Hawada sare ee Soomaaliya waxey soo bandhigaysaa muuqaal cajaaib leh: dhulal buluug iyo cagaar isku dheelitiran, iyo dhul beereedyo dahab ah oo baaxad weyn leh, waqooyiga dalka waxaa jira xeebo ciid cad oo ku dhowaad indha ay qabanayaan.

Waxaa jira, si kastaba ha ahaatee, sheekooyinka qoysaska ay weli dib u dhisaya nolashooda sadonkii sano ee la soo dhaafey kadib dagaalo soo noq-noqday, barakac balaran iyo dhibaatooyin dhanka cimilada ah, waxaa jira in ka badan lix milyan oo qof oo dalka ku nool kuwaas oo si deg-deg ah u baahan caawimaad si ay u sii wadaan noloshooda maalin kasta, hadda, iyadoo ay hoos u dhacday kaalmada bini’aadantinimada, cadaadisku wuu sii kordhay, sanadkan, ku dhawaad 200,000 qof ayaa ku barakacay dagaalo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka sida laga soo xigtay tirakoobka ugu dambeeyay ee shabakadda kormeerka iyo Ilaalinta.

Marka laga soo tago dib u dhaca isbedelada yar-yar ayaa xididada u siibanaya, dib u soo noqoshada isku filnaanta. qoysasku waxay dib u soo ceshanayaan dukaamadoodii, waxayna dib dhaqdaan xoolohoodii  yara oo ariga ahaa, waxay soo goosanayaan galley; ku soo noqoshada ganacsigii ay mar ku tiirsanaayeen qaar ka mid ah sheekooyinka adkeysiga waxaa taageeray mashruucyo nololeed oo mustaqbalka fog ah, barnaamijka ay maamusho gudiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas ICRC oo ay ka taageerto qoysaska si ay dib ugu bilaabaan ganacsigoodii iyo si ay u sugaan mustaqbal xasilloon caruurtooda.

Hadafka waa? Soo kabashada hab nololeedka bulshada sida aadka ah u saamaysey.

Jowhara iyo Arigeeda

@ICRC/Abdirahman Abdullahi

Banaanka Waaciye ayay Jowhara Ismaaciil oo 42 jir ah oo dhoola caddaynaysa, iyadoo ku jiidaya xariga ku xiran shanta neef oo ariga ah, horaantii sanadkan, markii daad-gureynta dawladu ay gaartay tuuladeeda Tisjic, oo u dhow jiida hore ee Almiskaat, waxay xir-xirtay nolosheeda iyadoo wadata kaliya wixii iyada iyo sideedeeda carruurta ah ay maamuli karaan, waxay ka tagtay gurigeedii iyo dukaankeedii shaaha oo mar qoyskeeda u suurta geliyey inay sii noolaadaan.

Iyada iyo 299 qoysas ah oo kale oo ka soo kala jeeda Waciye iyo Kalabayr ee gobolka Barri, 1,500 neef oo ari ah oo ay qeybisey ICRC waxay ka dhigan tahay wax ka badan gar-gaar kaliya, waa fursad ay ku kasbadaan, dibna ugu dhistaan noloshooda, isla markaana ay dib u helaan dareen caadi ah oo nololeed guryahooda cusub, iyagoo ka maqan guryahoodii hore.

“Xoolahan waan raacan donaa, waxaan u samayn doonaa  xero yar oo gurigayga ku dhow waana daryeelayaa …marka ay dhalaan, waxaan iibin karaa mid ah si aan u quudiyo carruurta,” dib ayay u faraxday  hooyadan  leh oo sideed carruurta ah leh.

