Sanadkan, innaga oo xuseyna sanad-guuradii 75-aad ee Axdiyada Jineefa, waxaan dib-u- milicsaneynaa dhaxalka ay wadaageen ICRC iyo Soomaaliya—oo ah iskaashi ku dhisan adkeysi iyo naxariis. Maanta, iyada oo in ka badan 300 oo shaqaale ah ay ka shaqeeyaan 12 xafiis, ayey ICRC-du sii waddaa howsheeda ah in ay yareyso dhibaatada colaadda hubeysan, iyada oo ka jawaabeysa dhibaatooyinka deg-degga ah iyo baahiyha mudada fog ee Soomaaliya oo dhan.
Sawirradani waxa ay dib-u- raacayaan taariikhda ICRC ee Soomaaliya, laga billaabo howsheedii ugu horreysay ee la diiwaangaliyay intii uu socday dagaalkii labaad (II) ee Adduunka ee sanadkii 1942 ilaa howsheeda xoogan ee bini’aadamnimo ee maanta. Waxay muujinayaan waqtiyo adag iyo kuwo rajo leh oo taariikhda Soomaaliya ah, iyada oo ay ICRC-du garab taagneyd bulshooyinka xilliyada colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Laga bilaabo caawinta dhibaneyaasha dagaalka ilaa bixinta kaalmada muhiimka ah xilliyada abaaraha ba’an, oo ay ku jirto maclauushii dhacday sanadkii 2011, go’aanka ICRC ee ku aadan horumarinta bini’aadamnimada iyo xeerarka dagaalka ayaa wali rajo ku abuuraya malaayiin ku nool Soomaaliya.
Howlihii ugu Horeeyay ee ICRC
Taariikhda ICRC ee Soomaaliya waxay soo bilaabatay sanadkii 1942, intii uu socday dagaalkii labaad II ee Adduunka, markaa oo ay hay’addu taageertay maxaabiis dagaal oo Talyaani ah iyo dad rayid ah oo colaadda ku barakacay. Sawirkan ayaa ka tarjumaya qeyb ka mid ah dhaxalkii gumeystaha Soomaaliya oo muujinaya ciyaar dhanka feerka ah oo u dhaxeysa dad Talyaani ah oo lagu qabtay xero ay ku jiraan dad rayid ah oo ku taala magaalada Muqdisho. Saameynta Talyaaniga ayaa wali ka muuqata nolosha Soomaaliya maanta, laga bilaabo luuqadda Talyaaniga oo ay wali ku hadlaan qaar ka mid ah dadka Soomaalida iyo jaceylka ay wadaagaan Soomaalida iyo talyaaniga ee baastada iyo cuntooyinka kale ee maxalliga noqday. Sawirku waxa uu ina xasuusinayaa waayihii hore ee saldhigay ee Muqdisho iyo raadadka dhaqameed ee mudada jira ee qaabeeya waqtiga ay hadda joogto.
Rajada Nololeed ee Dhibaneyaasha
Ka dib dagaalkii Ogaadeeniya ee sanadihii (1977 – 1978), ICRC-du waxay Soomaaliya ka sameysay xarun dhaqan celinta jirka ah si dadka ay dhibaatadu gaartay loo siiyo daryeel caafimaad iyo daweyn jireed . Xarunta ayaa nolol siisay kumanaan dagaalka ku dhaawacmay.
Maanta, ICRC-du waxay taageertaa sadex xarumaha dhaqan celinta jirka ah oo uu maamulo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo gudaha looga yaqaano Bisha Cas xarumahaas oo ku yaala Muqdisho, Hargeysa, iyo Gaalkacyo. Sanadka 2023, xarumahan ayaa qaabilay in ka badan 38,450 qof oo loo sameeyay kulamada daweynta fiiso-tarabiyada.
