Shan sano ka hor ayey noloshu is bedeshay Muriid Mukhtaar Cali. Markii uu 23 jir ahaa,

Muktaar ayaa labadiisa lugood ku waayay qarax gaari oo ka dhacay degmada Balcad ee  Shabeellada Dhexe. In aad noqoto qof labada lugood laga gooyay – da’da noocaas ah waxay burburin kartaa rajada. Mustaqbalku wuxuu noqdaa mugdi, Muktaarna kama aysan reebin.

“Ma aanan doonayn in aan lugahayga  waayo,” ayuu yiri. “Waxaan ku laalaabanayey isbitaallo ilaa aan waayey xal kale oo aan ka ahayn in la iga gooyo.”

Muddo sannad ah ka dib markii uu lugihiisa waayay Muktaar wuxuu ku aruuray kursiga curyaanka, kaas oo uu dareemay in uu yahay waxa xadidaya. Taasi waxay ahayd ilaa uu ka helay daweyn fiiso-tarabiyo iyo lugo macmal ah, taas oo dib-ugu soo celisay nolol iyo firfircooni sababna u noqotay in uu dib- u-soo noolaado.

Iyadoo sanadka 2024 uu dhammaad yahay, Muktaar waxa uu hadda ganacsi bulaalaya ku haystaa suuq Bacaad oo ku yaalla bartamaha mashquulka badan ee Muqdisho. Bishii Sebteembar ayuu guursaday wuuna ku faraxsanyahay reerka u dhisan. Asagoo gaaray go’aan adag, Muktaar waxaa uu aqbalay noloshiisa cusub.

“Waxaan isku arkaa in aan la mid ahay kuwa kale amaba aan ka fiicanahay,” ayuu yiri.

Suuqa dhexdiisa, Mukhtaar waa ganacsade kale oo aan laga garan karin mulkiilaha dukaanka xiga. In yar baa ka warqabta caqabadaha dhaqdhaqaaqiisa. Si kalsooni leh, ayuu nolol maalmeedkiisa ku soo saartaa shaqo adag, wuxuuna kasbaday macaamiil daacad ah.

“Waxaan doortay inaan la dukaameysto sababta oo ah wuxuu heystaa alaabo tayo leh – waana qof firfircoon,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Geesey oo ka mid ah macaamiishiisa daacadda ah.

Muhktaar wuxuu si joogto ah u booqdaa xarunta dhaqan-celinta jirka ee Muqdisho oo uu maamulo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Wuxuu baaritaanno joogto ah iyo in rakibaadyo loogu sameeyo addimada macmalka ah u aada xarunta.

Guddiga Caalamiga  ee Laanqayrta Cas (ICRC) wuxuu taageeraa xarunta Muqdisho oo ay weheliyaan laba xarumood oo kale oo dhaqan-celinta jirka ah oo uu sidoo kale maamulo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) – mid  wuxuu ku yaala Gaalkacyo midka  kalana  Hargeysa.

“Xarunta dhaqan-celinta jirka waxay soo saartaa 20 ilaa 30″Xarunta dhaqan-celinta naafada waxay soo saartaa 20 ilaa 30 addimada macmalka ah bishiiba waxayna soo dhawaysaa 35 bukaan oo ay fiiso-tarabiyo ah u sameyso maalin kasta, iyadoo ka caawinaysa in ay dib-u-helaan dhaq-dhaqaaqooda, sharaftoodii, iyo dhoola cadeyntooda,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ICRC-da  Soomaaliya, mar uu dhawaan booqday xarunta oo ku taala Muqdisho.

Laga soo bilaabo Janaayo 2024, saddexda xarumood waxay si wadajir ah u gaareen:

  • 2,454 oo ah agabka xubnaha jirka kaalmeeya oo ay ka mid yihiin adimada macmalka ah iyo qalabka xubnaha jirka lagu xoojiyo ayaa la bixiyay.
  • 249 oo ah kuraasta naafada ayaa la bixiyay.
  • 289 oo caruur ah ayaa loo diiwaangaliyay daweynta Caga Qallooca.
  • 29 qof ayaa Muqdisho lagu siiyay tababarka xirfadaha.