Inta lagu jiro bisha Ramadaan, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxa uu maxaabiista Soomaaliya siiyaa walxaha aasaasiga ah ee lagu afuro sida timir iyo hilib ari, si ay cunto maalmeedkooda ugu dhammeystiraan. Afurka, oo ah cuntada fiidkii oo soonka lagu furo marka ay qorraxdu dhacdo, ayaa ah waqti macno weyn leh ka dib maalin soon ah. Maxaabiista ayaa sidoo kale hela caano booro iyo buskud, halka jikooyinka xarumaha xabsiyada la siiyo sokor, caleen shaah, misir, yaanyo shiid shiid iyo saliidda cuntada si looga taageero diyaarinta cuntada inta lagu jiro bisha barakaysan. Tallaabadan sanadlaha ah ayaa dhaqan qiimo leh u noqotay ICRC iyo maxaabiista.

Iyada oo muhiimaddeeda leh, ayay hadana tallaabadani ka dhigantahay qeyb yar oo ka mid ah waxa aan xabsiyada Soomaaliya oo dhan ka qabano.

Tan iyo 1977, ICRC-du waxay ka shaqeyneysay gudaha darbiyadan aadka loo ilaaliyo halkaa oo ay kumanaan maxaabiis ah nololmaalmeedkooda ku qaataan. Innaga oo kaashaneyna masuuliyiinta xabsiyada, ayaan ka shaqeynaa in maxaabiista si bini’aadamnimo leh loola dhaqmo, sidoo Kalena fududeynaa in ay qoysaskooda la xiriiraan innaga oo xaaladaha nololeed u hagaajina kuwa xorriyaddooda laga qaaday. Sidan ayaan u shaqeynaa.

Ruuxda Ramadaanka

Iyada oo qeyb ka ah dhaqankeena Ramadaanka, ayaan sanad kasta bixinaa cunto, uu ku jiro hilib si aan gacan uga geysano afur siinta maxaabiista ku xiran xabsiyada Soomaaliya oo dhan. Arintan ayaa u oggolaaneysa in ay bisha Ramadaan soomaan iyaga oo ilaalinaya iimaankooda iyo aqoonsigooda dhaqameed– oo qeyb aasaasi ah ka ah la dhaqanka bini’aadamnimo. Sanadkan, in ka badan 5,000 oo ah maxaabiis ku xiran 11 xabsi ayaa helay timir, caano booro, iyo buskud. @Rahime Adan/ICRC

 

Goobaha Sharafta

Waqti ku qaadashada banaanka ayaa maxaabiista siineysa isbadal ah sida ay noloshoodu u socotay iyo mid deegaan. Waxay kale oo ay u suurogalineysaa gudashada halwlahooda maalinlaha ah sida nadaafadda shakhsiyadeed, dhar dhaqashada, iyo hawlo kale oo macno leh. Xabsiga Dhexe ee Baydhabo, tusaale ahaan, maxaabiistu waxay isugu soo ururaan meel lagu nasto oo ay ICRC dhawaan dayctirtay, halkaa oo ay ku tukan karaan kuna qaadan karaan hawo fareesh ah. Xaaladaha maxaabiista oo la hagaajiyo waxay masuuliyiinta Soomaaliya ku caawineysaa in ay waajibaadkooda ka soo baxaan sida uu qabo xeerka Soomaaliya iyo heerarka bini’aadamnimo ee caalamiga ah ee la dhaqanka maxaabiista. @Rahime Adan/ICRC

 

Caafimaadka gudaha Xabsiga

Cudurradu si fudud ayey ugu faafi karaan meelaha ay dadku ku badanyihiin Tusaale ahaan, hal kiis oo qaaxo ama shuban ah ayaa si fudud isugu badali kara cudur dillaacay. ICRC waxay masuuliyiinta kala shaqeysaa la socoshada caafimaadka maxaabiista iyada oo sidoo Kalena taageero caafimaad siisa marka loo baahdo. Sanadka 2025, ICRC waxay talo farsamo iyo agab ku taageertay shan xarun caafimaad oo ku yaala gudaha xabsiyada si loo daweeyo 15,791 oo maxaabiis ah. @Rahime Adan/ICRC

 

Meel Ammaan ah

Adduunka oo dhan, ICRC waxay waraysi gaar ah la yeelataa maxaabiista. Waraysiyadan ayaa lagu qabtaa meel ka fog ilaalada iyo masuuliyiinta xabsiga, arintan oo abuureysa meel ay maxaabiistu si xornimo leh ugu soo gudbin karaan walaaca ay ka qabaan habka loola dhaqmo iyo xaaladaha nololeed. Sheekeysiyadan ayaa noo suurogaliya in aan aqoonsano xaaladaha ama caqabadaha taagan innaga oo masuuliyiinta kala shaqeyna sidii wax looga qaban lahaa. Waraysiyadan waxaa dhawray waajibaadka dhexdhexaadnimo ee ICRC, taa oo macnaheedu yahay in sheekeysiyadani ay yihiin kuwo sir ah. @Abdikarim Mohamed/ICRC

 

Buuxinta Fogaanta

La xiriiridda kuwa ay jecelyihiin waxay caqabad ku noqon kartaa maxaabiista iyo qoysaskoodaba. Waxaan gacan ka geysanaa buuxinta farqigan innaga oo fududeyna xiriirka qoyska iyada oo loo marayo Farriimaha Laanqayrta Cas (RCM) iyo salaamaha (farriimaha afka). Xariirradan ayaa maxaabiista xasuusiya in aanan la hilmaamin. Sanadka 2025, 280 maxaabiis ah ayaa awood u helay in ay la xiriiraan qoysaskooda iyada oo loo maray 37 Farriimaha Laanqayrta Cas ah iyo 60 salaamaha ah maxaabiista Soomaaliya. ICRC ayaa sidoo kale  237 Faarriimaha Laanqayrta Cas ah ka soo qaaday maxaabiis ku sugan Ethiopia iyada oo gaarsiisay qoysaskooda oo ku sugan Soomaaliya. @Abdikarim Mohamed/ICRC

 

Gaaritaanka ay Kalsoonidu sababtay

Hawlahan oo dhami ma qabsoomi laheyn haddii aynaan wadashaqeyn ka helin masuuliyiinta xabsiyada. Dhexdhexaadnimada ICRC, taa oo tobanaansano la dhisayay, ayaa noo oggolaaneysa in aan gaarno xabsiyada Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan. Sanadka 2025, waxaan 56 booqasho ku tagnay 20 xabsi. @Rahime Adan/ICRC