Barnaamijkan xoolaha qeybin oo kaliya ma ahan, waxa uu maalgeliyaa dhisidda awoodda  iyadoo dadka deegaanka lagu tababarayo xirfadaha caafimaadka xoolaha, si ay u bixiyaan adeegyo daryeelka xoolaha oo  tayo leh oo loo  fidinayo xoolo dhaqatada, tan iyo bilowgii sanadkan, 160 shaqaale caafimaadka xoolaha oo bulsho ah ayaa lagu tababaray  Jubada hoose, Bakool, Muqdisho, Galgaduud, Mudug, Nugaal, Bari, Sool, iyo Sanaag, taas oo xaqiijinaysa in adkaysigu uu la socdo dib u kabashada bulshada.

Ganacsiga khudaarta ee Faadumo

@ICRC/Abdikarim Mohamed

Ansalooti, oo ka mid ah suuqyada degmada Xamar Jajab ee Muqdisho ugu waa-weyn uguna mashquulka badan, hawada waxaa laga dareemi karaa cafrata khudaarta cusub iyo codadka gorgortanka,  halkaa, Fadumo Maxamuud, hooyo keligeed ah oo 60 jir ah todoba carruur ahna haysata, ayaa nasoo soo jiidatay sheekooyin ay  dadka reer Muqdisho oo kaliya soo bandhigi karaan, waxay ku qanacsan tahay xoriyadda uu ganacsigeeda khudaarta siiyo, sanad ka hor, ganacsigeedu wuxuu qarka u saarnaa inuu bur buro. kadibna waxay heshay deeq dhan $500.…iyo fursad ay dib ugu dhisato maanta, ganacsigeedu mar kale ayuu si wanaagsan u soo kabtay, iyaduna sidaas oo kale waa haweeney waayo arag ah iyadoo in ka badan 40 sano ku jirtay ganacsi

“Lacagtii aan helay, wax kale kuma kharash gareyn,” ayay noo sheegtay, “waxaan ku maalgashaday ganacsigaygan”

Sheekadu waa mid muujinaysa adkaysi iyo samir, kuna tusaysa sida go’aan-qaadashada iyo dadaalka, marka ay taageerada saxda ah helaan, ay uga bedeli karaan kaliya badbaado una sii gudbi karaan xasillooni. Iyadoo loo marayo habka dhaqaalaha yar  oo sidan oo kale ah, ICRC waxay taageertay sanadkan 2025 in ka badan 1,000 qoys oo ay saameeyeen colaadaha, si ay dib u bilaabaan ama u balaariyaan ganacsiyadoodii  yar-yaraa  ee jiray, iyadoo deeqo lacageed la siinayo, qoysaskani waxa ay ka degan yihiin Cabdicasiis, Marka, Dhoobley, Kismaayo, Baxdo, Baydhabo, Xarardheere, iyo Boosaaso, tani waxay ka caawisaa inay raad ku yeeshaan bulshadooda oo ay gacan ka geystaan ​​dakhliga qoyskooda,  lacagta caddaanka ahi waxay sidoo kale kobcisaa dhaqaalaha deegaanka.

Cismaan iyo mawjadaha rajada

@ICRC/Abdikarim Mohamed

Tuulada fog ee ka tirsan Buruc, Cali Cismaan waa guddoomiye iskaashatada kaluumaysiga ee bulshada, tan iyo markii la aas-aasay 1990 meeyadii, Iskaashatada kaluumaysigu Ambar, oo ka koobnayd 52 xubnood, waxay soo martay duruufo adag, maadaama aysan jirin wadooyin taga tuulada, bulshada waxay ku tiirsanayd  doonyo si ay ula xiriiraan dunida qoysaska badankoodu, baddu u ma aha oo keliya tiir nololeed, balse sidoo kale waa isha dakhligooda, ku dhowaad kala bar dadka tuulada degan waa dad barakacayaal ah oo ay saameeyeen colaadaha sii kordhayey ee waqooyiga dalka tan iyo bilowgii sanadkan, sanadkii 2022, iskaashatadu waxay heshay taageero ay ka mid yihiin doonyo, matooro doonyo, qalab kaluumaysi iyo qaboojiyeyaal si ay u ilaashaan kaluunka ay maalin walba soo qabtaan.