Colaadda Sokeeye
Ilaalinta Karaamada Dadka Dhintay
Dagaalka sokeeye waxa uu keenay rabshado ba’an, iyada oo ay ku dhinteen kumanaan qof malaayiin kalena ku barakaceen, taa oo keentay in qoysas aan tiro laheyni u baahdaan kaalmo. Hubinta in si sharaf leh loo maareeyo dadka dhintay ayaa tiir dhexaad u aheyd shaqada ICRC-da Soomaaliya, iyada oo in si xurmo leh loo maareeyo meydka bini’aadamka ay hoos u dhigeyso in dadka la waayo sidoo kalena ay saameyn lixaad leh ku yeelaneyso caafimaadka maskaxeed ee dadka rabshadaha ka badbaaday iyo bulshadaba. ICRC-du waxay sii waddaa in ay sida meydka bini’aadamka loo maareeyo ku tababarto jawaab celiyeyaasha koowaad, shaqaalaha caafimaadka, iyo kuwa hubka sida Soomaaliya oo dhan, arintan oo dhiirrigalineysa dhaqamada xurmeynaya kuwa dhintay taageerayana bogsashada kuwa nool. Sanadkii la soo dhaafay, ICRC-du waxay taageero aad u muhiim ah ka geysatay soo helitaanka iyo aqoonsiga kuwa lagu dilay intii ay colaadda hubeysani Laas Caanood ka socotay.
Booqashadii Xilliga Dhibaatada
Iyada oo ay sii kordhayaan dagaallada sokeeye iyo dhibaatooyinka bini’aadamnimo ee sii xumaanaya, ayaa waxa dalka booqasho ku yimid madaxweynihii ICRC Cornelio Sommaruga si uu indhihiisa ugu arko dhibaatooyinka ay qoysaska Soomaaliyeed la daalaadhacayaan. Isaga oo ahaa madaxweynaha ICRC ee sanadihii 1987 ilaa 1999, ayaa Sommaruga waxaa lagu yaqaanay go’aankiisa hagar la-aaneed ee ku aadan mabaadi’ida bini’aadamnimo. Booqashadiisa ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay Laanqeyrta Cas uga go’antahay in ay taageerto malaayiinta qof ee Soomaaliya ku sugan ee u baahan kaalmo deg-deg ah.
Waxa xusid mudan, in booqashadii Sommaruga ay ku soo aaday dhacdadii caan baxday ee “Black Hawk Down” ee dhacday sanadkii 1993, markaa oo helicopter ay ciidamada Mareykanku leeyihiin la soo riday, taa oo keenta in ay kooxo hubeysani gacanta ku dhigaan wadahii helicopter-ka oo la dhihi jiray Mike Durant. ICRC-du waxay booqatay Durant intii lagu jiray 11-kii maalmood ee uu afduubnaa—taa oo tusaale marag ma doonto ah u ah doorka bini-aadamnimo ee gaarka ee hey’adda, xitaa inta lagu jiro xaaladaha qallafsan ee colaadda. Mudadan ayaa si aad ah loogu qaadaadhigay qoraallada Mark Bowden iyada oo uu sidoo kalena film u badalay Ridley Scott, isaga oo muujinaya caqabadaha aadka u daran ee hareeyay mudadaas.
Maxaabiista Guryo-noqoneysa
Maadaama ay tahay hey’ad dhexdhexaad ah, ICRC waxay muddo fog fududeyneysay siideynta iyo dib-u- celinta maxaabiista ku xiran Soomaaliya. Doorkan ayaa muhiim u ahaa intii ay socotay dib-u- soo celinta maxaabiista dagaalka ee dgaalkii Ogaadeeniya sanadkii 1988, siideynta maxaabiista intii uu socday dagaalka sokeeye, iyo sanadkii 2019-ka oo isku mar la siidaayay maxaabiis ay kala heysteen Puntlan iyo Somaliland. Sanadkii la soo dhaafay, ICRC waxay fududeysay daabulaadda laba maxbuus oo dhaawac ah oo laga sii daayay Laas Caanood iyaga oo qoysaskooda loogu geeyay magaalada Hargeysa.
