Ku dhawaad 4,000 oo maxaabiis ah oo Soomaaliya jooga ayaa ku raaxeysan doona hilib ari iyo timir afur loogu talogalay iyaga oo gudanaya soonka Ramadaankan. Ila 1,300 oo ari ah iyo in ka badan afar iyo bar tan oo timir ah ayaa ku jiray alaabta uu Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) u qeybiyay 12 xabsi oo Soomaaliya oo dhan ah.
“Waxaan maxaabiista u qeybineynaa raashinka, si ay u dareemaan in ay qeyb ka yihiin farxadda Ramadaanka sida dadka banaanka jooga oo kale inta soonka lagu jiro.” Ayuu yiri Maxamed Liibaan, oo ah Sarkaalka Ilaalinta ICRC-da ee Baydhabo.
“Shaqadeenu waa in aan hubinaa in maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadamnimo leh. Xuquuqdooda iyo sharaftoodana la dhowro.”
Waxyaabaha kale ee la qeybiyay ayaa waxaa ka mid ahaa 4,600kg oo caleen shaah ah, 4,600kg oo caano boore ah, 9,500kg oo sokor ah, 4,600kg oo dhirta cuntada ah iyo 4,600 liitar oo saliidda cuntada lagu karsado ah. Hoos waxaad ka arki kartaa sawirrada qeybinta ee laga qaaday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Baydhabo ee gobolka Baay.
Download footage and photos from ICRC Video Newsroom
Xeyn ari ah oo sii galaya gudaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo. Ariga ayaa waxa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha Ramadaanka ay ICRC-du u qeybisay 12 xabsi ee ku yaala Soomaaliya. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Shaqaale ka tirsan ICRC-da oo hubinaya alaabta la keenay Xabsiga Dhexe ee Baydhabo. Alaabta ayaa waxaa ku jiray timir, misir, sokor, caano, caleen shaah, saliidda cuntada lagu karsado iyo dhirta cuntada oo loogu talogalay maxaabiista maadaama ay soomanyihiin inta lagu jiro Ramadaanka. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Maxbuus Qur’aanka ku aqrisanaya qolkiisa. Maxaabiista Soomaaliya ee gudanaya Ramadaanka ayaa ka qeyb qadanaya ruuxda munaasabdda. Kooxaheena ayaa raashin ugu deeqay xabsiyo ku yaala Soomaaliya oo dhan si loo hagaajiyo liiska afurka. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Waa xilligii salaadda! Maxbuus weyso (wudu) qaadanaya – weysada oo ah howl ay muslimiintu qabtaan salaadaha ka hor. Maxaabiista Soomaaliya ayaa loo ogolyahay in ay diintooda ku dhaqmaan iyada loo qoondeeyay waqti ay ku tukadaan. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Maxaabiis ku jira gudaha xabsiga dhexe ee Baydhabo. ICRC-du waxay maxaabiista la yeelataa waraysiyo gaar ah oo la xiriira habka loola dhaqmo iyo xaaladda nololeed ee maxaabiista oo dhan, iyada oo aan loo eegaynin sababaha markii horeba loo soo xiray. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Shaqaale ka tirsan ICRC oo la hadlaya maxaabiis rabta in ay wax ka ogaadaan qeybinta Ramadaanka. Booqashada ICRC-da ee xabsiyada ayaa soo bilaabatay sanadkii 1977-dii intii uu socday dagaalkii Ogaadeenya. Sanadkii hore, ICRC-du waxa ay booqatay 10 xabsi oo ay ku jiraan isugeyn 3,770 oo maxbuus dalka oo dhan si loo qiimeeyo xaaldaha nololeed iyo sida maxaabiista loola dhaqmo. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Maxbuusnimadu waa nolol dhibteeda leh, joogtaynta xiriirka qoyskuna waxay muhiimad weyn u leedahay xasilloonida maxaabiista. ICRC-du waxay sidoo kale maamulka xabsiyada kala shaqaysaa in la xaqiijiyo in qoysaska dadka xirani ay helaan warar ku saabsan kuwa ay jecel yihiin ee maxaabiista ah, halka ay ku sugan yihiin isla markaasna ay iyaguba la xiriir karaan, booqanna karaan. Intii lagu jiray sannadkii 2022, 159 farriimood oo akhbaar ah ayaa taleefanka loogu diray qoysaska dadku ka xiran yihiin. ©ICRC/Abdikarim Mohamed
Ciyaaraha sida dubnadda iyo turubka ayaa ah kuwa ay maxaabiistu ugu jecelyihiin in ay waqtiga isku dhaafiyaan xabsiga dhexdiisa. ©ICRC/Abdikarim Mohamed