1. Maxay ICRC-du u booqataa xabsiyada?
Booqashada iyo la socoshada dadka la xiray iyada oo lala xiriirinayo colaadda ayaa gundhig u ah waajibaadka ICRC. Tani waa hawl ay ICRC waday in ka badan boqol sano. Arintan waxaa u sabab ah xaaladaha colaadda maxaabiistu, cid kasta oo ay yihiin iyo sabab kasta oo loo xiray– inta badan halis ayay ku suganyihiin.
Soomaaliya, ICRC waxay booqataa xabsiyada iyada oo oggolaansho ka haysata masuuliyiinta ay khusayso oo sidoo Kalena raacaysa nidaamkeeda shaqo . Booqashooyinka xabsiyada Soomaaliya waxay soo bilawdeen sanadkii 1997.
2. Maxay ICRC qabataa inta lagu jiro booqashada xabsiyada?
Inta lagu jiro booqashooyinka, kooxaheenu waxay la kulmaan masuluuliyiinta xabsiga, iyaga oo kormeera xarumaha, eega diiwaanka, sidoo kalena si gaar ah ula hadla maxaabiista. Tani waxay ICRC u oggolaaneysaa in ay la socoto kana talo bixiso sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha nololeed (oo ay ku jiraan cuntada, biyaha, nadaafadda, daryeelka caafimaadka, iwm.), habka maxaabiista loola dhaqmo, iyo dammaanadaha garsoorka. Kormeerrada iyo talooyinka ICRC waxaa si qarsoodi ah loogala hadlaa masuuliyiinta xabsiga.
Markii loo baahdo, ICRC waxay masuuliyiinta kala shaqeysaa xaaladaha maxaabiista iyada oo loo marayo kaalmo agab iyo sidoo kale talo farsamo. Maxaabiista, xiriirka qoysaskooda ayaa ka dhigan halbowlaha noloshooda. Sidaas darteed, maxaabiista waxaa la siiyaa fursad ay kula xiriiraan qoysaskooda iyada oo la adeegsanayo wicitaanno taleefan, farriimo afka ah oo gaagaaban (“salamat”) ama farriimo qoran (“Farriimaha Laanqayrta Cas”).
3. ICRC gacan ma ka geysataa hagaajinta xaaladaha xabsiyada?
Mararka qaar. Marka ay habboontahay oo ay codsadaan masuuliyiinta xabsigu, ka dib qiimeynteeda iyo wadahadalka ay la leedahay masuuliyiinta, ICRC waxay bixin kartaa talo farsamo ama taageero agab si loo hagaajiyo helitaanka daryeelka caafimaadka, biyo nadiif ah iyo nadaafad ama nafaqeyn. Sanad walba, ICRC waxay maxaabiita ku taageertaa afurka inta lagu jiro Ramadaanka. Soomaaliya, innaga oo la kaashaneyna masuuliyiinta ay khuseyso, waxaan taageernay xabsiyo uu ku jiro Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaan hagaajinay xaaladaha innaga oo dayactirnay dhismeyaal. Si kasta ha ahaatee, masuuliyiinta xabsiga ayaa leh masuuliyadda ugu muhiimsan ee maxaabiista iyo maareynta xabsiyada.
4. ICRC ma ka caawisaa maxaabiista in la sii daayo?
Maya. ICRC ma farageliso nidaamyada garsoorka dalalka ay ka shaqayso. Ma go’aamiso cidda la xirayo ama la sii deynayo. Doorkeeno waa mid bini’aadamnimo oo kaliya– in aan ka shaqayno hubinta in maxaabiista loola dhaqmo si sharaf leh oo waafaqsan jaangooyooyinka qaran iyo kuwa caalamiga ah. ICRC waxaa kale oo suurogal ah in ay adeegyadeeda dhexdhexaadnimo uga qayb qaadato siideynta maxaabiista ama hawlaha kale ee la midka ah ee furimaha kadhaca, sidii ka dhacday Laas Caanood sanadkii 2023. Si kasta ha ahaatee, waxaan kaliya tallaabo qaadi karnaa marka la helo oggolaanshaha kooxaha ku lugta leh. Tani waa mid ka mid ah jawaabaha bini’aadamnimo oo ay ICRC bixiso iyada oo ah dhexdhexaadiye bini’aadamnimo.