Sawirkan waxaa ka muuqda amintii magaalada Muqdisho, halkaa oo maxaabiis hore, oo dhawaan la siidaayay,ay mutadawiciin ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed gaarsiinayaan busteyaal, dhar, iyo saabuun ka hor intaysan raacin diyaarad ay ICRC kireysay si ay guryahoodii ugu noqdaan.
“Markii ay maxaabiista dagaalku ugu danbeyn arkeen diyaaradda, oo ay kor u fuuleen, markaa ayey farxad iyo rayn-rayni wajiyadooda hareysay. Waxa ay aheyd wax aan la qiyaasi karin —dad, lagu heysto dal kale, oo si kadis ah fursad ugu helay in ay dalkoodii aadaan. Waxay ku socdeen jaranjarada diyaaradda, iyaga oo dhunkaday dhulka,” ayey Judy Owen oo ah kalkaaliso hore oo ICRC ah ku xustay khibradeeda intii ay siideyntu socotay.
Codka Dadka la La’yahay
Sawirkan, qof dumar ah ayaa hubineysa liiska dadka Farriimaha Laanqeyrta Cas (RCMs) ay ku sugayaan magaalada Muqadisho. Adeegga RCM waxa uu halbowle u ahaa qoysaska ku kala lumay colaadda, adeegan oo siinaya hab ay ku xiriiraan markii shabakadihii caadiga ahaa ee boostada iyo taleefanadu ay burbureen. Wixii ka danbeeyay dagaalladii sokeeye ee qalalaasaha watay, magacyada dadka xubnaha qoysaskooda farriimaha ka helay ayaa lagu daabacay darbiyada, taa oo ay ugu wacantahay dadaallada iskaashi ee ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Mashruucan ayaa rajo soo iftiintay noqday, isaga oo qoysaska u ogolaaday in ogaadaan halka ay ku danbeeyeen kuwii ay jeclaayeen ee la la’yahay.
ICRC-du waxay sidoo kale la kaashatay BBC-da Soomaaliya si ay u baahiso magacyada dadka la la la’yahay iyada oo loo marayo mashruuca Baafinta, oo ah barnaamij shaqeynayay tobanaan sano, barnaamijkan oo culeyska ka yareynaya qoysas aan tiro laheyn. Maanta, ICRC iyo SRCS waxay sii wadaan dadaalladan aadka muhiimka u ah, iyaga oo qoysaska ku caawinaya in ay dib-u xiriiraan iyada oo ay caqabado jiraan, Kaliya sanadka 2023, in ka badan 90,000 oo ah farriimaha Laanqeyrta Cas ayaa la isdhaafsaday, iyada oo sidoo kalena in ka badan 160,000 wicitaano bilaasha ahna la siiyay qoysaska.
Dhibaatada El Niño
Muqaal xagga sare ah tuulo daad qaaday oo ku taala Juba. El Niño-yadii 1997 ayaa daadad ba’an ku keentay dooxada Juba ee Soomaaliya, iyada oo guryihii daadka raacsiisay, xoolihii qarqisay, sidoo kalena dalagii baabi’isay. Kumanaan qof ayaa ku barakacay, taa oo uga sii dartay muqaalka bini’aadamnimo oo markii horeba liitay ka dib dagaallada sokeeye. Dhacdooyinka cimillada daran ayaa aad u soo noqnoqday, iyada oo ay qoysaska Soomaalidu dhexda u galeen saameynta isbiirsatay ee cimillada aadka u xun iyo colaadda socota, taa oo soo kabashada ka dhigeysa mid aad u sii adkaaneysa.
