Muqdisho (ICRC): Jaamacadda Puntland State (PSU) ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay tartanka sharciga caalamiga ah Soomaaliya ee sanadkan (IHL) iyada  oo hubisay ka qeyb galkeeda kulamada tartanka All-Africa oo bishan Nofeembar lagu qabanayo Nairobi.

Jaamacadda PSU ayaa guul ka gaartay Jaamacadda Muqdisho daraasad kiis iyo dhageysi maxkamadeed matalaad ah oo lagu qabtay Muqdisho. Guud ahaan, lix jaamacado Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb qaatay tartanka, iyaga oo soo gudbiyay qoraallo ka kooban doodo ku saabsan xeerka colaadda hubeysan. Labada kooxood ee ugu sarreysa ayaa u soo gudbay kamadanbeysta maanta halkaa oo Jaamacadda PSU, oo jileysay difaac ayaa soo gudbisay doodo xiiso leh taa oo keentay in sadexda garsoore ay guusha guddoonsiiyaan.

“Waxaan marka hore guushan uga mahadnaqeynaa Allah, ka dibna waxaan u mahadcelineynaa hormuudkeena iyo jaamacadeena. Habeennadii hurdo la’aanta ahaa ayaan ugu danbeyn mirahoodii guranay,” ayuu yiri Mohamed Awad Hussein oo ah mid ka mid ah ardeyda guulaysatay ee Jaamacadda PSU.

Sadexda arday oo sharciga ka barata Jaamacadda PSU ayaa hadda Soomaaliya ku matali doona tartanka All-Africa oo ka qabsoomi doona Nairobi, Kenya, halkaa oo ay ku tijaabi doonaan awooddooda dhanka sharciga kooxo sare oo ka kala socda sideed dal oo kale oo qaaradda oo dhan ah.

Abaalmarinta shaqsiga ah ee Af-hayeenka ugu fiiican ayaa waxaa helay Abdihafid Mohamed Ali ka socda Jaamacadda Muqdisho.

Tartanka IHL ee Soomaaliya iyo kulamada All-Africa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Caalamaiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), oo kafaala qaadi doona sedexda arday ee sharciga ka barata Jaamacadda PSU marka ay u gudbaan heer qaaradeed.

“Xiisaha sharciga ee aan maanta ku aragnay ardeydan ayaa ah mid aan aad ula dhacnay innaga oo ah ilaaliyeyaasha IHL-ka,” ayuu yiri Alexandre Formisano, oo ah Madaxa Barnaamijyada iyo ka Hortagga ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan taageeri doonaa Jaamacadda PSU marka ay u gudbaan kulamada All-Africa.”

Tartankan qaran ee sanadlaha ah ayaa ujeedkiisu yahay in jiilka soo socda ee qareennada Soomaaliyeed lagu baro doorka muhiimka ah ee xeerka colaadda hubeysan (IHL), adeegsigiisa dhabta ah, iyo ka sii socoshadiisa Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan.

 Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Rahime Adan, ICRC, tel: +254 705 410 641, email radanissack@icrc.org

Fadumo Ali Jama (English/Somali), ICRC Mogadishu, +252 611 006 330, email falijama@icrc.org

or visit our website: www.icrc.org

To preview and download the latest ICRC video footage in broadcast quality, go to

www.icrcvideonewsroom.org 

To find out what the ICRC is doing in Somalia, go to

https://blogs.icrc.org/somalia/

Follow the ICRC in Somalia on instagram.com/icrc_somalia and twitter.com/ICRC_Africa