5. ICRC lacag miyey siisaa masuuliyiinta xabsiga si ay u booqato ama u taageerto maxaabiista?
Maya. ICRC lacag nooca ay tahayba ma siiso masuuliyiinta xabsiga si ay u booqato ama taageerto maxaabiista. ICRC waxay si adag u raacdaa mabaadi’deeda dhexdhexaadnimada, eex-la’aanta, iyo madaxbanaanida, taa oo macnaheedu yahay in aysan masuuliyiinta siinin wax magdhow ah iyaga oo ku badalanaya in ay maxaabiista gaaraan. Taageerada xabsiyada oo ay ku jiraan cunto bixinta, agabka nadaafadda, dharka, ama qalabka caafimaadka waxaa si toos ah loo siiyaa maxaabiista si loo hagaajiyo xaaladaha nololeed. Taageeradan waxaa lagala hadlaa isku dubaridkeedana lagala kaashadaa masuuliyiinta si loo hubiyo in ay waafaqsantahay ujeedooyinka bini’aadamnimo ee ICRC.
6. Maxay ICRC si furan uga warbixin weyday waxa ay xabsiyada ka ogaato?
ICRC waxyaalaha ay soo ogaato waxay toos ula wadaagtaa masuuliyiinta masuulka ka ah xabsiyada. Habkan qarsoodiga ah wuxuu gacan ka geystaa in la dhiso aaminaad, la joogteeyo gaaritaanka maxaabiista, lana dhiirrigaliyo horumar muuqda waqti ka dib.
Qarsoodigu macnaheedu maahan aamusnaan ama aqbalaad.
7. ICRC maxaabiista ma ku caawin kartaa in ay la xiriiraan qoysaskooda?
Haa. Marka ay ku habboontahay masuuliyiinta xabsiguna ay oggolaadaan, ICRC waxay ka caawisaa sidii maxaabiista iyo ehelkooda loo xiriirin lahaa iyada oo la adeegsanayo wicitaano taleefan, “salamats” (farriimo gaagaaban oo afka ah), ama “Farriimaha Laanqayrta Cas.” Hawshan ayaa la qabtaa iyada oo aan loo eegin sababaha xarigga/xabsigooda. ICRC waxay sidoo kale masuuliyiinta ku dhiirrigalisaa in ay fududeeyaan xiriirka qoyska oo ay ku jiraan ogeysiisyada, wicitaannada, iyo booqashooyinka.
8. ICRC ma waxay booqataa xabsiyada oo kaliya?
Maya. ICRC waxay booqataa meelo kala duwan oo ay ku xiranyihiin dad lala xiriiriyay colaadda hubeysan ama rabshadaha iyada oo ay ku xirantahay oggolaanshaha masuuliyiinta ay khuseyso. Arintan waxaa ku jiri kara saldhigyada booliska iyo sidoo kale xabsiyada sirdoonka milatariga.
9. Maxay shaqada xabsigu muhiim u tahay?
Qofku wuxuu mar walba haystaa sharaftiisa/teeda iyo xuquuqaha aasaasiga ah– oo uu xilliga xabsiguna ku jiro. Booqashada xabsiyada iyo wadahadalka qarsoodiga ah ee aan la yeelano masuuliyiinta, ICRC waxay gacan ka geysataa kor u qaadista lamacaamilka bini’aadamnimo, yareysaa dhibaatada, hagaajisaana xaaladaha maxaabiista. Tani waxay saameyn togan ku yeelaneysaa nolosha maxaabiista iyo sidoo kale awoodda ay masuuliyiinta xabsiyadu u leeyihiin in ay waajibaadkooda gutaan.
Ka fiirso inta aadan dadka la wadaagin
Haddii aad la kulanto waxbyaabaha baraha bulshada ku jira oo aad aaminsantahay in ay been ama marin habaabin yihiin, waxaad toos ugu wargelin kartaa cidda ku habboon.
Waxaad sidoo kale gacan ka geysan kartaa in aysan deg-deg u faafin xogta beenta ah adiga oo hubinaya sax ahaanshaha macluumaadka aan la hubin inta aadan dadka kale la wadaagin.