Sanadkii 2023, ka dib mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara taariikhda, dalka waxaa ku dhuftay musiibadii daadadka, taa oo saameysay 2.5 malyan oo qof , ayna ku barakaceen 1.2 malyan, sidoo kalena ay ku dhinteen 119 qof. ICRC waxaa wali ka go’an in ay taageerto qoysaska xilliyada ay ku jiraan dhibaatooyinka nuucan ah, iyada oo siisa kaalmo isugu jirta lacago iyo cunto deg-deg ah si loogu caawiyo in ay la qabsadaan isbadallada deg-degga ah ee badanaaba daran ee soo mara duruufahooda nololeed.
Abaarta Ba’an
Sanadkii 2006-da, Somaaliya waxaa soo wajahay abaar ba’an, iyada oo heerkulka uu gaaray ilaa 50°C, taa oo ka dhigtay badbaadada dadka iyo xoolahaba mi aad u adag. Iyada oo ka jawaabeysa xaaladda, ayey ICRC-du xoojisay dadaallada lagu hagaajinayo helitaanka biyaha ee bulshada ay dhibbatadu gaartay,iyada oo dayactirtay daraasiin ceelal ah, ceel gacmeedyo, iyo meelaha lagu keydiyo biyaha roobka. Biyo dhaaminta ayaa noqotay mid aad muhiim ah, iyada oo biyaha laga keenay ceelal ku yaala meelo ay ka mid yihiin Waajid, gobolka Bakool, iyada oo loo daabulay dadka u baahan. Sawirkani waxa uu muujinayaa mid ka mid ah booyadaha oo buuxinaya taangiga biyaha si loogu geeyo biyo ay baahi weyn u qabaan bulshada ku dhaqan Bakool.
U helidda biyo nadiif ah bulshooyinka ay colaadda hubeysan iyo dhibaatooyinka cimilladu saameeyeen ayaa wali gundhig u ah howlaha ay ICRC Soomaaliya ka heyso. Sanadkii 2023, in ka badan 400,000 ayaa biyo ammaan ah oo la cabi karo ka helay 52 goobood oo biyaha bixiya oo ay dhistay ama dayactirtay ICRC, iyada oo ujeedku yahay in bulshooyinka lagu caawiyo in ay dhibaatooyinka adkeysi u yeeshaan oo ay dib-u- dhis sameeyaan.
Dal ay Macaluuli ku Habsaty
Sanadkii 2011-ka, Soomaliya waxaa ku habsaday macaluul aad u daran, iyada oo ay dhibaatada ugu badani caruurta soo gaartay, maadaama ay heerka nafaqo-xumidu cirka isku shareertay. Sanado abaar iyo colaad ah ayaa bulshada ka mariyay wixii ay hanti lahaayeen, taa oo keentay in ay kumanaan caruur ahi si daran ugu nuglaadaan macaluul. Maanta, saameynta isbiirsatay ee isbadalka cimillada iyo colaadda hubeysan ayaa wali caqabad ku ah awoodda ay qoysasku u leeyihiin in helaan wax ay cunaan, taa oo horseedeysa naqo-xumo joogto ah.
Waxaa jira, si kastaba ha ahaatee, rajo soo ifeysa: ICRC waxa ay maamushaa xarunta dajinta xaaladda bukaannada oo ku taala magaalada Kismaayo iyada sidoo kalena taageereysay xarun iyada oo kale ah oo ku taala magaalada Baydhabo. Labada xarumoodba waxay caruuta 5ta sano ka yar ee ka cabanaya nafaqo-xumida iyo dhibaatooyinka la xiriira siiyaan taageero naf badbaadin ah. Waxaa intaa dheer, ICRC waxay taageertaa 16 xarun caafimaad oo ay leedahay SRCS oo daryeel dhanka nafaqada ah siiya hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliya oo dhan. Sanadkii 2023, xarumahani waxay u adeegeen in ka badan 40,000 oo caruur ah iyo 14,000 oo ah hooyooyin uur leh iyo kuwo nuujinaya, iyaga oo siiyay cuntooyinka aasaasiga si looga hortagayo nafaqo-xumada. Sawirka, oo la qaaday sanadkii 2011, ayaa muujinaya kalkaaliso kaga qaadeysa ilmo yar cabirka wareegga sare ee gacanta (MUAC), oo ah cabir caruurta laga qaado, xarun caafimaad oo ay maamusho SRCS oo ku taala Xarfo, Gobolka Mudug.