Taageero kaluumaysi oo la mid ah tan ayaa sidoo kale gaartay bulshooyinka kaluumaysatada ee ku teedsan xeebaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Jubbaland, Galmudug iyo Muqdisho. Sannadka 2025, guud ahaan 50 qof oo ku nool Shangaani, gobolka Banaadir, ayaa helay taageero lacageed si ay u iibsadaan qaboojiyeyaal, mashiinka samaynta kaluunka, hilibka, mindi kaluunka, rootiga, Jiko, biraha shaandhaynta baastada, mindiyaha yar yar, gacanogashi iyo weel, iyo sidoo kale tababar ku saabsan xirfadaha ganacsiga iyo qalab dheeraad ah oo ka caawinaya inay la tacaalaan hirarka nololeedkooda.

Liban iyo goosashada hodanka ah ee uu helay

@ICRC/Rahime Adan

Dhulka cagaaran ee bartamaha Soomaaliya wuxuu bixiyaa wax ka badan muuqaal qurux badan waxay quudisaa qoysaska. Liibaan Maxamed oo 35 jir ah kuna nool tuulada Baarey ee Jowhar, beeruhu waa waxa aan weligiis yaqaanay, ilaa intii uu 19 jir ayuu caro dacbanayey. “Dalagyada aan goosto waxaa loo isticmaalaa in lagu quudiyo carruurta,” ayuu xusay. “Haddii loo baahdo, waxaan geeyaa suuqa si aan u iibiyo.”

Bartamihii sanadkan, beerauhu waxay soo celiyeen wax walba, xitaa wax ka badan, wax soo saarka galeyda ayaa ku dhowaad labanlaabmey marka la barbardhigo xilliyadii hore, taasoo u badan xaaladaha cimilada oo fiicnaa.

ICRC waxay taageertaa sadax iskaashatooyin beeralay ee Beledweyne iyo Jowhar iyadoo bixiso tababaro ku saabsan soo saarista abuur tayo leh iyo inay dib u iibsadaan 50% dalagii iskaashatooyinka si ay beeralayda ugu celiyaan xiliyada cusub ee beerashada.

Laga soo bilaabo suuqyada mashquulka badan ee Xamar, dhulalka cagaarka ah ee Jowhar iyo ilaa dhulalka fog ee biyaha buluugga ah ee Buruc, sheekooyinkaani waxay muujinayaan awood la wadaago guud ahaan Soomaaliya, taageerada ICRC waa ka baxsan tahay gargaarka deg-dega ah, waxay ku saabsan tahay aasaaska soo kabashada mustaqbalka fog, ka caawinta qoysaska ay colaadu saameeyeen inay dib u helaan in ay  cagahooda isku taagaan dibna u dhistaan ​​noloshooda.

Taageerada Dhaqaalaha ee Tirakoob ahaan.

  • Horumarinta dhaqaalaha yaryar: 1,093 qof oo ah dad wax dhibaato gaartay ayaa la taageeray iyagoo la siiyey deeq ganacsi si ay ganacsigooda u bilaabaan ama u kobciyaan.
  • Isku bedelka hantida: 300 qoys oo ku nool waqooyiga ayaa la siiyay 1,500 ari’ (5 ari’ qoyskiiba).
  • Kaluumaysiga: 50 qof ayaa la tababaray lana siiyay qalab.
  • Shinida: 100 qof ayaa la taageeray.
  • Shaqaalaha caafimaadka xoolaha ee bulshada: 160 qofood ayaa la tababaray si ay u bixiyaan adeegyada caafimaadka xoolaha oo tayo leh.
  • Iskaashato beeraha: 3 iskaashato oo Beletweyne iyo Jowhar ah ayaa la taageeray. Guud ahaan, iskaashatooyinka waxay taageeraan 250 beeralay ah.
  • Taageerada daaqa xoolaha: 45 qoys ayaa la taageeray.