Dr. Axmed Maxamed loona yaqaan Dr. Taajir ayaa sannadkii 1992dii shaqo ka bilaabay Isbitaalka Keysaney, sannad ka dib dhicidii maamulkii siyaad Barre oo soo dedejiyey in xaalad colaad sokeye ay ka dhacdo Soomaaliya . Isbitaalka Muqdisho waxaa maamula Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed wuxuuna kaalmeeyey tobannaan kumanaan bukaan ku dhaawacmay colaada hubeysan. Saddex iyo labaatankii sano Dr. Taajir oo hadda 56 jir ah ayaa noqday madaxa qalliinka waxaan, isbitaalkana caam ayuu ku noqday.

Dagaalka joogtada noqday bartamihii sagaashameeyadii ayaa yaraadeen laakinse waxaa weli colaad ka jirta meelo Soomaaliya ka mid ah. Tani waxaa ka mid ah weeraro hubeysan oo mar mar dhaca iyo weerar bambooyin oo baabuur loo adeegsado gudaha Muqdisho inta badan dhibanayaasha lagu daweeyo Keysaney.

Xushmeynta 8da Maay, Maalinta Laanqeyrta Cas ee Dunida, Dr. Taajir ayaa waqti inoo huray si wax noogu sheego arrimihiisa:

S: Sidee baad ku noqotay dhakhtar qalliin?

Keysane Hospital

Isbitaalka Keysaney, Muqdisho © ICRC/Pedram Yazdi

J: Anigoo wiil da’yar ah ayaan jeclaa in aan noqdo kan ugu weyn. Anigoo ku dhashay qor reer miyi ah, waalidiinteyda xiiso ee u hayn waxbarasho. Ma ayan siin jirin ahmiyad. Waqti mudan in la xusuusto ee sannooyinkii caruurnimadeydii ayaa waxaan isbitaal ku booqday qaraabo la il daran dhaawac rasaas. Inkastoo dhakhtarka sameeyey dadaal badan qfkii dhaawaca ayuu u dhintay. Sheekadan murugada leh ayaa igu dhiirigelisay in aan barto daawada. Waxaan go’aansaday in aan noqdo dhakhtar fiicanoo dhanka qalliinka nololna aad badbaadsho. Soomaaliya waxay u baahatay dhakhaatiir aqoon u leh dadka iyo dhaqanka.

S: Labaatan sano oo shaqo waa muddo dheer. Maxaa kugu xambaaray in aad sii wado?

J:  Weerarada iyo qaraxyada iska dabadhaca oo ka dhaca Soomaaliya ayaa dhaawac u geystay kumanaan dad ah kuwaas oo u baahday waxqabad deg deg ah ee dhanka daaweyta. Waxaa yaraa dhakhaatiirta caafimaadka waxaan doortay in aan joogo una adeego bulshada. Waxaa igu sii waday arrinta wejiyada bukaanada imaanaya Isbitaalka Keysaney, waxa iga dhigeen nin ad adag hadana isha aan ku hayo anigoo raba in aan ka qeyb qaato in noloshooda wax laga bedelo.

S: Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed muddo 23 sano ayaa taageeraysay isbitaalka. Sidee baad u aragtaa?

J: Sannooyinkan badan o isbitaalka ka shaqeynayey waxaa in badan dareemaya in aan ka mid ahay shaqaalaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) marka wax kaleba laga soot ago. Ururka ujeedadiisu waa in uu yareeyo dhibka haysta dadka iyagoo la siinayo daryeel caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed wuxuu suurtageliyey in isbitaalka si madaxbannaan u shaqeeyo una adeegaya dhammaan bulshooyinka iyadoon loo eegeyn qabiilkooda, diintooda ama siyaasada ay raacsanyihiin.

S: Sidee baad isu dheelitirtaa nolosha qoyska shaqadaada mashquulka badan?

J: Qoyskeygu way igu caawiyaan shaqada aan qabto. Gadaal ayey iga taaganyihiin 25ka sano ee la soo dhaafay, guul kasta la ii sababeeyo waxa ka timid taageerada dhankooda. Marka isbitaalka aan joogo waxaan ahay dhakhtar, marka guriga joogana waxaan ahay aabe, adeer iyo qof xaasle ah.

S: Maxaa sharaf kuu ah inta badan sannooyinkan?

J: Waxaan hayaa dhawr sheekooyin guulo ah lana xiriirta bukaanada laakinse mid inta badan I dhaqaajisay ayaa aheyd in aan badbaadiyey nolosha haweeney xaamilo aheyd taa oo qabtay dhaawac rasaas dhanka dhexda ah, canuga caloosha ku siday lama badbaadin Karin nasiib wanaag hooyada way badbaaday waxayna mar labaad heshay fursad nolol. Maanta waxay ka shaqeystaa dukaan magaalada ku yaalo, markaan arko ayadoo si firfircoon u qabsaneysaa hawlmaalmeedkeeda waan beerjilcaa.

S: Ammaanka oo isna arrin ah,side buu ku shaqeeyey iyadoo jirto cabsi weeraro joogto ah?

J: Dhif ayaan aragnaa dhacdooyin ka dhaca isbitaalka maadaama aan nahay dhexdhexaad iyo kuwo dhinacna aan raacsaneyn. Waxaan halkaan u joognaa in aan gargaar daawo siino kuwa u baahan iyadoon loo eegeynin meelaha xiriirka soke ay la leeyihiin.  Xaaladan ayaa noo suurtagelisay in aan sii shaqeyno iyadoo jirto xaalada. Qofkasta wuxuu ogyahay in Isbitaalka Keysaney bulshada leedahay hadana maamusho hay’ad madaxbannaan.

S: Maxay yihiin dhibaatooyinkaaga ugu waaweyn?

J: Waxaa jiraa dhibaatooyin badanaa la xiriira awooda waxqabadka deg degga ah, waxaa nagu yar dhakhaatiir qalliin oo aqoon fiican leh. Keydka dhiigga aan haysano aad bay u hooseeyaan. Waxaa aragnaa bukaano badan oo u baahan labadaba tani waxa cadeyneysaa dhibka jira. Kaa sokow wax yaraanta, waxaan isku dayna intii aan awoodno si aan uga jawaabno xaaladaha deg degga ah nololna aan badbaadino.

 

Xaqiiqooyinka iyo tirooyinka Isbitaalka Keysaney:

Keysaney Hospital

Isbitaalka Keysaney © ICRC/Pedram Yazdi

 

Tan iyo sannadkii 1992, isbitaalka waxaa la keenay 180,000 bukaan, wuxuuna gargaar siiyey in ka badan 84,000 bukaan oo qaba dhaawac rasaas.

Qolka qalliinka cusub oo ay dhistay ICRCda sannadkii 2014 wuxuu hagaajiyey awooda isbitaalka si ugu jawaabo xaaladaha deg degga ah.

Xogta Isbitaalka Keysaney sannadkii 2014;

 

-555 bukaan qaba dhaawac ayaa la keenay isbitaalka

-2633 wadarta guud isbitaalka la keenay

-2081 inta qaliin loo sameeyey

-5795 loo gudbiyey waaxda deg degga (triage)

-6272 bukaan socod la qaabilay

 

images