Karaamada Maxaabiista
Booqashada dadka xorriyaddooda laga qaaday ayaa muddo dheer udub dhexaad u aheyd howlaha ICRC. Booqashadii ugu horeysay oo ay ICRC xabsiyada ku tagtay waxa ay dhacday intii lagu jiray dagaalkii koowaad ee Adduunka WWI (1914-1918), markaa oo ay ergo ka socota ICRC booqdeen maxaabiista dagaalka ee Galbeedka Romania iyo Serbia. Ilaa markaa, waxay hey’addu taageereysay maxaabiista Adduunka oo dhan—laga bilaabo kumanaan maxaabiis ah oo la xiray intii ay socdeen dagaalladii Adduunka ilaa laga soo gaaro Nelson Mandela intii uu xabsiga ku jiray.
Soomaaliya, ICRC-du waxay leedahay taariikh 38 sano ah oo ay booqaneysay maxaabiis, iyada oo ka soo bilowday maxabiistii intii uu socday dagaalkii Ogaadeeniya oo socday intii u dhaxeysay sanadihii 1977 iyo 1988, iyo, ilaa sanadkii 2012, iyada oo taageereysa maxaabiista ku xiran xabsiyada dhexe, saldhigyada booliska, iyo xarumaha amniga ee dowladda. Maanta, ICRC waxay si joogto ah u booqataa 15 xabsi oo Soomaaliya oo dhan ah, iyada oo ka shqeyneysa sidii ay u hubin laheyd in maxaabiista loola dhaqmo si ay bini’aadamnimo iyo Sharafi ku dheehantahay. Hey’addu waxay sidoo kale horumarisaa xiriirka qoyska, iyada oo qoysaska awood u siisa in ay ka war helaan halka ay ku danbeeyaan kuwii ay jeclaayeen oo ay booqdaan marka ay suurogaltahay. Inta lagu jiro bisha Ramadaan, cunto qeybinta ICRC-da waxa ay noqotay caado sanadle ah, oo maxaabiista u ogolaaneysa in ay bisha barakeysan ee Ramadaan sharaf ku soomaan. Sawirka ayaa muujinaya maxbuus ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
14-ka Oktoobar
Qarax gaari xamuul ah oo ka dhacay isgows mashquul badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, ayaa galaaftay nolosha in ka badan 500 oo qof, oo ay ku jiraan afar ka tirsan mutadawiciinta SRCS. Nabarrada laga dhaxlay weerarka ayaa wali lagu arkaa lagana dareemaa caasimadda Soomaaliya. Maanta isgowska, oo markii hore la dhihi jiray Zoobe, ayaa hadda loo yaqaanaa isgowska 14-ka Oktoobar, iyada oo taalo lagu asteeyay goobtii uu bamku dhismayaasha ku baabi’iyay dad badana uu naftooda ku galaaftay.
Dhacdadan ka dib, ICRC oo kaashaneysa SRCS ayaa deg-deg xaaladda uga jawaabtay, iyada oo goobta ku bixisay gargaarka deg-degga ah, adeegga aambalaasta, isbitaallada dalkana ugu deeqday agab caafimaad iyo bacaha meydka lagu asturo. Isbitaallada ay ICRC-du taageerto ee Madina iyo Keysaney oo Muqdisho ku yaala ayaa ka mid ahaa xarumaha caaafimaad ee dhaawaca lagu daweynayay.
