dhacay Webiga Shabeelle, ayey ka qeyb-galeyaashu isku badelayeen barashada farsamooyinka wadista, jeereysiinta iyo fulinta gadaal u wadista xakameysan.

 

Xiisada oo socota! Mutadawiciintu waxay marka hore qaateen aragtida ka hor inta aysan biyaha galin si ay wixii la baray ficil ugu badelaan. Casharradu waxay ku saabsanaayeen farsamooyinka xiriirka aasaasiga ah, sida adeegsiga calaamadaha gacmaha si loogu xiriiro xilliyada ay matoorrada doomuhu guuxayaan.

 

Tababare ayaa muujinaya sida matoorka doonta loogu rakibo ka hor inta uusan dul marin hubinta badqabka bixitaanka ka hor iyo diyaarinta doonta iyo shaqaalaha.

 

Dadka la tababaray waxay barteen furaha matoorka laga damiyo, oo ah xarig badbaado oo muhiim ah oo haddii ay xaalad deg-deg ah timaado si deg-deg matoorka u joojinaya.

 

Sawir kooxeed ay galeen kooxda Jowhar, oo si buuxda diyaar ugu ah xaaladaha deg-degga ah ee fatahaadaha inta lagu jiro xilli roobaadka soo socda. Guud ahaan 72 ka qeyb-galeyaal ah ayaa dhammeystay tababarka, oo ay ku jiraan 60 mutadawac oo bulshada ka socda. Iyada oo ku qalabeysan sagaal doomood oo ku baahsan goobaha ay badanaa fatahaaduhu ka dhacaan, SRCS waxay diyaar u tahay ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah.