2,500 oo qoys oo ku nool xerooyinka barakacayaasha ee Cismaan Quule, Janaale, Buufoow Bacaad, iyo Gandaawe oo ka tirsan degmada Marka, ayaa helay 110 oo ah gargaar ka kooban walxaha daruuriga ah, oo ay ku jiraan cunto, teendhooyin, saliyaal, baaldiyaal, maro kaneeco, iyo qlabka nadaafadda: saabuun iyo agabka nadaafadda dumarka.
Tuulooyinka fog fog, ayaa wajahaya gabaabsi ba’an oo ah dhanka alaabta muhiimka ah mana heystaan suuqyo maxalli ah. Marka gargaarka laga tago, mutadawiciinta SRCS ayaa waxa ay qabteen kulamo nadafaadda ku saabsan. Si xaaladda wax looga qabto, kulamadan ayaa ujeeedkoodu yahay in lagu caawiyo dadka deegaanka sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen cudurrada biyaha ka dhasha ee laga cabsi qabo in ay faafaan daadadka ka dib, gobol ay biyaha nadiifka ahi naadir ka yihiin caqabadaha nadaafaduna ay baahsanyihiin.
Inkasta oo ay caqabado dhanka farsamada ah ka jireen gaaritaanka xeryaha meelaha fog fog ku yaala, SRCS, Laanqeyrta Cas ee Denmark iyo ICRC, waxay ku guuleysteen in ay gargaar gaarsiiyaan kuwa ugu baahida badan, iyaga oo hubinaya in xitaa bulshooyinka fog fog aanan la hilmaamin.
Gaaritaanka bini’aadamnimo ee qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa wali caqabad ah. 110 tan oo gargaar ah ayaa Marka, Shabeellada Hoose doon lagu keenay. Mutadawiciintu waxay ku khasbanyihiin in ay dajiyaan xirmooyinka gargaarka oo ay xeebta geeyaan. @Ismail Taxta
Xirmooyinka ayaa lagu rarayaa gaari xamuul ah si loogu geeyo xerooyinka barakacayaasha ee Cismaan Quule, Janaale, Buufoow Bacaad, Gandaawe,Buulocadaad,iyo Tuulada Golweyn ee degmada Marka. @Ismail Taxta
Mutadawac ka tirsan SRCS ayaa dajinaya alaab muhiim ah oo la gaarsiiyay tuulooyin ay go’doomiyeen colaado iyo fatahaado dhawaan dhacay. Bokis kasta waxa uu ka koobanyahay cunto, teendhooyin, maro kaneeco, saliyaal, baaldiyaal, garaafooyin, dhowr xabo oo saabuun ah. @Ismail Taxta
Rajo u soo iftiintay dumarka iyo hooyooyinka Shabeellada Hoose. Gargaarka ayaa ku soo aaday xilli aad muhiim u ah, arintan oo siineysa dumarka iyo hooyooyinka fursad ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka cimillada, iyada oo ay colaado gobolka ka jiraan. @Ismail Taxta
Khadiijo iyo qoyskeeda oo ay colaaduhu barakiciyeen, ayaa lugeynayay 60km si ay gabbaad u helaan. ‘Waxaan halkan joognaa muddo sanad ah hadda,’ ayey Khadiijo tiri. ‘Waxaan ku khasbanaanay in aan wax walba ka soo tagno dagaalka dartiis. Hadda, waxaan ka shaqeynaa beeraha si aan u noolaano. @Ismail Taxta
Cismaan Yarow, oo 92 jir ah, ayaa ka mid ahaa dadka imaaday xeryaha. Sida uu Cismaan sheegay, iskudhacyada hubeysan ayey dhibaato darani ka soo gaartay dadka aan wali xeryaha soo gaarin. @Ismail Taxta
Xabiibo Huseen waxa ay Qoryooley uga qaxday dagaal beeleedyo soo noqnoqday, iyada oo baadigoob ugu jirta halkii ay nafteeda iyo tan caruurteeda ku badbaadin laheyd. “Waxaan ka soo tagnay gurigeenii, dhulkeenii, iyo hab-nololeedkeenii.” ayey tiri. @Ismail Taxta
Haween iyo gabdho ayaa helay agabka nadaafadda dumarka oo qeyb ka ah xirmooyinka nadaafadda, arintan oo wax looga qabanayo baahiyaha caafimaad ee aasaasiga ah inta ay dhibaatadu jirto. @Ismail Taxta
SRCS oo hogaamineysa kulamada nadaafadda, iyaga oo qoysaska baraya sida looga hortago faafitaanka cudurrada biyaha ka dhasha daadadka ka dib. Tusaaleyaal ku saabsan farsamooyinka habboon ee gacmo-dhaqashada ayaa laga helaa casharro muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta caafimaadka. @Ismail Taxta