ICRC ayaa wali wadda in ay isbitaallada iyo awoodooda qaliin ku taageerto tababar iyo qalab caafimaad. Waxay sidoo kale ku taageertaa kooxaha aambalaasta ee SRCS ee magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas Caanood, barnaamijkeeda Gargaarkadeg-degga ah iyo daryeelka deg-degga ah ee isbitaalka ka hor. Sanadkii 2023, in ka badan 2,000 oo bukaan oo qaba dhaawacyo hub ah ayaa lagu daweeyay isbitaalo ay taageerto ICRC, kuwaa oo qaar ka mid ah kooxaha aambalaasta SRCS ay xarumaha caafimaad u daabuleen.
Cudur Faafa oo ku Dhuftay Dalka
Markii COVID-19 uu ku dhuftay, —Soomaaliya markii horeba la taacaaleysay caqabadaha daryeelka caafimaadka oo ay keeneen colaadda iyo isbadalka cimillada—ayaa la kulantay hubanti la’aan kale oo hor leh. ICRC-da, oo kaashaneysa isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka SRCS, ayaa deg-deg uga shaqeysay sidii loo dhaqangalin lahaa tallaabooyinka ka hortagga, iyada oo si baaxad leh u qeybineysa agabka nadaafadda si looga hortago in uu caabuqu ku faafo bulshooyinka kala duwan.
Si loo taageero maxaabiista agabka nadaafadda ayaa loo qeybiyay 24 xabsi, oo ay ku jiraan xabsiyada dhexe ee Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Garoowe, iyo Hargeysa. Shaqaalaha xabsiga ee xarumahan ayaa helay tababar ku saabsan ka hortagga COVID-19, iyada oo la siiyay aqoon ay ku ilaaliyaan shaqaalaha iyo maxaabiista labadaba. Sawirkan ayaa muujinaya Xabsiga dhexe ee Baydhaba, halkaa oo masuuliyiinta xabsiga looga warbixiyay tallaabooyinka aasaasiga ah ee caafimaadka ee lagu yareynayo saameynta cudurka ee gudaha xabsiga, iyada oo la hubinayo caafimaadka iyo badqabka kuwa dalka ugu nugul.
Dagaalka Laas Caanood
Dagaal aad u qaraar oo Laas Caanood ka qarxay sanadkii hore ayaa sababay dhimashada in ka badan 150 qof iyada oo ay ku barakaceen boqolaal kun. Markii ay rabshaduhu cirka isku shareereen, kooxaha aambalaasta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS)ayaa soo tabiyay sare ukac sadex jibaaran oo ku yimid bukaannada qaba dhaawacyada hubka marka loo barbardhigo sandkii ka horeeyay. Iyada oo xaaladda ka jawaabeysa, ayey ICRC si deg-deg ah ugu dirtay agabka qaliimada lix isbitaal oo ku taala Laas Caanood iyo deegaannada ku dhow, iyada oo bixisay qalab ku filan in lagu daweeyo 400 oo qof.
Maadaama ay aheyd hey’adii gargaar ee ugu horeysay ee gaarta Laas Caanood, nidaamka dhexdhexaadnimada iyo eex la-aanta ee ICRC ayaa u suurogaliyay in ay gargaar aad muhiim u ahaa ku bixiso aagan ay xaaldiisu aad isku badbadaleyso. Sharciga caalamiga ah ee bini-aadamnimada (IHL) ayaa hoosta ka xariiqayaa muhiimadda uu gaaritaan bini-aadamnimo oo aan caqabad laheyn u leeyahay dhinacyada ka shaqeeya gargaarka si ay u caawiyaan kuwa ay colaaddu saameysay. Maanta, ICRC waxa ay wali waddaa in ay taageerto qoysaska ku dhaqan Laas Caanood, iyada wax ka qabaneysa baahiyah bini-aadamnimo oo sidoo kalena maxabiista ku booqaneysa Hargeysa iyo Laas Caanood, iyada oo muujineysa sida ay uga go’antahay in ay ilaaliso oo ay caawiso kuwa ay colaadda hubeysani saameysay.