Jaamacadda Puntland State ayaa Soomaaliya ku matali doonta tartanka IHL ee All-Africa bishan Nofeembar ka dib markii ay ku guuleysatay wareegga heer qaran oo Muqdisho ka dahacay. Waxay xaqiijiyeen booskooda ka dib markii ay ka adkaadeen Jaamacadda Muqdisho tartan adag oo tijaabiyay aqoontooda sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada (IHL), oo sidoo kalena loo yaqaan xeerka colaadda hubeysan.

Guushan ayaa waxay ka dhigantahay markii uu horreysay oo ka soo muuqdaan heer qaaradeed, iyaga oo horyaalnimada kaga guuleystay guuleystayaashii sanadkii hore, oo ahaa Jaamacadda Muqdisho.

Tartanka ayaa waxa uu soo bandhigay xiisaha jiilka soo socda ee qareennada Soomaaliyeed, iyada oo kooxaha difaaca iyo xeer ilaalintu ay doodo adag ka sameeyeen kiis maxkamadeed matalaad ah. Arintan ayaa hoosta ka xarriiqeysa xiisaha kordhaya oo ay jaamacadaha Soomaaliyeed u hayaan IHL-ka iyo xirfadaha sharci ee da’yarta xiisaha loo qabo.

Qolka maxkamadda ee matalaadda ah ayaa waxaa ka muuqday xamaasad farabdan iyada oo ay ardeydu soo bandhigayeen doodahooda. Arinta miiska saaran ayaa aheyd tikitka kulamada All-Africa iyo fursadda ay dalkooda ku matali karaan. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Kooxo ka kooban sadex ardey oo sharciga barta ayaa si habsami leh u soo jeediyay doodooda, iyaga oo doodooda hordhigay fadhi ka kooban sadex garsoore. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Garsooreyaasha kala ah Jelena Nikolic (La-taliyaha Sharciga ICRC-da Soomaaliya), Daniel Zouggari (Ergay ICRC ahna tababare IHL) iyo Mohamed Farah (La-taliye Sare oo dhanka  Sharciga ah, Wasaaradda cadaaladda & Arrimaha Dastuurka) oo ka socda bahda sharciga Soomaaliyeed oo si taxadar leh u miisaamaya doodaha ka hor inta aysan ku dhawaaqin guuleystaha. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Abdihafid Mohamed Ali oo ka socda Jaamacadda Muqdisho ayaa soo jiitay garsooreyaasha iyo dadka kaleba, isaga oo si qurux badan u soo bandhigay kiis uu ku helay Abaalmarinta Afhayeenka ugu fiican. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Inkasta oo ay dood adag la timid, Jaamacadda Muqdisho ayaa dirqi ku seegtay horyaalnimada. Laakiin hadana, guushooda ay heerkan ku soo gaareen, iyaga oo soo dhaafay lix jaamacadood oo kale, oo ay kamadanbeysta tartanka soo gaareen ayaa mudan in la aqoonsado. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Guul! Jaamacadda Puntland State ayaa la hoyatay koobkii la wada doondoonayay iyaga oo xaqiijiyay booskooda kulamada All-Africa oo Nairobi ka dhici doona. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ka taageeri doona safarka iyo deegaanka marka ay wajahayaan ardey sharci oo heer sare ah oo ka kala socda sideed dal oo Afrikaan ah. @ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Labada kooxood oo sawir wada galaya, ayaa soo gabagabeysay tartan kale oo IHL-ka Soomaaliya ah oo lagu guuleystay kaa oo kobcinaya soona bandhigaya maskaxda sharci ee Soomaalida. @ICRC/Abdikarim Mohamed